DHAWRSANAANTA!! Qalinkii : Axmed Cali Kaahin

0
901

DHAWRSANAANTA!! Qalinkii : Axmed Cali Kaahin

Nolosha adamaha dhamaantii waxa sal u ah dhaqamo iyo Diin bulshooyinkana kala sooca, kuna qiimeeyaan samaan iyo xumaanta xadigooda, kuna ladhantahay xal u helidooda iyagoo adeegsanaya curfiga iyo edaabta guund ee guunka ah, guna u tahay kuna dhisan sadarada diinta, ama haddii qaab kale u noolshahay bulshadaasi.

Dhawrsanaatu waa mawduuc guddo balaadhan, waa astaan asluub iyo edaab hufan hoy u tahay lana baha akhlaaqda oo kasii gudo balaadhan. balse in yar baynu dul istaagi dhawrsanaanta guud ahaan. Waa dar ay kawada cabbaan dhamaan qaybaha kala duwan ee mujtamacu midkastaan ka cantoobsado qaddarka ay gacantiisa qalbiga ku xidhani u qaadi karto ama ku dirqiyo nafta, oo jecel u hogaaminta dhinaca dhaqanada hoose ama liita.

Dhawrsanaantu waa tilmaan qurxoon oo qaabsan qiime wacana u yeesha cidkasta oo ku sifawda gadduhuu doono ha ahaadee, taa kasoo horjeedkeeda cidkastoo ka fogaata dhawrsanaanta waxa faydma foolxumadiisa filkasta ha ahaadee,una sii kal xeel dheer yihiin dhinaca jinsiyada iyo dad gaara oo u nugul daawaca soo gaadha dhawrsanaantooda,miisaanka lagu cabirana u ah cidda uu ficilka  ka dhacay gadaheeda iyo goobta uu ku sameeyay taasi oo ay is barkan yihiin yuhuunta guud ee bulshadu kaga dareen celiso ficilada tolmoon iyo kuwa laga yakhyakhsoodo kuna qotama isla qaadashada bulsho qaab aan laga wadda tashan , balse si iskumida marqudha looga wadda falceliyo sax ama qalad.

Haddaan yar kala qaadno heerarka dhawrsanaanta bulsahda dhexdeeda u kala mudan yihiin sida ay marka horeba u kala muddan yihiin dadku dhinaca ixtiraamka, uguna horeeya waayeelka guud ahaan rag iyo dumar ku soo caana maalay dhaqanka suuban, sadna u ah muddo dheeroo soo jireena, maggacoodaa si fudud looga dheehan karaan oo ah waayeel. mmada Islaamkana la faray in la ixtiraamo qofkasta oo Islaamnimo ku ciroobay haddalkiisa iyo ficiliidiisana qaddarin loo muujiyo, wax badan oo maanta jirana tallo wanaagsan oo ay lahaayeen baa udub dhexaad u ah, dhawrsanaanta badan ku heleen ficilo ama haddalo badan oo dhawrsan oo laga akhrisan karo noloshooda guud iyo gaar ahaaneedba .

Sidaa daraadeed iyana waxa culays leh wax kasta oo agmarsan dhawrsanaanta waayeelka ee kasoo fula, waala dareemi kartaa haddaan kasoo qaadano halka oo ka fudud ficilka in la yidhi (Nin wayn oo haddal ka dhacay waa geed qolafka dhacday) haddalkaasi oo si xeel dheer farta ugu fiiqaya in eray qaldan oo waayeel ka dhacay aanu helayn wax garaabida inkastoo aynu nahay Aadame daciifa oo la inoo abuuray in aan dambaabno oo la inoo dambi dhaafo,sir culusina ku jirto,khaladka waayeelka in dulqaad yari lagu qaabilayaa waa mid cad. waxa jira in Maddaxda,Culimada,dhamaan hormoodka, ay dhawrsanaantoodu ka sii xeel dheertahay ta dadka caadiga ah loona baahan yahay is ururin badan, taasi oo khaladkoodu yahay tuke baal cad.

Aan yar dul istaagno iskuna qaadimayno sida waayeelka aan iskugu qaadnay lab iyo dhedig oo mid kasta dhawrsananatiisa si gaara u yar dul istaagno. dhalinta waynu yar kala qaadi, runtii haddii waayeelka haddal lagu qabsaday dhalinta dhaqanka Soomaaligu si fiican buu ugu cudurdaaray waxaanu siiyay fursad isa sixid ah, oo waxa la yidhi ( dhalinyaro intay geed ka boodaan bay talo ka boodaan) taasioo inoo sheegaysa in talo dhan oo ay si guracan u qaloociyeen loogu garaabay kana duwan yihiin waayeelka taasi oo inoo iftiiminyasa dhawrsanaantu sida ay u leedahay heerar iyo khadad cas cas iyo kuwo cagaaran labadaba. Waan garan karnaa faraqa u dhexeeya eray iyo talo. Markaa dhawrsanaantu qiimaheedu wuxuu la siman yahay heerarka dadka oo kala duwan.  Halka meelo kale lagu cabiro qiyaaso kale .

Wiilasha iyo gabdhuhu guud ahaan waa aabayaashii/hooyooyinkii bari iyo Sallaadiintii mustaqbalka iyo Maddaxda la sugaayo, waxa sugaya xilgudasho u baahan barbaarin bilaw la ah dhalashadiisa waa hadba sida uu waalidku ula tacaalo iyo waafajinta rabi oo sunne Rabaaniya ah, dadaalkuse waa mid la ina faray in dhawrsanaan lagu barbaariyo sidii dadkii hore ee wanangsanaa oo Quraanka kariimka ah ku Xusan sida Luqmaan Inu Xakiim markii uu waaninayay wiilkiisa haddaad u fiirsato Aayadaha ka haddlaya ee suurat Luqmaan waad yaabaysaa sida xeesha dheer ee uu u huga tusaalaynayo Aayadaha ka bilaabma (Suurat Luqmaan 13-19) waana ciwaano waawayn oo farwaayn ku qoran, qofkastaana fahmi karo sida uu u balbalaadhiyay dhawrsanaanta iyo eedaab oo idil. Taasi baahideeda la dareemi karo wakhtigan xasaasiga ah, tusaalaha ugu habboon ee dhawrsanaan oo dhana iksu fuuqsaday .

Qaab nololeedka dhalinta guud ahaan waa wax lagu farxo sida ay wax u bartaan iyo qaabka horumarsan ee ay u fikiraan iyo dareenkooda oo heersare gaadhsiisan, waana maxsuulkii waalidiin badan iyo macalimiin badan, iyo jaamacadaha,bustaha guud ee nabada iyo amaankuna sii badhi taaray in si sahala u fuulaan kaabadaha nolosha ee kala duwan. Taasi waxaa barbar yaala oo sunnaha noloshu keenaysaa in dhawrsaantu dhaawacanto mararka qaarkood oo dhalin gaari ay sameeyaan ficilo lidku ah Diinta iyo curfiga qaab nololeedka bulshada, oo saamayn toosa iyo mid dadbana ku yeelata dadka iyo dalkaba .

Dhawrsanaan la’aanta ugu waynee maanta jirtaa waxa weeyaan maxsuulkii in gabi ahaanba laga jeedsaday barashadii diinta taasina keentay in jahli badan dhaco oo dhalintu ay kala garan waayaan maxaa dhawrsanaan ah iyo maxaan ahayn. Taasi oo laga dhaxlay ficilo shoog iyo yaab ku noqda bulshada mararka qaar, oo ay ugu wayntahay dhibirsanaan la’aanta waalidka oo noqotay shay iska caadiya in wiilku dhibo waalidiintii, kamida dambiyada waa waynee dhawrsanaan la’aantana sal u ah, qof aan waalidiintii dhawrsanaan kula dhaqamin waxba u tari mayso haddii uu bulsahda kale sifican ula dhaqmo waana dhaqan hadda soo batay, takale waxa jira guddashada waajibaadka Alle Swt oo in badan ay hilmaameen cid ka damqanaysaana yar tahay waayo qofkan lama barinba waynida Allaah Swr, taasi oo ah dabarka kaliye ee qofka qabta. Waxa jira ficilo badna oo kasoo horjeeda dhawrsanaanta balse haddii 2 qodob ee waawyan aan kasoo gudubno oo aan kuwo yaryar mid iyo laba ka xusno waxa cajiiba in isdhexgalka wiilasha iyo habluhu …. Waxa Xiga Qayb 2aad haddii Allaah Swt idmo, Ahmedckahin@gmail.com

 

DHAWRSANAANTA!!

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin Q/2aad.

….isdhexgalka wiilasha iyo habluhu noqdeen hab nololeed soo yar koraya, mararka qaarna bulsho badana dhabano haysi ku noqday markay arkaan dhaqanadan iyo sida ay wax u socdaan, haddaad dib u jalleecno hasii fogaanbee ama 15 sano ka hor ardayga ama ardayada soo dhexgala jinsi kale aad baa loola yaabi jiray, xataa iska daa wax kale la isma aqoon, hadda waxaad arkaysaa wiilal iyo gabdho siiwada rawaxaya oo shidanaaba shidan, aanay ka qasnaynba meelaha qaar weeyaan oo yar. Macalinka ugu wayni waa TV yada qaarkood halka qaar aqoon laga dheefsado, iyo Musalsalada la iskuna dayaayo in dib loo jilo sheekho ku sheega jacaylka oo dhawrsanaan badana daaqada kasaaraysa

Dhinaca kale daawasahda kubada cagta oo noqotay il ay kasoo butaacaan dhaqano qadhaadh oo qiimatir ku riday Diinteenii suubanayd iyo dhaqanadeenii dhawrsanaa, haddaad eegto qaabka loo xiirtay, habka lo socdo, dharqaadashada, magacyaa la iskugu yeedhayo, xalay oo dhan baa loo soo jeeday, maanta oo dhan marka la iskugu yimaadan dibaa cajalada loogu celinayaa in laga sheekeeyo, loona kala qaybsan yahay ninba koox dhabarka ku sito, waxaanu ku odhanayaa xalay waan guulaysanay, waxaanu soo iibsanay, waxaanu iibinay iyo Macalinkayagii sdiaa iyo sidaa, waxaad moodaa adhigii aabihii  in uu u abtirinaayo siduu u xifdiyay ciyaartoy kasta iyo taariikhdiisa ciyaareed iyo nololeedba, haddii la waydiiyo su’aal Diiniya ama dhaqana, waxa laga yaabaa in sida dadku sheegaan nin Heesaha aad u dhagaysan jiray mar la wadiiyay Magaca Saxabi Allaah Swt Raali ha ka ahaadee in uu ku jawaabay garan maayo haddaanu fanaaniintii hore ku jirin, waa tusaale cajiiba kolba waxa niyadaada aad ka buuxiso baa kasoo butaaca sida buushka waxa la galiyo marka hore uun baa isla shaygii laga tuujiyaa, haddii caano lagaliyo caano, haddii saliid lagaliyana saliid, kolay dhamaanteena waxaa inna tuujin doona Mawdka Allaw na sug. waxa taa sii raac ku dayasho badan oo qalad iyo saxba leh oo innagaga soo muusaysa qurbaha tilmaamo aan la mahadin laga soo dheegto.

Arrimahaas aan soo xusnay midkastaa waxa uu u baahan yahay in gaarkiisa loola tacaalo, qorshe iyo qaab xikmad iyo waano dhibirsana lagu maareeyo, waana hawl u wadda taal waalidka, macalinka, Cuimada, waxgaradka, wasaaradaha shaqada ku leh siyaasad cadna laga yeeshaa hagaajinta himiladeena oo ku xidhan jiilka soo socda iyo qaabkooda dhawrsanaantooda oo ah hantida ugu qaalisan ee ummadi leedahay mustaqbalka.

Sidaynu soo xusnay waa loo kala nugul yahay dharsanaan la’aanta bahda u nugulna waxaa hormoodka ah xaawalayda gaar ahaan hablaheena qaaliga ah ee qumanaanta iyo dhawrsananta u dhashay, waxaynu ka eegi doonaa meel kaliya oo khusaysa gabadha. si toosa diirada usaari doonaa Maah Maah kaliya oo ku jihaysan dharsanaanta,hawraar caan baxday, halkaysna dadka qaar u ah  oo tidhaahda. (KUN BAA LA HADLOO KOW BAY KA RAACDAA) (hawraar aan la mahadin)  taasi oo dadka qaar dood galiyaan ayna dhaliso faaqidaad guud  oo qofba aragtidiisa dhan ula dhaqaaqo, halka dadka qaar u arkaan haddal halis ku ah dhawrsanaanta ama urursanaanta ummada.

Hadaba dhawrsanaanta, afgaabnaanta, socod yaraanta, indho laabitaanka, daymo yaraanta, socodka asluubaysan waa astaan hida u ah hablaneena geeska waligoodna lagu tilmaansan jiray meelkasta oo ay dunida ka joogaan laguna soosooco, balse hadda waxaad moodaa in  dhaqankaa suuban sii liin baxaayo, dhaqano badani dusha kaga yimaadeen awooddiisii adkaydna ku jihaysanyihiin weeraro aan kala joogsi lahayn habeen iyo maalin iyo saacadkasta. halka dhaqankaasi suuban waayay cid u gurmata in lagu sii joogsado mooyaane, balse geed addayg uu udhashay awgeed ayaa ilaa hadda la awoodi laayahay in dhufayska laga saaro lana loodiyo. Waayo wali waxa nool hooyooyin badan iyo aabayaal laga dheehan karo xishoodkii iyo dhaqankii wanaagsanaa ahna buug qofkastaa uu akhrisan karo ama maktabad ina agtaal oo nool una baahan in waxbadan laga barto lana kaydsado.

Balse waxa jira cabsi ah in bari dhaw laydh lagu raadiyo haddii waalidiintaa maktabadahaasi ahi ay sii yaraadaan, Wakhtigan waxa jira baahi badan oo loo qabo qaab nololeedkaasi ka tilmaanaa bulshooyinka kale. Bulshadeenii hore ee reer guuraga ahayd waxay aad ugu caano maaleen camalkaa dhawrsanaanta waxaanu ahaa astaan lagu bildhaansado qofkasta lab iyo dhadig, sharafta oo la ilaashadaana ahayd shay biyo kama dhibcaana qofkastaana ku dagaalamo dhimashana laga xigay in lagu xadgudbo. In badanbaa la isku dili jiray oo dagaalo lagu hoobto ka dhici jireen sharaf gabadh lagu xad gudbay, ilaalinta sharafta dumarkuna waxay ahayd khad cas oo aan lagu xadgudbi karin oo ilaashan.

Dhinaca kale ilaalinta sharafta gabadha waxa masuuliyadeeda gaar ahaaneed iyo guud saarnayd  si gaara gabadha meelkasta oo ay joogto, taasi oo  gabadh kastaa gaadh joogta ah ka hayn jirtay ilaalinteeda, xilkeeduna dhabarka u saarnaa, cidna aanay ku halayn jirin, waxa jiray qaab lagu yaqaanay gabadha inta badan oo marka ay meel soo marto haddii rag fadhiyaan ay ka baydhi jireen, hadday qososhana afka gacanta saari jireen, marka ay socdaana inta badan baala daymoodku ahaa wax ceeba, indhaha oo la laabo ama foorarkuna ahaa wax dhamaan dumarku caan ku ahaayeen, in codkooda la maqlaana ay kasii darnayd, way badnaayeen dhaqanadda xushmada iyo xishoodku sadka iyo salka aan sal guurin u ahaa dumarkeenii qumanaa, oo halkan kuma soo wadda koobi karno.

Runtii gabdhaheena maantu waxay kaalin wayn kaga jiraan nolosha qoysas badan waxay fiiga ka dhiibaan dhalin badan oo ay waddadhasheen, gudo iyo dibadna waa halka ay bulsho badani ka dhiman wayday taageeradooda iyo hurida waxqabad oo waalidiin badani ku nasteen halka wiilashii in badani ay gabeen kana soo bixi waayeen kaalintii laga rabay, laggana gam’ay walaashii oo guntiga u xidhatay in ay buuxiso kaalintiisii hormoodnimo, runtiina si fiican oo saciimana hawshaa uga soo baxay, taasi oo wax laggu amaano lagguna faano u ah dhamaan dumarkeena iyo dadkeenaba, guddo iyo dibadna waa ka simanyihiin huridaa hadh iyo habeen ay ugu hiiliyeen waalidiintood iyo qaraabadooda iyo  cidii ay badhitaari karaan.

Waxkastoo fiican waxa ag socda turunturooyin yaryar mararka qaarna waawaynaada bulshadana ku yeesha raad dhibaateeya diintooda iyo dhaqankooda, turunturooyinkaasi way badan yihiin balse haddan sooo qaadano ta ay tilmaamayso odhaahda (kun baa la haddloo kow bay ka raacdaa) in qofku baadho lamaanihiisa waa arrin amaanteeda leh, si habboona u xusho, sidii dhici jirtayna haddii dadkii wanaagsanaa arkaan qof ay ku qancaan Amaanadiisa iyo Diintiisa waxay u bandhigi jireen guur gaar ahaan cidda ay masuuliyadoodu saarantahay, qaabab badan oo loo baadho lamaanaha oo shareecadu sugtay kuna suntay saddaradda diinta ee suuban sideeda in loo raacana waa waajib sandula ku ah qof kasta, sharcigu wuu ka sareeya wax kasta, qaababkan odhaadu tilmaamayso in laga talaabsado iyadoo niyada lagu hayo odhaahdaan aan meel ku lahayn diinta, maadaama ay tilmaamayso in dhawrsanaanta la jabiyo oo qofkasta qaabkuu jeclaysto u maro hawlaha wadda haddalada yagleeliga guri nagi. Waxa Xiga Qayb 3aad haddii Allaah Swt idmo,

Ahmedckahin@gmail.com

DHAWRSANAANTA!!

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin Q/3aad.

….Odhaahdani waxay soo faruuraysaa waddooyinka sharka iyo sharaf ka qaadida gabadha qaaliga ah ee ku asturan gurigooda, dhawrsanaantuna astaan u tahay. dhawrsanaantu waxyaabaha buriyana waxa kamida in ubaxa cidkastaa isha la raacdo, diyaar ha ahaado ama yaanu danba ka lahaane in bilaash lagu bildhansadaana waa xadgudb diineed iyo mid dhaqanba, runtii odhaahdaa in gabadhu dhex mushaaxdo haasaawaha raggu waa dhaqan aan diinteena sal ku lahayn oo meel adag laga istaagay in qof ka baxsan xayndabka loo yaqaan Muxrim (aan ku gayin) in aad la waddaagto sheeko dhaafsiisn inta sharcigu u dhigay labada qof xidhiidhkooda oo leh shuruudo adag in aan laga gudbin. Balse su’aashu waa intee inleeg baa bulshadeena taqaana shuruudahaasi waddahadaladu leeyihiin, waxaan filayaa in tiro aad u yari arrintaasi aqoon u leedahay waayo waxaynu xagga hore kusoo xusnay in dhawrsanaanta ay sal u tahay aqoon diineed ama dhaqan wanaagsan oo qofku ka dhaxlay waalidiintii ama cida uu la nool yahay oo qaab ficila loogu gudbiyay.

Haddii aynu qodobada ugu muhiimsan mid iyo laba kasoo qaadano waa in qofku si hufan oo (xalaal iftiimbaa laqashaaye) uu usoo maro waddo cad, taasi oo leh qaabab ku dhisan diinta iyo dhaqanka iyo curfiga bulshada, waxa ugu muhiimsan in labbada qof gaar isku noqon meel gooniya oo aan ciddi la joogin, oo muxrim baa loo baahan yahay, waa in aan haddalku dhaafin xayndaabka loogu talagalay, waxa sii raacda iyana in aragtidu muhim tahay balse xadidan tahay. Runtii waxa lagga qoray kutub badan iyo muxaaradooyin badan oo iyagoo duuban qofkii rabaana dib uga raaci karo goobaha lagua duubo iyagoo faahfaahsan, in aad cilmi korodhsataana waxay kaa badbaadinaysaa(dadku waa u caddaw wixii aanay aqoon u lahayn).

Wixii kasoo horjeeda qaabkaa aan soo xusnay waa haddimo ay eedeen dad badani, waana waddada loomaro balaayo badan oo ku hilan dadka qaar aan dareemin in habloo dhami yihiin walaashood oo kale, taasina waxay sababtay in mar kaliya xishoodkoo ka kooban 70 qaybood uu mararka qaar mar kaliya daaqada ka boodo, odhaahda aan diirada saaraynaa waxay lid ku tahay milgaha iyo dhaqank wanaagasan ee Diinteena suubani tilmaamayso. waana mid ay inta badan ku celceliyaan dadka qaar taasi oo dhab ay moodaan dhalintu in shukaansiga Xaaraanta ahi yahay qaab lagu xusho lamaanaha oo soo jireena balse waa haadaan halis ku ah nolosha iyo mustaqbalka wiilka iyo gabdhaha.

Waxay halhays ka dhigteen hablaha qaar (Maxaan ka garanayaa kii I guursan lahaa ama maxaan ka garanayaa taan guursan lahaa) taasi oo laga dhigto waddo lagu banaysto in telefoonka cid kasta lagguma xidhiidho, dhibaatooyin badana laga dhaxlay oo gaadha in kufsi khasabi ku dhaco hablaha qaar marka ay xidhiidh telefoon oo aan laga digtoonaan shabakada loogu dhaco shabeelo tiro yar oo ka aradan xushmada. una cadho qabo in ay fal foolxumo sameeyaan, Waxaan xasuustaa eray aan ka qabsaday waalidkay Allaah ha u Naxariistee in uu yidhi( Gabdh oo dhami meelkasta ha joogtee waa walaashaa wax kasta oo wanaaga oo ay walaashaa gaydo u hur, waxkasta oo xumaana ka dhawr,) haddalkaasi oo xasuus dheer ku reebay maskaxdayda xeeldheeristiisa.

Waxaad moodaa in dhinaca waxbarashda iyo Tarbiyadii la kala horaysiiyay dugsiyada dawliga ah iyo kuwa gaarka loo leeyahayba iyo goobaha Diinta lagu barto, waayo tarbiyadaa ka horaysay wax barasahda sida cilmigu uga horeeyo camalfalka waxaa taa sii dheer qaababka dadwayga kale u isticmaalaan tarbiyada laguna magacaabo aqoonta Maddaniga ah oo iyana gabi haanba maqan tilmaatana qaabka fiican ee loo wadda noolaado loona ixtiraamo sharciyada ay ummaduhu dhigteen. Balse inaga sharcigaasi wuu inoo diyaarsan yahay waxa kaliya ee loo baahan yahay waa in aynu ku dhaqano ficilna ubadalo .

Waxa jira in tarbiyadii diinta hadda laga dhigay in Quraanka la xafido oo kaliya meeshana laga saaray ku dhaqankii quraanka oo ujeedada ugu wayni tahay in nolosheena iyo akhlaaqdeena ay la noolaato diintu, Sida Caa’isha Allaah Raali ha ka ahaadee iyada iyo waalidiinteediibee, xustay Xadiiskii Dhaqankii Rasuulku Naxariis iyo Amaani dushiisa (waxa uu Ahaa Dhaqankiisu Quraanka.) Markaa waxa muhima in bulshada guud ahaan dhaqanka in dhamaan nolosha qaybaheeda lala noolaado diinta, Waxaan xasuustaa in bariggii looxa lagu dhigan jiray quraanka in meel gaara lagu maydhi jiray marka laga maydhayo khadka, si aan nijaasi u gaadhin khadkaa laga maydhay looxa ee quraanka lagu qoray, qofkii kitaab haystaan uu dhunkan jiray maanta waxaad arkaysaa goobaha quraanka lagu dhigto dhibaatada iyo darxumada haysata kitaabkii ee ardaydu kula dhaqmayaan nidaam bilaa xurmo ah, Waa in macalimiitu saaraan awooda in akhlaaqiyaadka islaamiga ah maskaxda looga buuxiyo qofkasta oo waxbaranaya, waxa iyana meesha ka baxday in ardayga dhamaan bulshadu toosin jirtay oo erayga Ceeb iyo ka daa qofkastaa ku odhan jiray caruurta markay khalad samaynaan haddii uu qof wayni arko, oo meesha ka sii yaraanaysa.

Dhinaca kale xidhiidhka waalidiinta iyo caruurtooda oo dayrar adag u dhexeeyo, iyo khadad cascas oo aan sinaba looga talaabin dhinaca sheekada furan iyo khibrad is dhaafsiga arrimo caadiya oo xasaasi laga dhigo, darbigaasi adag oo arrimo muhim u ah nolsha dhalinta in laga hadlo laga dhigay wax ceeba runtiina ah mushkilad jirta, waxa jira arrimoo la xidhiidha isbadalka nolosha ee gabadha yari marto in aanay si fiican oo waafiya hooyadeed ugu sharixi karin iyo sheekooyinka la xidhiidha guurka iyo jacaylka oo ceeb loo yaqaano haddii ay ka wadda hadlaan hooyad iyo gabdhaha ay dhashay taasi oo wax badan toosin lahayd, waxa dhacda in gabadha yar meelo kale oo qaldan ay warar aan sax ahayn ka helaan noloshoodana saamayn xun ku yeelata mustaqbalka. Waxa Xiga Qayb 4aad haddii Allaah Swt idmo, Ahmedckahin@gmail.com

 

DHAWRSANAANTA!!

Qalinkii: Axmed Cali Kaahin Q/4aad.

….Waxa uu Sheekh Mustafe Xaaji Ismaaciil sheegay muxaadaro kamida muxaadarooyinkiisa in qaabka loo xusho lamaane iyo qaabka loo wadda noolaado ay u baahan yihiin tababaro gaaban waayo waa guusha nolosha in la bartaana waa inna daanwayne, waana mid ka maqan bulshooyin badan, balse in wiilasha iyo gabdhuhu ku mamaan haasaawaha waa arrin xun oo hadda geerarka soo jabsatay si xaddhaafa.taasi oo shirkaduhuna ku caawiyeen in qiimaha habeenkii hoos loo dhigo si loo wadda haasaawo ayna ku kalifayso tartanka adagg ee ka jira suuqa isgaadhsiinta, ku balwawga haasaawuhu wuu keenaa dhibaatooyin, sidday sheegaan Culumada Cilmi nafsiga aqoonta dheer u lihi, in qofka caadaysta ee ku ibtiloobaa ku noolaado xaalad adag, walbahaar, kacsanaan jinsiyeed iyo mid maskaxeed kuna  keento noloshiisa saamayn xun maskaxdana u diido jaanis uu kaga fikiro arrimo kale oo horumar shakhsiyadeeda.

Sida dhacda in dhalin badani ka dhacaan nolosha waxbarasho ee ay ku jiraan kuna mashquulaan haddalka habeenkii iyo beenta la isku haasaawiyo marka dambana waxbadan isbadalaan oo runi run tagto, labada dhinacana midba midka kale maraka qaar ku badhi furo kagana baxo saamayn aan la mahadin ku yeelata, waayo waxani waa wax laga dhigtay in lagu maararoobo oo markii dambe isku badalay balwad, ka dibna qofba dhiniciisa kaadh kale, iyo ciyaar kale, miiska hoostiisa ka waddo, halka mararka qaar mid daacad yahay ama labbaduba daacad yihiin oo dusha qorshe kale kaga yimaado, ama guulba ku dhamaato waana wax iska caadiya in noloshu tahay maalin iyo cadceedeed basle in shaqo habbeen laga dhigtaa waa shay dishooday da’yar badan, gaaska iyo saliidana waxa kusii shiday baraha bulshadu kuwada xidhiidho oo sahlay in si dhibyar la isku dhaafsado macluumaad dhaafsiisan haddalkii telefanka oo ay agtaal warbixino gaara oo shakhsiyadeed.

Balse arrinta cajiibka ahi qofna ma oggola in walaashiisa runta ah ee guriga la joogta in telefoon laggula soo haddlo oo arrimaas lagga haddlo, hadda dadka qaar sawkuwan qaar kale habeen oo dhan xiijiyay, iyagu ma cirkay kasoo dhaceen waa in aynu wax miisaanaa. Waxa shaafici Allaah Swt raali ha ka ahaadee waxa uu yidhi ( qofkii 1 dirham xumaan ku sameeya, waxa isna gurigiisa dhexdiisa xumaan lagaga sameeyaa bilaa lacag) haddalkaasi oo xeel dheer (Somaliduna waxay tidhaahdaa waa wax kaa go’an)

Guntii iyo gabogabadii Afka Soomaaliga oo hodan ah haddana waxaa jira eray dhif ah oo si qaldan loo fasirto ama qaladba ah.Waxa si xawliya ku socda saamaynta isbadalada nololeed ee dhalinta guud ahaan gaar ahaan gabadha, oo ah sharafteenii ahna cida ugu nugul dhibaatooyinka dib kasoo baxa ah in laga gaashaanto, loogana digaana tahay waajib qofkasta sidiisa u saaran, gaar ahaan  waalidiinta, macalimiinta iyo maamulka guud iyo waxgaradka, haddaad suuqyada marto waxaad arkaysaa dhaqano mar mar dhaca oo laga yaabo in uu soo bato mustaqbalkana lala qabsado, kuna milma oo dhexgala dhaqanka fiican, halka uu si yar oo hoose meesha uga saarayo mid fiicnaa, marka mid cusubi masalaha ku soo boodo, mid wanaagsanaa baa dhinta, sida maalinba laba iskula dhimanyaan ayaa suurta gal ah in wax badan meesha ka baxaan, haddaan laga hortagin intaanay hana qaadin, waxay u baahan tahay xikmad iyo dhibirsanaan iyo nasteexo kasoo bilaabanta guryaha.

Marmar waxa dhaca dhaqano damiirka fayaw dhaqaajinaya qaabka dhalintu u dhaqmayso, maalintii waxaad arkaysa mar mar dhacdooyin kooban ilaa xad oo dhifa Suuqayada dhexdooda, in la lasoo gudbiyana laga  xishoonayo, waxa aad ugu faraxsanahay inta badan Allaah khayrka waafajiyay oo Wanaag, Asluub iyo Anshax dhaqan u yahay sidan xagga hore kuso xusnay, Somalidu waxay tidhaahdaa (Baruurbaa Baruuryo Qudhmisa) in dhibaatada jirta laga hortagaana daawaynteeda ayay ka fiicantahay, in aad u digto qofna waxay tilmaamaysaa la xejeclada aad u hayso.

Balse masuuliyada qofkastaaba waa intuu awoodo karo in uu wax ka qabto oo xadidan, waxa innawadda saaran xil guud markaa in aynu u damqano iskuna dayno toosintu waa hawl inoo wadda taala si Islaamnimo iyo waddaniyada, waa in aynaan dhalinta dhaafin haddan ku arragno arrin guracan, si xikmad iyo qadarin iyo tusaalyn naxariisi ku jirto ugu tilmaanaa samaha una tusnaa sawirka foosha xun ee xumaanta iyo dhawrsanaan la’aanta, intaasi ha yaraysanin waa wanaag wayne.

Waxa iyaduna muhima in niyada ku hayno in sawirka guud ee cid gaara khayr uun ku tuhuno oo cidna aynaan xumaan ku tuhmin, waayo qalbiyada cidda kaliyee ee daalacataa waa Allaah Scwt, sida uu tilmaamayo Xadiiskii (Alla Maxaa badan mid basaasan oo timo taagtaagan oo marka uu Albaabada soo istaago dib loo riixayaa, haddii uu Allaah Swt wax waydiistana Allaah u fulinyaa), maaha Iimaanku shay la isku qurxiyo ama afka laga sheegto, balse waa wax qalbiga ku sugma ficilkuna rumeeyo, halka erayga (Don’t judge the book by the cover) oo iyaduna tilmaamays in aan wax kasta lagu xukumin sawirkiisa sare, Allaah Ha inoo Wanaajiyo dhamaanteen khayrkana ha inna wadda waafajiyo dhamaan. ,

Dhamaad

Qalinkii : Axmed Cali Kaahin

Ahmedckahin@gmail.com