Qabsashadii Balligubadle Ee Ciidankii Siyaad Barre W/Q: Cali Cabdi Coomay

0
451

Qabsashadii Balligubadle Ee Ciidankii Siyaad Barre
W/Q: Cali Cabdi Coomay

Ka hor inta aynaan bilaabin duullaankii ciidankii Maxamed Siyaad Barre (Faqashtu), ku qabsadeen magaalada Balligubadle, waxa aynu ka horaysiin doonaa mihiimada ay magaaladu lahayd.
Sababihii Balligubale Ciidankii Siyaad Barre u weerareen.
Magaalada Balligubadle waxa ay lahayd istaraatijiyad weyn, marka laga eego arrimaha hoos qoran:
• Magaalada Balligubadale waxa ay aad ugu dhawdahay Hargaysa, una jirta fogaan dhan 60 Kiiloomitir.
• Waa xaruntii guud ee jabhadii SNM, waana meelihii lagu samayn jiray qorshayaasha jabhada
• Waxa deganaa Idaacadii Radhyow Halgan oo aan habeenna aamusayn, kuna hadli jirtay afka SNM, taasoo laf-dhuungashay ku noqtay nidaamkii dalka ka jiray wakhtigaasi.

• Qodobka taariikhiga ahaa wuxuu ahaa in ay Balligubadle ahayd halkii lagu unkay jabhadihii Koonfurta (Soomaaliya), ka dagaal galay, ee kala ahaa, SPM iyo USC, laguna siiyey sannad military, oo ay ku dagaalgalaan, taasina waxa ay ahayd wixii SNM kaga adkaatay taliskii Siyaad Barre
• Waxa ay hoy u ahayd labadii Ganaraal ee ay u taagwayday dawladii Siyaad Barre ee kala ahaa, Gen. Maxamed Faarax Caydiid oo ahaa guddoomiyihii jabhadii USC iyo Gen. Axmed Cumar Jees oo ahaa guddoomiyihii jabhadii SPM.

Haddii aynu dib ugu noqono qaabkii uu u dhacay weerarkii ay ciidankii Maxamed Siyaad Barre ku qabsadeen xaruntii halgan ee ay fadhiyeen jabhadii SNM, ayaa waxa goobjoog u ahaa Maxamuud Ducaale Saleebaan (Tallaabo). Tallaabo wuxuu qoraal kooban ku qoray buugiisa la yidhaa” Dhiigii Geesiga (2016)” sidii uu u dhacay hawlgalkaasi tallaabo wuxuu ka hadlay nooca weerarku ahaa, waxaan yidhi” waxa noo muuqatay siigo ay soo kicinayaan tiknikadii ciidankii MSBarre, oo Balligubadle weerar ku ahaa, balse maanu aaminsanayn inay noogu imanayaan halkan, kuwii siigada arkayey ayaanu ku nidhi waar halkay inaga haysaa siigadu, markaasay yidhaaheen dhinaca waqooyi, Mise waaba nala hayaa, ka dib waxa aanu isla-garanayn in idaacadda la furfuro. Muddo yar ka dib waxa suuqii magaalada ka bilaabmay rasaas goos-goos ah, oo show waa ciidankii lugta oo magaaladii gudaha u soo galay.

Waxaanu si deg-deg ah u furfurnay qaybo ka mid ah idaacadii, ka dib waxa aanu saarnay gaadhi Niisaan ah, oo uu lahaa nin la odhan jiray Maxamed Gudcur, oo ahaa nin shacab ah. Qalabkii idaacadda ee aanu habeenkii kala yaacnay goobta, waxa aanu u hoynay meel cidla ah oo la yidhaa Gaaroodiga, una dhaxaysa Balligubadle iyo tuulada Barwaaqo. Ciidankan Fashaqta waxa hogaaminayaa Cabdicasiis Cali Barre oo Maxamed Siyaad Barre ay ilmaadeer yihiin. Ciidankii waxa ay cagta mariyeen xaruntii jabhadda ee Balligubadle, waxa aanay qaateen qaybo badan oo idaacadii SNM ah, oo anaga iyo qolyo kale oo naga dambeeyey la yaaci kari waayeen. Guud ahaan ciidankii waxa ay bililiqaysteen dhammaan wixii magaalada yaalay, sidoo kale waxa ay gubeen wixii dhisme ahaa, waxa ay laayeen dad shacab ah, inkasta oo aanay badnayn, marka laga reebo intay laysay rasaasta seeraarada ahi.

Waxa ay kaxaysteen gaadhigii guddoomihii SNM ee xilligaasi AHN Cabdiraxmaan Axmed Cali “Tuur”, oo intay Hargaysa la tageen ku dabaal-degeen. Markii waagi baryey, ayey ciidan SNM ahi soo abaabuleen weerar rogaal-celin ah, oo ay ku doonaayeen inay magaalada dib ugu qabsadaan, balse waa la iska caabiyey, oo way u suurtgeliweyday inay dib u qabsadaan. Markii la gaadhay gelinkii dambe ayey ciidankii Cabdicasiis Cali Barre (Faqashtu), iskood uga baxeen magaaladii. Habeenkii labaad aniga iyo kornaylada kala ah, Cabdilaahi Dirawal iyo Ibraahin dhagaweyne oo labaduba ka mid ahaa jannanadii maalintaa uu Cabdicasiis Cali Barre u itaal sheegtay, waxa aanu seexanay tuuladii Gunburaha oo dabka loo shiday, oo la gubay. Ciidankii Cabdicasiis waxa ay guul kala hoyden weerarkii Balligubadle, markii ay ka baxeen magaalada waxa ay noo sii qoreen waraaqo ay ku sii daadiyeen magaalada oo ay ku qornaayeen hadal sidan u dhignaa” Adigaa rabigaa rasaas ka baryayee, adigaa rogay reerihiiniiye, ku raaxayso reenka kaaraha”. Hore ayaa loo yidhi libin lagaaga dambeeyaa libin maaha, balse waxa ka dambeeyey in laga daba abaabulay weerar saf balaadhan oo kii ay geysteen jawaab u ah”.
Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.
Hargaysa, Soomaalilaan.
Calicoomay@hotmail.com
Tix-Raac:
Maxamuud Ducaale Saleebaan “Tallaabo”…….Dhiigii Geesiga (2016).