“BALAMAHA AY SIYAASIYIINTU U SAMEEYAAN GOBALKA HAWD, WAXA KA DHOW XASAN SHEEKH OO BALAN QAADAY INUU WADADA DHAMMAYSTIRAYO” SULDAANKA GUUD EE BEELAHA GOBALKA HAWD

0
449

Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, ayaa ka jawaabay balan

qaadyada ay siyaasiyiintu u sameeyaan gobalka Hawd iyo bulshadiisa, waxaanu sheegay in balamaha siyaasiyiinta Somaliland ay ka dhowyihiin balan uu sheegay inuu u qaaday Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Suldaan Cumar, oo hadal ka jeediyay kulan balaadhan oo uu u qabtay in ka badan 400 arday oo ka qalin jebiyay jaamacadaha dalka, wuxuu ka jawaabay khudbado balan qaad u badnaa oo ay madasha ka jeediyeen siyaasiyiinta muxaafidka iyo mucaaradka Somaliland waxaana uu yidhi

“Halkan waxa laga jeediyay hadalo badan oo balan qaad ah oo ay siyaasiyiintu jeediyeen.” ayuu yidhi Suldaan Cumar, waxaanu intaas raaciyay

“Xasan Sheekh waxa uu balan qaaday gobalka hawd in haddii uu ku guulaysto doorashada somaliya inuu gobolka Hawd Waddadana u dhamaystirayo, biyo-na u soo saarayo, balantaas ayaana ka dhaw balamaha ay siyaasiyiinta Somaliland u samaynayaan dadka deegaanka gobolka Hawd.” ayuu yidhi Suldaan Cumar.