Baaq Nabadeed Waxa Qoray Cabdixakiin Dhamac

0
995

Baaq Nabadeed Waxa Qoray Cabdixakiin Dhamac
Baaq Nabadeed

Asc wr wb.Illaahay ayaa mahad oo dhan usugantahay inaga dhigay ummad muslim ah kuna abtirsada Islaamka.
Waxaan halkan baaq-nabadeed ku wajahan mashaqada ka dhacday shalay deegaanka Hawdka Bari ee Degmada Gaashaamo ee dhexmartay ummada muslimka ah ee halkaas wada degan ,taas oo anigaygan si xun ii saamaysay iyo dhamaanba dadka deegaanadaas ku nool iyo intii ka damqanaysa dhiig lagu daadiyo si caqlidaro ah.Waxaan Alle Swt u waydiinayaa intii halkaas ku qudhbaxday in Alle u naxariisto janadiisana ka waraabiyo unna danbi dhaafo inta

dhaacawanna Alle shaafiyo.

Waxaan usoo jeedinayaa ummaddaa walaaha ah ee halkaas mushkilada dhimashada iyo dhaawacaba keentay ku dhexmartay inay si aan ka hadal lahayn u joojiyaan in aan mardanbe wax iska hor imaad ahi dhicin arinkana loo guntado sidii xal buuxa loogu helilahaa loona soo afjarilahaa arinkaas oo ay ahayd in marhoreba laga hawgalo lana xaliyo.Waxaa canaanta kowaad iskaleh masuuliyiinta degaamadaas haday ahaan lahayd madaxda dhaqanka,culumida,dadka waxgaradka ah iyo sidoo kale maamulka deegaankaas masuulka ka ah oo ay ahayd in mushkiladaas mar horeba wax ka qabtaan inkasta oo Qadarta Alle aan cidina baajinkarin hadana waa nasiib daro in mushkiladaha noocaas ah la sahashado.
Markale waxaan ku celinayaa Baaqnabadeedkaas iyo sidoo kale in laga digtoonaado cidkasta oo iskydayeysa inay ummaddaas walaaha ah dadka kusii shido ha ahaato mid arimo qaloocan ka dhexraadinaya,mid caqligaaban oo aan garan karin natiijada xun ee uu leeyahay dhiigga dadka muslimka ah iyo midkasta oo ka macaasha dhiiga ummada walaala ah daadintooda.

Cabdixakiin Dhamac