Beelaha Habar Jeclo Oo Taageeray Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Kulmiye Dr. Xaglo-toosiye

0
527

Beelaha Habar Jeclo Oo Taageeray Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Kulmiye Dr. Xaglo-toosiye

Hargeysa (Warsugannews) – Beel-weynta Habar-jeclo ayaa taageeraddii ugu badnayd abid u muujisay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye oo u taagan tartanka murashaxnimada madaxweyne ku xigeenka xisbiga KULMIYE dhexdiisa, oo la filayo in uu qabsoomo badhtamaha bishan aynu ku jirno.

Siyaasiyiinta, Salaadiinta, Xildhibaanada golayaasha Qaranka, Xubnaha golaha dhexe ee xibiga KULMIYE ee ka soo jeeda Beelaha Habarjeclo ayaa shalay Dr. Xaglo-toosiye Xaflad taageero ah ugu qabtay magaalada Hargeysa, waxaanay halkaasi ugu ballan qaadeen codka xubnaha ay ku leeyihiin golaha dhex ee Xisbiga KULMIYE.

Munaasibadaasi taageerada ah oo ka qabsoontay Hoteelka Samer Time, waxaa ugu horran hadal ka jeediyay Guddoomiyaha guddida Kaambaynka Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye ee Beelaha Harti Maxamud Graad Maxamed Garaad Maxamed oo ka hadlay madashaasi ayaa baaq u diray beel weynta Habar-jeclo, hadday yihiin, Salaadiinta, Xubnaha Golaha Dhexe ee Kulmiye , xildhibaanada golayaasha qaranka iyo dhamaan siyaasiyiinta beessha, waxaanu u soo jeediyay in ay taageeraan Murashaxnimada Dr. Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye, isla markaana ay maanta la dhisaan murashaxaasi ka soo jeeda beelaha Harti, waxaanu ka sheekeeyay iskaashi iyo is garabsi siyaasadeed oo soo jireen ah oo ay lahaayeen labada beelood.

Garaad Qawdhagayste “Beel-weynta Habar-jeclo ee aanu walaalaha nahay, waxaanu maanta ka codsanaynaa in ay nala dhisaan oo ay nala soo saaraan Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka Xisbiga KULMIYE Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosi, oo ah nin haddii uu ku guulaysto doorashadana wax badan ka bedeli kara xaalada dalka, xalna u noqon kara waxyaabo badan oo maanta taagan.”

Guddoomiyaha Beelaha Harti waxa kale oo uu intaa ku daray “Dr. Saleebaan Xaglo-toosiye haddii uu soo baxo waxaa laga rabaa laba qodob, qodobka koobaad waxaa laga rabaa Habarjeclo iyo Dhulbahante midaysan oo walaalo ah oo nabad iyo kalgacal ku wada nool oo laabtoodu isu xaadhan tahay, waa shaqada koobaad ee laga rabo.

Arrinta labaad ee laga rabaa waxa weeye Harti in uu Somaliland noqdo , wax yar baana xalkii uga hadhay Harti, dalkii maanta waa dhawyahay, waana codaynaynaa. Waxaanan idiin sheegayaa Haddii ay is raacaan Beelaha Harti iyo Habarjeclo, Xisbigu Banaanka ayuu yaalaa, in uu soo baxaa waa xaqiiq.”

Oday Axmed Sheekh Saalax oo ka mid ah hogaanka dhaqanka ee beelaha Harti ayaa shacabka reer Somaliland ugu baaqay in Dr. Saleebaan Lagu taageero murashaxnimada Madaxweyne ku xigeenka Somaliand, waxaanu tilmaamay haddii la doorto Dr. Xaglo-toosiye ay xal iyo badbaado u noqonayso Somaliland oo dhan, waxaanu yidhi “Waxaan leeyahay reer Somaliland maanta nala dhisa Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye, waxaan leeyahay reer Somaliland Anagana na badbaadiya Somaliland-na badbaadiya.”

Afhayeenka guddida guud ee shirkii Gar’adag ee beelaha Habar-jeclo Oday Cabdi Maxamed Qaloonbi ayaa isaguna halkaasi ka balan qaaday in ay si buuxda oo mug iyo miisaan leh ay u taageerayaan murashaxa Dr. Saleebaan iyo in beesha Harti ay maanta ku fadhiisato kursigaasi, waxaanu yidhi “Aniga oo ah Cabdi Maxamed Qaloonbi, isla markaana ah Afhayeenka guddida guud ee shirkii Garadag, waxaan leeyahay tartanka iyo hanka Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye waa arrin horumar, waa arrin dimuquraadiyadeed, waa arrin ay dani ugu jirto Somaliland, shabkeeda iyo xukuumaddeedaba.”

Cabdi Maxamuud Qaloonbi waxa kale oo uu intaa raaciyay “Waxaan caddaynayaa arrintan maanta ay naga codsadeen beel-waynta Habar-jeclo aniga oo afkeeda ku hadlaya waanu aqbalnay, Xisbiga Kulmiye iyo xukuumadda waxaan leeyahay waxaa isa saraan murashaxa madaxweynaha xisbiga Kulmiye iyo murashaxnimada madaxweyne ku xigeenka Saleebaan Xagle-toosiya, Haddii Murashaxnimada Dr. Xaglo-toosiye ay dhici waydo in aan xisbiga KULMIYE cod ka heli doonin Gobolka Saaxil Barigeeda, Burco, Saraar, Buuhoodle, Sool, Sanaag iyo Badhan Midna Cod Ka helimaayaan.”

Chief Caaqil Cali Xirsi oo ka tirsan cuqaasha beelaha bariga Burco ayaa isaguna halkaasi ka hadlay, waxaanu su buuxda u ballan qaaday in beel ahaan ay hiil iyo hooba la garab istaagayaan murashax Dr. Saleebaan, isla markaana ay madaxdhaqameed ahaan dedaal dheeraad ah gelin doonaan sidii beesha oo dhan ay u taageeri lahayd una dhisi lahayd murashaxa, gaar ahaan in ay ka hawl geli doonaan ololaha xubnaha golaha dhexe ugu jira beesha Habar-jeclo sidii ay codkooda u siin lahaayen Dr. Saleebaan Ciise Axmed.

Sidoo kale,waxa isaguna halkaasi ka hadlay siyaasi Maxamed Saleebaan Wayne oo hore wasiir uga ahaa xukuumaddii hore, waxaanu yidhi “Dr. Saleebaan wuxuu horseed u yahay midnimada Somaliland, walaalaynta shacabka Somaliland, wuxuu horseed u yahay xaqsoorka gobolada Somalilnd.”

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye, ahna murashaxa jagada madaxweyne ku xigeenka xisbiga KULMIYE ayaa isaguna madashaasi ka hadlay waxaanu yidhi “waxa aan aad uga mahad celinayaa Beelwaynata Habar Jeclo sida wanaagsan ee ay u ajiibtay ee ay noo soo dhaweeyeen, waxa aan s igaarana ugu mahad naqayaa xildibaan Maxamed Xisrsi aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa, waxa aan idiin sheegayaa anigu Musharax baan ahay oo waad ogtihiin sababta keentahay inaan musharax ahayna waxa aan u malayanayaa inay idiin cadahay, shan iyo labaatan sanadood ayuu harti maqnaa shana iyo labaatan sanadood kadib waanu nimi waanu joognaa oo wakhtigii ayaa la gaadhay oo bisayla oo fursad qaaliya u ah Somaliland iyo beelahaasba, inaan helo Codka golaha dhexe ee Beesha habarjeclona waa tii aan ku guulaysan lahaa.”

Murashax Xaglo-toosiye waxa kale oo uu intaa ku daray “Haddii aan guulaysato waxa aan balan qaadaya Dalka iyo dadka oo dhamaystirma oo buuxsama, Saaxiibkay Xinif waxa aan leeyahay cod waa la helaya waayo doonistii dadka ayaa jirta waan ka balan qaadaya halkan golaha Cod aad layaabtaan oo aan la arag inaanu keeno, Madaxwayne ku xigeenka waxa aanu uuga bilawnay imika oo aanu madaxwayne ku xigeen leenahay ayaa cod la yidhi armmaanu Madaxwaynaha ku boodna, Halkan nin baa ka lahaa inaad Madaxwayne isu sharaxdaan bay ahayd marka hore Codka yaga ayaanu din tusaynaa Madaxwayne ku xigeen nimadda Codka yaga ayaanu idinku tusayna markaanu codkayaga idin tusno, markaas ayaanu Madaxwayne nimadda idinku qabsanayna qoladiina Shan iyo labaatanka sanadood haysatay oo markaas ayay dhacaysa inaanu nidhaahno waa markayagii anagana, imika waa markii qoladda Habar Awal, waliba Sacad muuse sawmaaha markii horena markii Habar jaeclo ayay ahayd anagun markaas ayaanu gaadhi doona hadii Ilaahay ka dhigo, imikana waxa weeye Somaliland mid nimadeeda oo buuxsanta Somaliland dadkeeda oo dhan oo codeeya meel kastaba ha joogaane inta aan la codaynaynin meelo kamida dalkeena waa caqabadaha iyo dhibaatooyinka hortaagan aqoonsigeena hadii ay taasi dhacado maanta oo ay dhamays tiranto waxa hubaala aqoonsi degdeg ah inaynu helayno waa arin aanu udhanahay gees ka geesna codku wuu ka dhacayaa markaa sidiina ayaanu ilaa war dheer waanu ka codaynaynaa hadii Ilaahay ka dhigo balan qaadkaas kasokow way ii fududaanaysa inaan cod keeno Geesi alle ma xilo, Xabadda oo dhacaysa ayaan nabad qaatay alle waa igu guuleeyay oo maalintii maalin ka danbaysa Xabadi ma dhicin waxa aan rajaynaya in tana Ilaahay igu guuleeyo musharaxnaantaydu maaha inaan kaligay wax doonaayo Somiland oo dhan ayaan wax u doonaya Somaliland oodhan baan wanaageeda rabaa iyo mid nimadeeda waa iga qadiyad C/kariin waxa uu yidhi cid ayaa idinka maqan cidi nagama maqna ee laba sadex af miishaar ayaa naga maqan oo meelahaas hadalo beena ka yidhaahda oo meelahaas hadalo beena ka sheeg sheega, laakiin maaha sida ay sheegayaan waxa ay yidhaahdaan anaga oo ku hadlayna afkii harti maaha niman ku hadla afka harti maaha niman harti matala harti intiisii badanayd in ay halkan joogto waa la ii markhaati furayaa markaa ma jirto cid naga maqan ama halkan ha joogo ama wadankii ha jog, kuwa halkan joogana waa loo wada joogaa markaas arintaas diyaarbaanu u nahay inaad nagula shaqysaana waa sugaynaa waa rajaynayna waxaan la qabaa walalkay C/kariin reer AWDAL 25-sanadood ayay dalka soo xukumayeen Madaxwayne ayay ka ahayeen sided sanadood intii kalena madaxwayne ku xigeen waxa aanu jeclaan lahayn inaad noo tanaasu shaan oo aad maanta tidhaahdaan waar bal qoladaas aynu soo dhawayno adinkana kuraasta kale la idiinku duceeyo Somlilan waxa ay u baahanatahay dhamaanteed in nabadadda laga shaqeeyo”

Suldaanka guud ee beelaha Harti Suldaan Siciid Suldaan C/salaam ayaa soo gabagabeeyay munaasibadaasi waxaanu yidhi “Munaasibadan dhamaan dadka ka soo qayab galay, waxa aan u malaynayaa wixii hadal ahaa ee dhankayaga isaga ayaa soo gaba gabeeyay waana midaanu u dhanahay hadaanu nahay beelaha harti kuna soo dhawynayna kuna midaysanahay, kuna wada soconaa murashaxayaga Saleebaan sida aad noga aqbasheen ee codkiina nagu siiseen ee isimadiini balan qaadeenna waanu idinku mahad celinayna wixii halkan farta ka taagay ee codka balan qaaday way mahadsan yihiin wixii kale ee balan qaadana waanu idinka sugayna, waananu idiinka mahad celinayna ka isimo ahaan, dhaqan ahaan, xildhibaano, iyo cuqaalba sida wanaagsan ee aad tageeradda isula kaaya barbartaagantihiin hadaanunahay Beelaha hartii musharaxayaga Saleebaan iyo sida uu u diyaar garoobay ee hawshan isugu duba ridayna wuu ku mahad sanayahay.”

Dhinaca kale waxa iyaguna madashaasi ka hadlay Garaad Maxamed Garaad Saleebaan oo ka mid ah Isimada waawayn ee reer Somaliland gaar ahaa beelaha Harti, Siyaasi Cabdirashiid Ducaale Qambi, oday Siciid Bidde oo ka mid ah waxgaradka beelaha Habar-jeclo, Suldaan Cabdi Yuusuf Ducaale iyo Suldaan Maxamuud Xaaji Xuseen oo ka mid ah salaadiinta beel-weynta Habar-jeclo, xubno ka tirsan golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, Xildhibaanada Golaha Wakiillada ugu jera beesha, siyaasiyiin iyo waxgarad kale, kuwaasi oo dhamaantood taageeray soona dhaweeyay murashaxnimada Wasiir Xaglo Toosiye.

Waxaa xusid mudnayd in Xubnihii ugu horreeyay ee golaha dhexe ee KULMIYE ay madasha dhexdeedas kaga dhawaaqeen in ay si rasmi ah codkooda u siinayaan marka la gaadho doorashada xisbiga gudihiisa, waxaana halkaasii ballan qaad cad ka bixiyay in ka badan shan iyo toban xubnood oo ka mid ah golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE ee ka soo jeeda beel-weynta Habarjeclo.

Dhinaca kale, waxa maalmihii ugu dambeeyay iska soo daba dhacayay taageero xoog leh oo loo muujinaya tartanka murashaxnimada madaxwene ku xigeenka xisbiga Kulmiye dhexdiisa ee wasiirka caafimadaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmee Xagl0-toosiye, waxaana todobaadkii ugu dambeeyay taageeray oo kulamo waawayn ku qaabilay beelaha Arab, Ayuub iyo Toljecle oo dhamaantood si cad ugu muujiyay in uu isku halleeyo codkooda iyo taageeradooda.

DSC051e94

DSC05194

DSC05223

DSC05225

DSC05226

DSC05228

DSC05231

DSC05248

DSC05274

DSC05277

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here