Booliska Oo Xashiishad Gacanta Ku Soo Dhigay iyo dad loo qabtay

0
1125

Booliska Oo Xashiishad Gacanta Ku Soo Dhigay iyo Taliye Fadal Oo Digniin U Diray Dhalinyarada Rabshadaha Sameeya

Hargeysa(Warsugannews) Taliyaha guud ee booliska Somaliland, Sareeyo guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay in ciidanka boolisku gacanta ku dhigay xaddi ka mid ah maandooriyaha xashiishadda oo dhibaato ku ah bulshada Somaliland.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa waxa uu sharaxay xaddiga Maandooriyaha ay qabteen ciidanka boolisku “Waxa ay ciidanka saldhiga Koodbuur ay ku guulaysteen 72 duub oo xashiishad ah, nooceeda loo yaqaano Murjuwaana oo khatar ku ah diinteena iyo amnigeena,” Ayuu yidhi Taliye Fadal.

Taliyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “waxa lagu qabtay gaadhi Nouha Ah oo lanbarkiisu yahay 49647. laba nin ayaa watay, labadiiba maxkamadda ayaa la horgeeyay isla shalay markii la qabtayba, waxaana laga qoray qiraal in falkaas ay faraha kula jireen oo iyaga lagu qabtay.”

Taliyaha ayaa bogaadiyay booliska xashiishada soo qabtay “Waxaan amaan u soo jeedinayaa ciidanka booliska saraakiisha iyo saraakiil ku xigeenadaba. waa guul ciidanka boolisku uu gaadhay mar hadii ay qabteen daroogada intaas leeg ee ubadka iyo dadkaba lagu xumayn lahaa, ma joogsanayso oo ciidanka boolisku waa ay wadayaan.”

Taliyaha ayaa sidoo kale digniin u diray Dhalinyaro kooxkooxo u dagaalanta iyo tuugta bulshada dhibta “ Dhalinyarada had iyo jeer koox-kooxda isku dila, sidii hore ay hawlgalka uga galeen ciidanka boolisku ayay haddana uga galayaan. cid kasta oo lagu qabto hawlaha noocaas ah, waxaa laga qaadayaa talaabo sharciga waafaqsan oo waliba ciqaabtu ciqaabtii hore ka culus tahay lagu qaadi doono. Waxa iyaguna la mid ah tuugta oo ciidanku kula jiro hawlgal la mid ah kaas mukhaadaraadka lagu qabtay,” ayuu yidhi taliye Fadal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here