Chelsea oo Malaayin Gini Ku Bixinayso Suuqa Si Ay ula Soo Wareegto Paul Pogba iyo John Stones

0
353

Chelsea oo Malaayin Gini Ku Bixinayso Suuqa Si Ay ula Soo Wareegto Paul Pogba iyo John Stones.

Hargeysa (Warsugannews) Kooxda Chelsea ayaa diyaarinayso inay suuqa kala iibsiga ku bixiso lacago ka badan 100 milyan oo gini iyadoo doonayso inay kula soo wareegto kaliya labo ciyaartooy oo bartilmaameed u ah naadigaas.

Tababare Jose Mourinho ayaa dareemaya inuu u baahan yahay ciyaaryahanno dheeraad ah xilligaan waxaana indhihiisa ay ka jeesan la’yihiin xidiga qadka dhexe kooxda Juventus Paul Pogba iyo daafaca Everton John Stones.

Chelsea ayaa diyaar la ah inay Juventus u dirto dalab lacageed gaaraya 70 milyan oo gini si ay ula soo saxiixato ciyaaryahanka qadka dhexe dalka Faransiiska Paul Pogba oo bartilmaameed mudo dheer u ah Jose Mourinho iyo kooxdiisa Chelsea.
Sidoo kale Chelsea ayaa qorsheenayso inay u dirto kooxda Everton dalab lacageed u dhaxeeyo 34 ilaa 40 milyan oo gini oo ay ku doonayso daafaca da’da yar wadanka Ingiriiska John Stones oo Everton u ciyaaro.

Suuqa kala iibsiga ciyaaryahanada dalka Ingiriiska ayaa lagu wadaa inuu xirmo saacadda dalka Ingiriiska marka ay tahay 06:00PM maalinta talaadada todobaadka soo aadan.

Jose Mourinho wuxuu diyaar u yahay inuu aqbalo qorshaha uu ku imaanayo Chelsea wiilka reer France Paul Pogba oo 22 sanno jir ah islamarkasna Chelsea ay u bandhigtay Pogba lacago mushaaro ah oo todobaadkii uu ku qaadan doonno 300 kun oo gini si uu ugu dhaadhiciyo inuu ciyaaryahanka aqbalo imaatanka garoonka Stamford Bridge.

Xiriirka ka dhaxeeyo Juventus iyo Chelsea ayaa u muuqdo mid soo wanaagsanaanayo kadib markii naadiga Chelsea si amaah ah ay ku siisay xidiga fashilmay ee 23.3 milyan oo gini ugu fadhiyo Chelsea Juan Cuadrado kaas oo ku biiray Juventus waxayna sidoo kale Juventus daneenaysaa inay amaah ku qaadato ciyaaryahan Willian.

John Stones oo habeenkii xalay ahayd ciyaaray kulan kooxdiisa Everton ay kaga horjeeday naadigiisa hore Burnley ayaa kadib ciyaartaas waxaa warbaahinta la hadlay tababare Roberto Martinez wuxuuna sheegay inuusan beec ama iib ahayan daafacooda 21 sanno jirka ah John Stones.

Haddii Chelsea ay lasoo saxiixato labadan xidig Paul Pogba iyo John Stones ayaa qarashka guud ay ku bixisay xilligaan suuqa uu gaadhi doonaa 159 milyan oo gini waana lacago ka badan 9 milyan oo gini lacagii ay suuqa ku bixisay Manchester Utd xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Warsugannews
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here