Barcelona oo Hishiis Cusub oo Shan Sanno Ah Ka Saxiixayso Neymar iyo Qiimaha Xidigaas oo Gaadhi Doonno 250 Milyan oo Euro.

0
628

Barcelona oo Hishiis Cusub oo Shan Sanno Ah Ka Saxiixayso Neymar iyo Qiimaha Xidigaas oo Gaadhi Doonno 250 Milyan oo Euro.

Hargeysa(Warsugannews)Masuuliyiinta Barcelona ayaa qorsheenaya inay la fadhiistaan oo ay wada hadalo la furaan la taliyayaasha weeraryahanka reer Brazil Neymar kaas oo ay doonayaan inay ka saxiixaan hishiiis shan sanno oo dheeraad ah.
Haddii hishiiskaa cusub uu weeraryahanka reer koofur Ameerika Neymar uu u saxiixo kooxdiisa Barcelona ayaa waxaa sare u sii kacaya qiimaha lagu iibsan karo oo gaadhi doonno 250 milyan oo Euro oo u dhiganta 182 milyan oo gini waana qiimo lamid ah kan lagu heli karo ama uu joogo Laacibka afarta jeer ku guuleystay xidiga adduunka ee Lionel Messi oo Barcelona ay kawada tirsan yihiin.
Guddoomiyaha dhawaan la doortay kooxda Barcelona Josep Bartomeu ayaa laga soo xigtay inuu qorsheenayo ka hor inta sanadkaan 2015 uusan dhamaanin uu diyaarinayo inuu hishiis cusub ka saxiixo laacibkooda reer Brazil Neymar.
Neymar ayaa qandaraaska uu hadda kula jiro naadigiisa Barcelona wuxuu dhamaanaya sanadka 2018 isagoo haatan mushaar ahaan u qaato sanadkii 8.8 milyan oo Euro ama 6.4 milyan oo gini.
Barcelona ayaa hishiiska cusub ay doonayso inay ka saxiixdo Neymar ay sidoo kale sare ugu qaadi doonto mushaarada uu qaadan doonno ciyaaryahankan waxaana la siin doonaa mushaaro u dhow kuwa haatan uu sanadkii qaato Lionel Messi oo gaaray 20 milyan oo Euro ama 14.6 milyan oo Gini.
Neymar ayaa ah ciyaaryahanka 3-aad ee ugu mushaarada badan kooxda Barcelona waxaana uu ka dambeeyaa Lionel Messi oo 20 milyan oo Euro ama 14.6 milyan qaata kaas oo ah ciyaaryahanka ugu mushaarada badan halka ciyaaryahanka 2-aad ee mushaarada ugu badan Barcelona ka qaato uu yahay Luis Suarez oo sanadkii mushaar ugu qaato Barcelona lacago dhan 7.3 milyan oo gini.
Weeraryahanka caalamiga wadanka Brazil Neymar ayaa xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay u dhaliyay Barcelona 39 gool wuxuuna kamid ahaa saddexda weeraryahan ee kooxda Barcelona kuwaas oo isku geeyn dhaliyay 122 goolal ah islamarkaasna u qaaday Barcelona horyaalka Spain,Copa del Rey iyo Champions League.

Warsugannews
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here