Manchester City iyo Wolfsburg oo Hishiis Ka Gaaray Iibka Ciyaaryahan Kevin De Bruyne.

0
606

Manchester City iyo Wolfsburg oo Hishiis Ka Gaaray Iibka Ciyaaryahan Kevin De Bruyne.

Hargeysa(Warsugannews)Kooxda Manchester City ayaa hishiis la gaartay naadiga ka dhisan dalka Jarmalka ee Wolfsburg kaas oo ku aadan saxiixa ciyaaryahanka qadka dhexe kooxda Wolfsburg ee lagu magacaabo Kevin De Bruyne.

Xidiga caalamiga wadanka Belgium Kevin De Bruyne ayaa waxaa si xoogan loola xiriirinayay dhawaan inuu ku biiri doonno naadiga Manchester City wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in labada koox waa Man City iyo Wolfsburg ay wada gaareen hishiis ku aadan saxiixa Kevin De Bruyne.

Kadib wada hadalo todobaadyo socday ayaa u muuqdo kuwo xal laga gaaray wargayska kasoo baxo dalka Germany ee lagu magacaabo Bild ayaa qoray in Manchester City iyo Wolfsburg ay ku hishiiyeen qiimo dhan 54 milyan oo gini inay bixiso Manchester City islamarkaasna Wolfsburg ay ku wareejiso ciyaaryahankeeda qadka dhexe Kevin De Bruyne oo soo bandhigay xirfad ciyaareed la jecleysto.

Kevin de Bruyne Wolfsburg midfielder Bundesliga player of the yearKevin de Bruyne oo qadka dhexe ugu ciyaaro kooxda Wolfsburg ayaa xilli ciyaareedki dhamaaday loo doortay ama uu noqday laacibka ugu fiicnaa horyaalka Bundesliga Jarmalka.

Patrick De Koster oo ah wakiilka ciyaaryahankaan reer Belgium De Bruyne ayaa sheegay in wali hishiiska xidigaan uu ugu biirayo Man city aan la xaqiijinin laakin maalinta Jimcaha ay u dhow dahay in la dhamaystiro.

Kevin De Bruyne ayaa laga reebay xulka kooxda Wolfsburg ee Jimcaha horyaalka Jarmalka garoonkeeda kula ciyaari doonno naadiga Schalke 04 waxaana uu ciyaaryahankaan Kevin De Bruyne uu saxiixi doonaa hishiis 6 sanno ah oo todobaadkii uu ku qaadanayo mushaaro dhan 200 kun oo gini.

Raheem Sterling of Man city jerseyNicolas Otamendi number 30 for £32mManchester City ayaa Hadii ay lasoo wareegto Kevin De Bruyne waxay noqonaysa inay suuqa kala iibsiga ku bixisay lacago ka badan 150 milyan oo gini iyadoo kusoo iibsatay ciyaartooy kala ah.

Raheem Sterling (Liverpool, £49m)

Nicolas Otamendi (Valencia, £32m)

Fabian Delph (Aston Villa, £8m)

Patrick Roberts (Fulham, £8m)

Enes Unal (Bursaspor, £2m)

Warsugannews
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here