Ololaha Abtirsaday Ee Xisiga Waddani: W/Q Khadar Cabdiraxmaan‏

0
328

Ololaha Abtirsaday Ee Xisiga Waddani: W/Q Khadar Cabdiraxmaan‏
Somaliland dalkayga, qaar badan ayaa intaas ka naxa markray maqlaan, laakiin yeelkooda dan iyo muraad miyaan ka leeyahay ayey kula tahay!!! Diiwaangelinta ka socoto gobolka Awdal ayaanay xisbiyadda qaar wali fahmin qaabka dadka loo abuubulo, waxaanu hoonku kaga dhagay olole iyo dad uruursi aan wali xiligeedii la gaadhin.

Diiwaangelinta iyo doorashadu waa laba kala jaad ah oo aan marna isku dhaweyn, laakiin qaar badan oo inaga xisbiyadeena ka mid ah ayaan wali garan doorkooda diiwaangelinta dalka ka socota ay ku leeyihiin, waxaanay u qaateen olole doorasho lagu galaayo. Xisbi soo deg degay ka soo qaad.

Maanta waxaad arkaysaa Xisbi dhan oo ku faanaya reernimo, walee aniga waxaa igu banaan Faysal Cali Waraabe oo meel kaga soo hadhay xisbiga Waddani, kuma tiigaalayo oo dadkuba waa ka wada dharagsan yahay erey bixinta cusub ee uu isticmaalay. Waxaa yaab iyo u qaadan waa ah in xisbiga Waddani uu maanta isugu habar wacday cid gaar ah oo lagu tilmaamo qabiil ka mid ah qabiilooyinka Somaliland.

Gudoomiyaha Cirro iyo masuuliyiinta uu xisbigiisa u wakiishay ee barbar taagan waxay noqdeen kuwo dhinac u wada socda, adeer kala hadha ayaan leeyahay oo umada dhinac ka raaca oo ku kala fayla dabaylaha socda ee ilaahay faro badiyey.

Gudoomiyaha Xisbiga waddani rag badan ayaa sheegay xaalkiisa, waxaad moodaa inuu layli ku yahay hogaaminta asxaabta siyaasiga, waana taas ka muuqata xisbigiisa oo garab ka raran durba, bal suureeya kan oo wadanka hogaamiya muxuu samayn doonaa ayaad ka filaysaan? Su’aasaas ayaa ka taagan oo u baahan in la wada dhugto.

Waxaan hadal ku soo koobayaa “Kala garasho goormaa kuugu dambaysay” wada hadalbaa haadkaas ayaa ka hadhay, maalinta doorasho la gaadho in Degmo ku soo saarto iyo Somaliland ku soo saarto waa loo wada joogaa. In kastoo aanay rajo iiga soo jeedin hadhuubka aan dabadiisa arkayaa.

Wa Bilaahi Tawfiiq

Khadar Cabdiraxmaan

Khadarc16@gmail.com