“Berigii Aan Xukuumadda Ku Jiray Qaar Baa Odhan Jiray Xirsi Awoodii Buu Haystaa, Waar Imika Haddii Awoodii….”.Hoggaamiyaha WADDANI

0
521

“Berigii Aan Xukuumadda Ku Jiray Qaar Baa Odhan Jiray Xirsi Awoodii Buu Haystaa, Waar Imika Haddii Awoodii….”.Hoggaamiyaha WADDANI

Hargeysa(WSN):-Hoggaamiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa si cad u iftiimiyey sida Xisbiyada siyaasadda Somaliland ay ugu kala aragti duwanaan karaan siyaasadda arrimaha dibadda balse aanay ugu kala duwanaan karin danta iyo dhibbaatooyinka guud ee qaranka soo wajaha, waxaana uu carabka ku dhuftay in hawshii ay ka soo qabteen magaalada Nayroobi ee Xisbiga WADDANI ay ahayd dan qaran oo waajib ku ahayd qof kasta oo muwaadin reer Somaliland ah.

Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa ka dib safar ay isaga iyo wefti uu hoggaaminayaa kaga soo laabteen magaalada Nayroobi ee dalka Kenya.

“Xisbiyadu waa ay ku kala duwanaadaan siyaasadda arrimaha dibadda oo Xisbi walba si gaara ayuu u dhigi karaa laakiin baahida qaranka lagu ma kala duwanaado, dhibta na lagu ma kala duwanaado, taas baanu ka jawaabaynay, taas baanu wax badan ka soo qabanay haddii ay tahay safaaradda Sacuudi Arabiya iyo wadamo kale ba, waxa aanu kala hadalnay dhibbaatada jirta iyo xoolaha la joojiyey ba oo ah halkii dhaqaalaheena laf dhabarta u ahayd, sida oo kale waxa aanu kala hadalnay in ay ka qeyb-qaataan abaarta jirta iyo duruuftu inta ay leeg tahay, waxaana uu ahaa runtii haddii dawladdu ay imika cid u dirayso iyo haddii kale ba cod is barbar taagaya.”.Ayuu yidh Xirsi Cali X.Xasan

Hoggaamiyaha WADDANI Md.Xirsi Cali Xasan, waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in wakhtigii uu Xukuumadda ka tirsanaan jiray lagu carab dhabi jiray in uu haysto awoodii dalka balse imika oonu awoodii gacanta ku haynin ay hada na weli qelinayso Xukuumaddu, waxaana uu u soo jeediyey in maadaama oo ay awoodii gacanta ku haystaan in ay umadda wax u qabtaan, waxaana uu yidhi:

“Wwaxa aanu lee nahay waar nin walow ba waxa aad umaddaada aad u qaban kartid badka u soo dhig , bulshada na waxa aad u qaban kartaa waa waxa yar ee aad ka geysan karto ee qaadhaanka ah e’ lagu ma tartamo in marba meelahaas xaflado laga qabsado oo la isku caayo oo waxa aanu lee nahay caydu siyaasad maahee, siyaasigu waa adeege oo anagu bulshada ayaanu u adeegaynaa. waxaanan hore u arki jiray qaar badan oo yidhaahda Xirsi dawladdii buu joogaa oo awoodii buu hayaa, waar maanta haddii aad idinku awoodii na haysaan oo aanu idiin dhiibnay dee ku shaqeeya, anagu na inta aanu haynaanu ku soo shaqeynaynaa.”.