US: Masaajidda California oo waraaqo hanjabaad ah loo qeybiyay iyo Trump oo ay sheegeen in uu muslimiinta ka sifeyn doono Mareykanka

0
378

waaxa qoreaya yaasir br

Urur ay leeyihiin Muslimiinta Maraykanku ayaa sheegay in warqad kooban oo isku mid ah loo diray saddex masaajid oo ku yaalla gobolka California, warqadaas oo hadalka ku qorani ku tilmaamay Muslimiinta dad wasakh ah oo maan gaaban, isla markaana ku wargelisay in ay shandadahooda ka xidhxidhaan Maraykanka

Warqaddan farriinta nacaybka ah ku xardhanayd ayaa sidoo kale waxay ammaantay madaxweynaha la doortay Donald Trump waxaana ay sheegtay inuu nadiifin doono Maraykanka.

Ururka oo la yidhaa gohala xidhiidhka Muslimiinta Maraykanka, ayaa ku baaqay in boolisku baadho waxa uu ay ku tilmaameen talaabo cagajuglayn diineed ah.

Intii uu ololaha doorashada ku jiray, Trump wuxu sheegay in uu Muslimiinta ka mamnuuci doono in ay galaan Maraykanka ilaa inta laga ogaanayo waxa uu ku sheegay sababta tiro badan oo Muslimiinta ka mid ahi ay u taageeraan colaadda loo qabo dadka Maraykanka ah.