Wasiirka Hore Ee Madaxtooyada Oo Dhaliisha Musharaxiinta Isbahaystay Ka Difaacay Madaxweyne Siilaanyo

0
722

Wasiirka Hore Ee Madaxtooyada Oo Dhaliisha Musharaxiinta Isbahaystay Ka Difaacay Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa (Warsugannews) Ninka xukumaddii uu xisbiga u ahaa badh ka tagay,ee kuxigeennadiisii ka tageen ee ku xigeennadii baarlamaanku halkan fadhiyaan, ee guddidii fulinta badankeedii ka tageen, ee musharaxiintii la tartamaysay halkan fadhiyaan ee golihii dhexe ka tageen ee wali leh waxba inagama qasna ee inoo wada bal bari aynu taariikhda eegno,” ayuu yidhi Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka hore ee madaxtooyada oo khudbad ka jeedinayay munaasibad isbahaysiga musharaxiintu ku yeesheen Hargeysa waxa uu sheegay in Muuse Biixi afduubayo xisbigii Kulmiye. Waxa uu sheegay inaanu qiimaynayn qayb laxaad leh oo ka mid ah xisbigii kulmiye haldoorkiisa.

Dhanka kale waxa uu wasiirka hore madaxtooyadu difaacay madaxweynaha. Waxa uu musharaxiinta isbahaystay u soo jeediyay inaanay ku tiigaalin dhaliisha madaxweynaha. Waxa uu sheegay inaanay jirin xumaan u dhexaysa isaga iyo madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here