Banka Qoolcaday Ma Haamihii Shidaalku Badalay|?” Xoghayaha Dhalinyarada Ee Xisbiga WADDANI

0
379

“Banka Qoolcaday Ma Haamihii Shidaalku Badalay|?” Xoghayaha Dhalinyarada Ee Xisbiga WADDANI

Banka Qoolcaday waa ban umada Somaliland ee xoola dhaqatada ay wada leeyihiin min bari ilaa galbeed oo ay Gu iyo Jilaalba xooluhu daaqaan. Waxaynu lawada soconaa dhul daaqsimeedkii lawada daaqi jiray in ay ooteen qaar ka mida dadwaynahu, qaybtii hadhayna laga shiday dhuxul oo ay manta meel xoolaha udhexa oo ay wada daaqi karaan aanay jirin. Wakhtiyada Jilaalkii waxay bulshada reer guuraagii usoo hayaamaan banka Qoolcaday si ay u daqaan xoolahoodu.

Wayadan danbe waxaa soo noqnoqonaysay arinka Banka Qoolcaday oo ay xukuumadu doonayso inay ka dhigto seero laxidho iyadoo loo xidhaayo niman ganacasato ah oo doonaya in ay xoolahooda ku naaxistaan, dabadeetana si toos ah dekeda Barbara uga dhoofistaan. Halkay bulsha waynta deegaanka ah ee reer guuraagina ay diidanyihiin iyagoo ka taagan meel adag in la xidho banka qolcaday. Banka qoolcaday waa meesha kaliya ee haday abaaro dhacaan ay xoola dhaqatada Somaliland u dhex ah waqooyi, galbeed, bari, iyo hawd ba si simana udaaqaan.

Xukuumadu intay magaalooyinka ay ku jeeday oo ay kolba xaraashaysay hantida dadwaynaha sida dhulkii danta guud ahaa, warshadihii, garoomadii iyo hamihii oo imika arinkoodu taagan yahay, hadaba imika ma waxay usoo dhigatay miyigii ay ku noolaayeen bulshawaynta somaliland ee xoola dhaqatada ahi ku waa soo unugul haraadka, abaaraha iyo xanuunadaba kaas oo wax daryeela iyo taageeraba haba yaraatee aan ka helin xukuumada haatan talada dalka haysa, taas oo aynu ognahay in lafdhabarta dhaqaalaha somaliland ay yihiin xoolaha nool ku wa ku tabca una mara rafaad iyo saxariir ayihiin xolo dhaqatada. Taasina waxay cadaynaysaa oo sifiican utilmaaysaa in xukuumadu ay doonayso in fadhiid ka dhigto lafdhabartii dhaqaalaha Somaliland ee xoolaha nool iyadoo doonaysa in dhamaan dhaqaalihii dalku lahaa ee kasoo baxayay xoolaha nool ay gacanta ugaliso niman ganacsatayaala.

Bulshada deegaankaas ee xooladhaqatadu ma heelaan baahiyaha aas aasiga sida ceelal ay ka cabaan badhna xoolaha ka waraabsadaan, mahaystaan dawooyin, mana laha wax wadooyina iyo dhirigalinkale oo xukumada ay ku qabaan, hadaba iyagoo durftaa ku nool ayay hadana habeen iyo maalin ay u taagan yihiin siday qaybtooda uga qaadan lahaayeen dhaqaalaha Somaliland una dhaqi lahaayeen xoolaha u badan si ay xoolahoodu uga dhexmuuqdaan sayladaha xoolaha ee dalka.

Dadwaynaha ku dhaqan banka qoolcaday uma baahnaa in bankooda laxidho laakiin waxay ubaahan yihiin :

In dhulkan la wada ootay ee in lawada daaqana loo diiday in la baabiiyo si ay xooluhu si siman u daaqaan.
Waa in loo qodo ceelal ay nafahooda iyo xoolahooda ba uga cabaan.
In loo dhiso xarumo cafimaad oo lagu daweeyo laguna xanaaneeyo xoolahooda.
Waa in ay helaan wadooyin.
Waa in ay helaan daryeel joogta ah.

Waxaa xidhan Boqor Raabi Yusuf Cabdilaahi oo ku xidhan xaqdaro isagoo kahadlaya arimaha banka qoolcaday, haday xukuumadu tidhaa car juuqdheh oo ka hadlin arimaha bulshada uu uyahay boqorka taasi waxay sababaysaa cawaaqib xumo baahsan.

Hadaba xukuumadan maalinta cad tooshka ku gudaysa iyadu waxaa u cad mashruucan ay qadaraaska ku qaadatay laakiin dananayn mayso danta xoola dhaqatada,. Sidaynu wada ognahay in lafdhabarta dhaqaale ee soomaliland tahay xoolaha nool.

Guntii iyo gabagabadii waxaa layidhi hunguri wax ka wayn lamariyaa waa dilaaca, bal is hubsada oo bal dib u eega waxaydun samanaysaan sidaas dadka iyo dalkaba ku maamuli maysaane.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here