AYNU TUJINO MASKAXDEENA OO AYNU MAALNO MURUQEENA W/Q: Ali Mahdi Hussein

0
624

AYNU TUJINO MASKAXDEENA OO AYNU MAALNO MURUQEENA W/Q: Ali Mahdi Hussein

Waxaa lagama maar maan ah in laga hadlo kolba xalada lagu jiro hadaba ……….

Bismilaahiraxmaani Raxiim. Waxaan salaamayaa dhamaan umada Somaliland meel kastoo ay joogto, salaantaa ka dib waxaan salaamayaa madaxweyenaha jamuriyada somalilnad, marwada kowaad ee jamuriyada somaaliland iyo sadexda gole ee jamuriyada somaaliland.

Sababta aan intaa salaanta ugu horeysiiyey waxaa weyaan shacabka iyo inta ay dorteen ee aynu u igmanay in ay ina hogamiyaan, hadaba hadii aynu doranay in ay ina hogamiyaan waa in aynu ixtiraamnaa oo ka danbeynaa iyaguna ina ixtiramaan oo shaqada aynu u igmanay inoo qabtaan.

Waxaa lagama maar maan ah in laga hadlo kolba xalada lagu jiro hadaba hadii aan hadalkayga hodhicisii intaaa ku dhaafo waxaan u guda galayaa mawducan dulucdiisa oo aan uga dhigayo bartilmameed [ AYNU TUJINO MASKAXDEENA OO AYNU MAALNO MURUQEENA]

Tan iyo intii somalilaand lagu dhawaaqay waxaa isa soo tarayey horumar aan la soo koobi kareen oo xukumad kastaa wax ku sii daraysay iyadoo kala duwanayeen xiliyada ay dawladihii inasoo maray iyo tan hada joogtaaba aheyed xiliyo wayahooda watay oo xiliba wax ku wanaagsanaa waxana ku adkaa. Hadaba waxaa mudan in lays weyediiyo xiliyadaa aynu soo marnay ma waxaynu helnay siyasiyiin halyeeyo ah oo inaglasoo dabaashay mise mustamacaa dadaalay oo dantooda raacay? Su-aashaa waxaynu u dhaafynaa akhrisadaha.

Lakiin waxaa runtu ku jirtaa in isku duubnidu tahay midnimada umada iyo xooga qaranka waxba yaan layna kala jiidan oo danteena laynaga lumin waxaa la kala ridanayaa waa kursiga waxaa muhiimadu tahay in aynu kala ahaano shacab iyo dawlad oo kolba dawlada aynu doorano aynu la shaqaynaa mucaradkuna ina tusaa wixii dhaliila ah oo ay ku badalayaan iyagoo maraya dariiqa toosan lakiin yaan la adeegsan Suldaan, Caaqil, Iyo odayaal kolba yidhaa beeshaydu way ka baxday waa ceeb cid ayna gacantooda hayen oo warqada ay ku ridayaan awoodin inay xukumaan go´anka shaqsiga aanay meel kaga dhicin inay ka gudbaan oo ay ku tartamaan xusbiyadu barmaamij hufan oo wax tar u leh dalka iyo shacabkaba.

Inagana waxaa inala gudboon inaynu qabyaalada ka gudubno oo danaheena eegno oo intii meel wada dagtaaba waa isku danee aynu doorano kii inoo dan ah ee wax inoo qabanaya.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa waa in aynu helnaa aqoonyahan iskaa wax u qabta oo sida tabliiqa umada dhax mara oo wax u sheega oo ka xooreeya suldaankan iyo odayadan jaha wareriyey amba caqilkan ka habsamay magtii uu soo uruurin jiray ee u xusul duubtay siyaasad.
Waxaan jeclaaday inaan ku xuso qoralkaygan PROF. Ahmed Ismaciil Samatar iyo kUwa la midka ah ee mujiyey aqooni waxay tarto iyo aqoon yahan waxuu yahay.

W/Q: Ali Mahdi Hussein
alishabac@gmail.com
Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here