Somalia: Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo Xeebta Liido u tegay Daawasho+Sawiro

0
622

Somalia: Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdiqaadir oo Xeebta Liido u tegay Daawasho

Muqdisho (Warsugannews) Xildhibaan Faarax Sheekh Cabdi Qaadir oo kamid ah Baarlamaanka Soomaaliya ahna saaxiib aad ugu dhaw Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ,ayaa damaashaad u tagay xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho.

Faarax Sheekh Cabdi Qaadir ayaa mar qudha lagu arkay isagoo jooga Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho lana damaashaadaya dadkii ku sugnaa xeebtaasi, waxaana Xildhibaanka kor kala socday qaar kamid ah ilaaladiisa gaarka ah .

Dad badan oo Shacab ah oo aqoonsaday Faarax ayaa kusoo xoomay kuwaas oo qaarkood salaamay halka kuwa kalana ay ka codsadeen in Sawir la galaan, waxaana dad badan layaab kunoqotay Faarax oo dadka dhexda uga jira xili aan looga baran in lagu arko goobaha bulshada ku kulanto.
farah_1

farah_2

farah_3

farah_4

farah_5

farah_6

Warsugannews

Warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here