Fabio Coentrao oo Si Amaah Ah Ugu Biiray Monaco

0
422

Fabio Coentrao oo Si Amaah Ah Ugu Biiray Monaco.

Hargeysa(Warsugannews)Daafaca kooxda Real Madrd Fabio Coentrao ayaa ku biiray naadiga ka dhisan dalka Faransiiska ee lagu magacaabo Monaco.

Hishiis amaah hal sanno ah ayuu Fabio Coentrao ugu biiray kooxda reer France ee Monaco kadib markii naadiyada Real Madrid iyo Monaco ay wada gaareen hishiiis.

Xidiga caalamiga wadanka Portugal Fabio Coentrao oo ka ciyaaro daafaca bidix dambe ayaa boos ka waayay kooxda Real Madrid xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Fabio Coentrao oo 27 sanno jir ah ayaa kusoo biiray kooxda Real Madrid sanadkii 2011 markaas oo Real Madrid 25 milyan oo gini ugu soo iibsatay naadiga weyn wadanka Portugal Benfica.

Warsugannews
warsuganmedia@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here