Badhasaabka Cusub ee Gobolka Sool Oo Ka Daareen Caliyay Xilka Loo Magcaabay

0
348

Badhasaabka Cusub ee Gobolka Sool Oo Ka Daareen Caliyay Xilka Loo Magcaabay

Hargeysa(Warsugannews)Badhasaabkii hore ee Gobolka Gabiley oo caawa Madaxweyne siilaanyo u magacaabay Badhasaabka Gobolka Sool Md. Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-shiine), ayaa ka dareen celiyay,wuxuuna uga mahad celiyay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka uu u magcaabay. ee Gobolka Sool.

“Waa Xil la mid ah kan hayay, Waanan soo dhawaynayaa, waxaanan u arkaa in Madaxweyne Siilaanyo uu ii carbinaayo siyaasada, ayuu yidhi Mustafe Cabdi Ciise (Mustafe-shiine), oo caawa HargeisaPress wax ka waydiisay badalka lagu sameeyay.

Masuulkan cusub ee Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay Guddoomiyaha Gobolka Sool, ayaa hore xilal uga soo qabtay Xukuumada Madaxweyne siilaanyo, gaar ahaan Gobolka gabiley oo u imika ahaa iyo Maareeyaha ku xigeenka Madbacadda Qaranka.