Maayar ku xigeenka Caasimada Somaliland Mudane Cabdicasiis Caga-weyne ayaa la kulmay Lord Mayor of Sheffield, Councillor Talib Hussain

0
534

Maayar ku xigeenka Caasimada Somaliland Mudane Cabdicasiis Caga-weyne ayaa la kulmay Lord Mayor of Sheffield, Councillor Talib Hussain.

Sheffield(warsugannews) September 25/09/2015 Maayar ku xigeenka Caasimada Somaliland ee Hargeysa Mudane Cabdicasiis Maxamed Xaashi (Cagaweyne) oo in dhawaydba hawlo shaqo u joogay Dalka Uk ayaa kulan balaadhan la qaatay Maayarka Sheffield Mr Talib Hussain kaas oo ka dhacay hoolkii ay golaha deegaanka Sheffield ku aqoonsadeen Somaliland.

Kulankan ayaa ku salaysnaa martiqaad rasmi ah oo uu maayar ku xigeenku ka helay maayarka Sheffield, waxaanay ka wada hadleen sidii loo midayn lahaa labada magaalo ee Hargeysa iyo Sheffield laysagana kaashan lahaa sidii xidhiidh joogto ah u dhex mari lahaa golaha deegaanka Caasimada Hargeysa iyo Golaha Deegaanka ee Sheffield.

Qodobadii ay maanta isla soo qaadeena waxa ka mid ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa Arrimaha Biyaha, Caafimaadka iyo kaabayaasha arrimaha bulshada ee dhinaca somaliland oo uu u gudbiyey maayar ku xigeenku maayarka Lod mayor of sheffield Mr. Talib Hussain, waxaanu balan qaaday in uu gacan ka geysan doono sidii golaha deegaanka caasimada hareysi u noqon lahaayeen kuwo xidhiidh toosi ka dhaxayn doono golihiisa kana caawin doonaan wixii la xidhiidha dawladaha hoose iyo kaabayaasha arrimaha bulshada ee ay ka wada hadleen maayar ku xigeenka sida biyaha, Caafimaadka IWM.

sidoo kale waxa maayar ku xigeenka Hargeysa kormeer lagu geeyey dhawr goobood oo ay ka mid tahay Hool lagu magacaabo Mandela Holl iyo goobo taariikhi ah oo ku yaala Sheffield.

Kulankan uu maayar ku xigeenku ku joogo sheffield ayaa noqonaaya kulankiisi labaad isaga oo hore ula kulmay maayarkii ka horeeyey kan uu maanta la kulmay ee Mr Talib isaga oo mudane Cabdicasiis hore ula kulmay Lord Mayor of Sheffield, Councillor Vickie oo iyadu hore u hogaamin jirtay golaha deegaanka ee shiffield balse doorashadii golaha deegaanka Sheffield ay ku soo baxeen maayarkan danbe iyo golahan hada talada hayaa taas oo keentay in uu mar kale soo noolaado xidhiidhkii labada golle deegaan.

Ugu danbayna waxa uu maayar ku xigeenku u mahadnaqay maayarka sheffield iyo golihiisa deegaanka ee sidii sharafta iyo milgaha lahayd u soo dhaweeyey una qaabiley, sidoo kalena waxa uu maayar ku xigeen cabdicasiis Cagaweyne uga mahadnaqay sheffield city council housing aqoonsigii ay aqoonsadeen qaranimada Somaliland ee ay uga badheedheen una noqdeen golihii u horeeyey ee aqoonsada Somaliland kuna daydeen kuwo kale oo badani, nasiib wanaag maantana ay noqdeen golihii u horeeyey ee caawiya ama barbar istaaga golaha deegaanka Caasimada Hargeysa, waana wax lagu farxo oo ku dayasho mudan ayuu yidhi maayar ku xigeenku, sidoo kale waxa uu u sheegay in qof walba oo reer Somaliland ahi uu ku hamiyaayo wixii uu ugu abaal gudilahaa golaha deegaanka ee sheffield idiin hayaana karaamo iyo sharaf.
Halkan kala bax Video-ga kulankaasi

1

2

2ba Sano ka hor
Sawirkani waa laba sano ka hor iyo kulankii maayarkii hore iyo cabdicasiis

3

4

5

6

7

8

Mayar kii hore ee Sheffield

warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

warsugannews/Sheffield

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here