”SAAXIIBKAY JAMAAL WUXU KHUDBADDIISA KU DARAY EEDO AY KA MID TAHAY IN AAN CIDLO KAGA DHAQAAQAY”XOGHAYAHA WARFAAFINTA XISBIGA WADDANI CABDIRASHIID XASAN MATAAN.

0
402

Saaxiibkay Jamaal wuxu qudbaddiisa ku daray eedo ay ka mid tahay in aan cidlo kaga dhaqaaqay.

Saaxiibkay Waxan leeyahay aad baa la inoogu hanwaynaa haseyeeshee hoggaankii new Ucid wuu fashilmay dhalinyartiina raadraac iyo taariikh bay ka qorayaan taasaana xusi doonta in badan oo ay ka mid tahay, talo keen ama talo raac inaad noqoto in ay kugu adkaatay.

Shacabku way inoo hiiliyeen maxkamadduna ilduufkii sharci ayay qireen taasina waxay ahayd tii aynu ku kala aragti duwanaanay badbaadinteeda.

Mar labaad Waan kugu hambalyaynayaa go’aankaaga aad kusoo khatintay Muuse ayuu geelu isugu kaayo jiraa, inta uu Faysal kugu haystayna intaas ayay ahayd damaciisa ka sokow ee odaygaana saamaxa ku dar waliba apology sii.

Somaliland Guul