Bal tusaale ahaan ka soo qaad;

0
568

Bal tusaale ahaan ka soo qaad;
Labadeenna ayaa la inagu casuumay xaflad aroos oo ka dhici doonta mid ka mid ah hudheellada ugu waawayn magaaladii aynu deggenayn. Waynagan u diyaar garoobayna kuna dawakhnay doorashada dharkii aynu u gashan lahayn madasha. Waqti ka dib waynagan labadeennii oo labiskii u danbeeyay ku taagani baabuur ku dhacnay ee is gaynay goobtii xafladdu ka dhacaysay.
Sidii wax labadeenna oo kaliya la inoo yeedhay huteelkii oo haawanaya markaynu irrida ka soo galnay waynagan ka yaaban waxa dadkii uruursaday. In aynu hore u soo degdegnay kana soo hormarnay waqtigii xafladda waynaga isku qabsannay. Xaasha waaba sagaalkii habeennimo! Yaab! Malaha caawa mabuu ahayn aroosku mar aynu isku haynay “Keena tikidhadii” waa ka nin horjooge ka ahaa goobta xafladdu ka dhacaysay inagula soo booday. Dhiibnay labadii kaadh horena u soconay. Cidlo waaqla ayuu hoolka xafladdu ka dhacaysaa isla waaqsaday.

Laba kursi oo aan sidaa u sii durugsanayn markii aynu salka la helnay, cabbaar waynagan ku dhego barjownay muusigii dallacnaa ee yarka Dhiijeega ahi kala badbaddalayay. Tijaabo iyo fudayd mid ay ka ahayd mooyiye! Caajis markii aynu labadeenniiba marba mid hamaansaday, dadkiina laba iyo saddex inagu soo biireen, waynagan ku dawakhnay cadarrada kala jaad-jaadka ah ee dadka ka soo kamkamaya, qashaafadaha awoodda badan, kamaradaha iyo muusigii oo aad mooddo in kor loo sii qaaday.
Hadaba waa yaabe saacaddu iyada oo ay kow iyo tobankii habeenimo ku sii siqayso haddana wali ma hayno dadkii xafladda loo qabtay “Caruuskii iyo caruusaddii”. Habeen badhkii markii ay daqiiqado ka hadhsanaayeen waatan mar kaliya la wada istaagay sacabna lagu soo dhaweeyay lammaanihii caruuska cusub ahaa. Kadibna ciyaar iyo muusig cusub loo kala baxay.
Dadka goobta isugu yimid oo aad mooddo in muusigu dhiiggooda la shaqaynayo waa tan marka kolba mid cusub la saaro la wada rax-laynayo. Is dhexyaacii, buuqii, sawaxankii iyo nidaam-darradii meesha ka taagnayd sow kuwan innagu riday niyad jab ah in aynaan aroos danbeba dib u tagin!
Tusaale ka soo qaad ayuun baan ku idhi ee mabaynu tagin arooska ee la soco.
Tixraac: Muna Axmed Cumar, Fawdo, http://dhaqanbile.com/?p=2765
Muna Axmed Cumar
Qoraalkan waxaan baahiyay laba sanno ka hor!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here