
Barcelona ayaa wajihi kareysa talaabo dhanka anshaxa ah kaddib taageerayaasheeda oo aflagaado joogta ah u geysanayay Cristiano Ronaldo intii uu socday kulankii xalay ee EL Clasico kaa oo lagu kala baxay 1-1.
Taageerayaasha Barcelona oo si aad ah u soo buux dhaafiyay garoonka ayaa Ronaldo ku ceynayay erayo ay ka mid yihiin inuu yahay ‘LAGA ROONE’.
Goor dhow uun ayay ahayd markii ay taageerayaasha Atletico Madrid aflagaado taa la mid ah u geysteen Ronaldo markii uu saddexleyda ka dhaliyay.
Xiddiga reer Portugal ayaa dhowr jeer lagu dhaleeceeyay inuu xiriir la lahaa feeryahanka reer Morocco ee Badr Hari kaddib safaro joogta ah uu ku aadi jiray dalkaas.