Isbaahaysiga KULMIYE Oo Qaadacay Gudigii Madaxweynuhu U magacaabay Khilaafka Xisbigaasi + Weedhana hawada u mariyey Gudoomiye Muuse biixi

0
954

Isbaahaysiga KULMIYE Oo Qaadacay Gudigii Madaxweynuhu U magacaabay Khilaafka Xisbigaasi + Weedhana hawada u mariyey Gudoomiye Muuse biixi

Samaale+Xirsi+Maxamed Biixi+ Kijaandhe+Baashe+Cali+ Talyaanle+Wabeeye iyo kuwo kale ka bogo.

Hargeysa (Warsugannews) Munaasibad qado sharaf ah oo aad u ballaadhan isla mar ahaantaana isbahaysiga murashaxiinta xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye ku diidanaayeen guddi tallo bixin ah oo madaxweyne Siilaanyo u saaray khilaafka hada taagan ee xisbiga Kulmiye, ayaa maanta qabsoomay hotel Crown ee magaalada Hargeysa.

Waxaana munaasibaddan ka soo qeyb-galay murashax Maxamed Biixi Yoonis, Murashax Cabdicasiis Maxamed Samaale, Murashax Kijaandhe, guddoomiye xigeenka 1aad ee golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ku xigeenka 2aad ee Wakiilada Cali Yuusuf, guddoomiye xigeenka 2aad ee xisbiga Kulmiye Mudane Waabeeye, ku xigeenka saddexaad ee Kulmiye Cabdiraxmaan Talyanle, wasiiraddii iska casilay xilalkii ay ka hayeen xukuumadda Siilaanyo, xubno ka tirsan golaha dhaxe ee xisbiga Kulmiye,Madax-dhaqameed, ganacsato, haween iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Guddoomiye xigeenka labaad ee xisbiga Kulmiye Xildhibaan Waabeeye oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa faah faahin dheer ka bixiyey xaalad uu maraayo xisbiga Kulmiye, waxaana uu sheegay in xisbiga Kulmiye aanay marnaba suurto gal ahayn in cid gaar ah loo xidho, isaga oo madaxweyne Siilaanyo ku guubaabiyey in uu dhex u noqdo tartan xor iyo xalaal ah oo ka qabsooma xisbiga Kulmiye dhexdiisa, waxa kale oo uu garabka Muuse Biixi ku eedeeyey in ay maroorsadeen gabi ahaanba talladii iyo hawlahii xisbiga Kulmiye.

“Maanta waxa halkan fadhiya aqlabiyaddii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye oo haddii loo baahdana aanu haysano kooram nagu filan xubnihii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, waxaanu madaxweynaha u soo jeedinaynaa in uu dhex u noqdo tartan xor iyo xalaal ah oo ka qabsooma xisbiga Kulmiye dhexdiisa, xisbiga Kulmiye dadkii kula soo halgamay ayaanu nahay, diyaarna uma nihin in cid gaar loo xidho.”.Ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye Murashax Kijaandhe oo isna halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ay wax ka tabanayaan madaxweyne Axmed Siilaanyo sida oo kalena ay saluugsan yihiin guddida ka soo tallo bixinaysa khilaafka xisbiga Kulmiye, waxaana uu carabka ku dhuftay in aanay gabi ahaanba ogalayn guddidaas isaga oo dhanka kalena tilmaamay in haddii tallo maroorsiga hada ka dhextaagan xisbiga Kulmiye aan xal lagu soo dabbaalin sida oo kalena aan dib loo dhigin shirka golaha dhaxe ee Kulmiye aanay ka soo qeyb-gali doonin.

Murashax Cabdicasiis Maxamed Samale oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa iftiimiyey muhiimadda uu leeyahay tartan xor iyo xalaal ah oo ka qabsooma gudaha xisbiga Kulmiye, waxaana uu tilmaamay in ay horseedi karto in xisbigaasi uu sii jiro, isaga oo dhanka kalena ku carabka ku adkeeyey in aanay marnaba oggalaan doonin in cid gaara loo xidho xisbiga Kulmiye isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin tartan xor iyo xalaal ah oo lagu kala calaf qaado xisbiga dhexdiisa. Murashax Maxamed Biixi Yoonis oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay sida aanay ugu qanacsanayn guddida uu Siilaanyo u xilsaaray ka soo tallo bixinta khilaafka xisbigaas, waxaana uu tibaaxay in mar walba ay ku adkaysanayaan in ay diyaar u yihiin tartan si xor ah uga qabsooma golaha dhaxe ee xisbiga Kulmiye, isaga oo sida oo kalena iftiimiyey in gabi ahaanba ay haystaan aqlabiyaddii golaha dhaxe ee xisbiga Kulmiye.

Xubno ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda waxa ay madaxweyne Siilaanyo ugu baaqeen in uu dhex u noqdo tartamayaasha madaxtinnimo ee xisbiga Kulmiye, waxaana ay carabka ku dhufteen in madaxweyne Siilaanyo looga baahan yahya siddii uu u adkayn lahaa hirgalinta iyo illaalinta nidaamka axsaabta badan iyo dimuqraadiyadeed ee qaranka ka jira.

Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo wasiirkii hore ee waxbarashada Somaliland ahna murashax madaxweyne xigeen Mudane Geedoole oo iyaguna halkaas ugu dambeyntii ka hadlay, ayaa sheegay in marnaba aanay oggalaan doonin in xisbiga Kulmiye loo xidho kooxo gaara, waxaana ay carabka ku adkeeyeen in dhammaanba isbahaysiga murashaxiintu ay diyaar u yihiin siddii xisbiga Kulmiye loo badbaadin lahaa isla mar ahaantaana ay tartamayaashu si xor iyo xalaal ah ugu kala calaf qaadi lahaayeen.

Bixi Yonis

Geedoole

Kijandhe

Xirsi
10178066_946687542066787_4556982197928476158_n

11215818_946687465400128_2596578648633080135_n

11248336_946688262066715_2722268550287689044_n

12065685_946688022066739_6838445651658883225_n

12074874_946688258733382_7169883133941385473_n

12112050_946687578733450_4762677329496663630_n

12122832_946688182066723_2806451594180840901_n

12187748_946687512066790_1463592798182358220_n

12187802_946607935408081_953682256792302641_n

12189037_946688082066733_3501368935477234105_n

12189609_946687615400113_4807118307380902960_n

12189730_946687948733413_2778500351559059605_n

12189843_946687468733461_7665945978025241595_n

12191502_946688025400072_4791156225515738392_n

12191708_946608678741340_5219862579398205874_n

12193567_946688188733389_8764780333804411811_n

12193673_946688098733398_2710238036118938278_n

12196296_946688318733376_3892277208849982951_n

12208350_946608572074684_5474115511577182365_n

12208365_946687952066746_7107204155003618020_n

Capture

Hadalo

Saw

Sawir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here