BOQORKA SUCUUDIGA OO AMRAY IN DIB U EEGIS LAGU SAMEEYO QORSHAHA XAJKA UNA TACSIYADEEYAY INTII KU DHIMATAY

0
394

BOQORKA SUCUUDIGA OO AMRAY IN DIB U EEGIS LAGU SAMEEYO QORSHAHA XAJKA UNA TACSIYADEEYAY INTII KU DHIMATAY

Makka(warsugannews) Boqor Salmaan ayaa amray in dib u eegis ballaaran lagu sameeyo qorshaha Sucuudiga ee xajka, kaddib markii in kabadan 700 oo qof ay ku dhinteen ciriiriga iyo isriiriixa Mina.

Sidoo kale in kabadan 850 qof ayaa dhacdadaasi ku dhaawacantay.

Qudbo uu TV-ga ka jeediyay, boqorka waxa uu sidoo kale u tacsiyeeyay ehelada dadka ay ka dhinteen.

Iiraan oo ka hadashay arrintan ayaa waxa ay Sucuudiga ku eedeysay, inaysan badqab ku filan u fidinin dadka Xujayda ah.

Hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iiraan, Ayatollah Khamenei, ayaa sheegay in maamulka Sucuudiga ay si khalad ah u maareeyeen xajka.

Wareysi uu siiyay TV- Iiran laga leeyahay, ku xigeenka wasiirka arrimaha dibadda ee Iiran, Hossein Amir Abdollahia waxa uu si aad ah uga hadlay dhimashada ka dhacday Jamaraatka.

in ka badan labo milyan oo Muslimiin ah oo dunida oo dhan ka kala yimid ayaa sanadkan ka qeybgalaya xajka.

Bilowgii sanadkan ayaa waxaa xajka hareeyay wiish ku soo dhacay masjidka Makah, waxaana ku dhintay in ka badan boqol ruux.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here