Baroor-diiq sagaal maalmood soconeysa oo ka bilaabatay dalka Cuba

0
475

waaxa qorey yaasir br

Dad badan oo reer Cuba ah ayaa u barooranaya geerida Fidel Castro, maadaama uu sanado badan ka hortagayay maamulka Washington inkastoo shirqoollo badan uu ka badbaaday.

Marka meydkiisa la gubo ka dib, waxaa haraaga la soo marin doonaa dhammaan dalkaasi Cuba.
Ka dib waxaa la dhigi doonaa magaalada Santiago afarta bisha December ee sanadkan.

Balse, mucaaradka Cuba ayaa ku faraxsan geeridiisa, waxayna u arkaan inuu ahaa keligii taliye. Sidoo kale, qurba joogta Cuba ee ku nool magaalada Miami ee dalka Mareykanka ayaa dabaal degyo sameeyay.

Magaalada New York, madaxweynaha la doortay Donald Trump, ayaa Mr Castro ku tilmaamay keligii taliye arxan darnaa. Lakiin madaxweyne Obama wuxuu sheegay in Castro uu doonaayay inuu ballaariyo gacanta saaxiibtinimo ee shacabka Cuba.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey, Ban ki-Moon ayaa sheegay in Castro uu lahaa codka xoogga badan ee dacaaladda rayidka. Dhanka dalalka Shiinaha iyo Ruushka waxay sheegeen inay waayeen saaxiib wanaagsan.

https://youtu.be/vCNxL60leQ8?t=3