Boorso qarax lagu diyaariyay oo la dhigay safaaradda Mareykanka ee dalka Filippin

0
327

waaxa qorey yaasir br

Ciidamada ammaanka dalka Filippin ayaa qarxiyay boorso lagu soo diyaariyay walxaha qarxa taas oo la dhigay meel u dhow safaaradda Mareykanku ku leeyahay caasimadda dalkaasi ee Manila.

Nin nadaafadle ah oo waddooyinka xaaqa ayaa marka hore arkay boorsadan qaruxu ku jiro oo ku sii xiriirsaneyd mobil taleefan, waxana marki uu ka shakiyay uu wacay booliska oo islamarkiiba goobta soo gaaray.

Nadaafadlaha ayaa booliska u sheegay in uu arkay boorso yar oo madow oo fiilooyin ku jiraan, kuna tallaalnaayeen dhalo dareere ku jiray iyo mobil taleefan, isagoona islamarkiiba dareemay in waxani qarax u egyahay.

Koox ka tirsan ciidanka oo ku takhasuustay qaraxyada ayaa qarxiyay boorsadii oo aan geysan wax khasaare ah.

Safaaradda ayaa xirneyd inta howlgalkani socday, mana cadda goorta dib loo furayo.