BURBURKII NIDAAMKII SIYAAD BARE, SAADAAL RUMOWDAY LABA NIN OO UU SII SHEEGAY INAY SOMALIYA XUKUMI DOONAAN Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf

0
330

BURBURKII    NIDAAMKII   SIYAAD  BARE,

SAADAAL RUMOWDAY LABA NIN OO UU SII  SHEEGAY INAY SOMALIYA XUKUMI DOONAAN

Qalinkii Cali-Mahad Yuusuf

26-kii Bishii Janaweri 1991 oo haatan laga joogo Mudo 32 Sanadood, ayaa xukunka laga tuura Keligii taliyihii MSBare oo Mudo 21 Sanadood ah awooda Maamul ee Somaliya Gacanta ku hayay,  Xusuusta Bisha Janawari waxaa markale soo gelaysa 2.1.1995  Maalintaasi oo wiilkiisii Ayaanle Saxaafada u xaqiijiyey Dhimashada MSBare oo ku Geeriyooday Dalka Nayjeeriya, 9 Ayaamood kadib ayaana Meydkiisii  lagu Aasay Magaalada Garba-haarey, baahintii Galabnimo ee Idaacada BBCda  ayaa warka kadib sii deysay warbixin ku saabsan Jawiga aaska siduu u dhacay, waxaana soo tebinaayey Maxamed Carab Falax-falax oo sanadihii u dambeeyay Maamulka MSBare  ahaa Agaasimihii waaxda Idaacadaha Soomaaliyeed.

Taariikhda aaskiisuna waxay xusuusta bulshada horkeentay  20 Sano ka hor 11.1.1975 oo  la dilay 10 Wadaad oo ka tirsanaa Haldoorkii Culimadii Soomaaliyeed sababta Dilkooduna wuxuu ka dhashay markay si cad oo geesinimo leh uga horyimaadeen  sharci loogu yeedhay  XEERKA QOYSKA, oo Nidaamkii MSBare soo saaray qodobadiisana waxaa kamid ahaa in ragga iyo dumarku simanyihiin  Sharcigaas oo Khilaafsanaa Suurata quraanka ah ee Suraatu Nisaa.

              Dhinaca kalena Xukunka MSBare oo ku aadanaa 21,10.1969kii waxaa cimrigiisu ahaa 21 Sanadood, dadka siyaasada ka faalooda ayaa ku fasiray inay ka koobnayd 3 marxaladood oo ta ugu horeysay ka bilaabanasay 1969-1975m Xiligaasi oo uu jiray hanaan Maamul oo ku socda Asluub,  kala dambayn iyo wada tashi.

Warqadii koowaad ee  Axdigii kacaanka waxaa ku dhignaa 13 Qodob oo Saldhig u ahaa Siyaasadda Mabaadiidii Kacaanka, Qodobadii ku saabsanaa  siyaasada arimaha debeda waxaa ugu muhiimsanaa in la taageero Dalalka Afrikaanka ee ku jira gacanta gumaysiga , balanqaadkaasina wuxuu noqday mid fulay  1973kii Shirkii Midowga Afrika ee ka dhacay Rabaat-Marooko, Soomaaliya waxay hormuud u noqotay dalalkii loo xilsaaray xoreynta  wadamada Afrikaanka ee Boortaqiisku gumaysan jiray.

Jab-hadihii la dagaalamayey Mustacmarka oo xarumo lagu tababaro looga sameeyay Gudaha somaliya isla markaana ay la hawlgaleen saraakiil laga soo xulay Ciidanka Soomaaliya,  waxay guulo lagu diirsaday kasoo hooyeen Dalalka Musabiig, Angoola,  iyo Gini waxaa kale oo xukuumadu ku guuleysatay  Joojinta dagaal ka dhexqarxi gaadhay Wadamada Tanzaniya iyo Uganda.

 

Dhexdhexaadinta Afrika waxaa kacaanku uga gudbay, qaarada Aasiya  sanadkii 1971kii. Dagaal ka curtay gooni goosigii bariga Pakistan, haybadii iyo sumcadii Soomaaliya ee wakhtigaa, waxaa abuurmay laba dal oo walaalo ah   Pakistan iyo Bangaladesh.

Guulaha Arimaha debeda ka sokow  kacaanku wuxuu isbedel gun iyo baar ah ku sameeyay  Dhinaca Arimaha Gudaha, waxaa la balaadhiyey Nidaamkii shaqo ee hay’adaha Dowliga ah,  xukuumadu waxay hirgelisay warshado mudo yar gudahood daboolay, waxyaabihii debeda kasoo degi jiray,

Iskaashatooyin iyo dan-wadaago wadani ah oo kacaanku abuuray ayaa sii laban-laabay Xawligii wax-soosaarka gaar ahaan Kaluumaysiga iyo Beeraha, barmaamijka Iskaa-wax u qabso oo si joogto ah ay uga qaybqaadan jireen dadweynaha iyo masuuliyiinta sare ee qaranka, waxaa deegaan walba laga sameeyay Iskuulo Dugsi Hoose ilaa Sare, Cisbitaalo, wadooyin waxaa laga gudbay cidhiidhigii dhinaca tacliinta iyo culayskii dhakhtarada ka taagnaa,

Waxbarasho iyo caafimaad bilaash ah ayaana shacbigu helay. Qoraalkii iyo Ololihii far-soomaaliga oo miyi iyo magaalba la gaadhsiiyey qiyaas lasameeyay xiliyadaasi waxaa soo baxay %50 Dadka soomaalidu inay waxna qoraan/Akhriyaan dadaalka iyo horumarka kacaanku wuxuu soo jiitay Wadamo badan oo saaxiib dhow la noqday Somaliya.

Marka hadaba loo gudbo marxaladii 2aad ee Kacaanka oo ka bilaabanaysay 1976-1986kii waxaa xiliyadaa abuurmay khalkhal ku yimi nidaamkii Maamul ee kacaanka  saamaynta ugu weyna waxaa loo aaneeyaa Jabkii Dagaalkii 1977  dhexmaray Somaliya iyo Itoobiya.

Guuldarada Meleteri ka sokow Soomaaliya waxay gashay go’doon Siyaasada debeda ah waxaa kale oo abuurmay qaybsanaan ku timi wadajirkii iyo midnimadii Soomaaliyeed Jabhado Hubaysan  oo dagaal kala soo horjeestay Nidaamkii MSBare ayaa bilowday habkii iyo hanaankii ay dowladu u dejin lahaydna, waxay ku bedeshay Aargoosi lagula kacay  cid kastoo loo arko inay  hayb la wadaagaan Mucaaridka,

Waxgaradkii iyo aqoonyahankii dalka u dhashay intii debedaha u baxsaday mooyee, intii kale waxaa hoy u noqday Xabsi, Xubno   kamid ah golihii sare ee Kacaanka iyo wasiiradii ay aad isugu dhowaayeen MSBare ayaa noqday Maxaabiis ku xidhan amarka M/weynaha,  heerka ay gaadhay dhibaatada dhacday waxaa lagu qiimeeyey inaanay lahayn dawo lagaga bogsado oo dib usoo celisa  Haybadii qaranka  dad badan ayaana u arkaayey in xalka keliya ee lagaga bixi karaa yahay MSBare oo xukunka iskaga dega.

Marxaladii 3aad ee Kacaanka oo ka koobnayd 1976-1986kii Kaalandarka taariikhda waxaa waxaa ku soo kordhay  heshiis sanadkii 1986kii  dalka Jabuuti ku dhexmaray  Xukuumadihii Soomaaliya iyo Itoobiya,  2 Sano  kadibna 1988kii Labadii Hogaamiye ee Mingiste H. Mariam iyo MSBare ayaa qalinka ku duugay heshiis rasmi ah oo laysku afgartay in Dowlada Itoobiya Albaabada u xidho xeryihii  ururka SNM ee gudaha itoobiya ku yaalay,  sidoo kale in Xukuumada Somaliya joojiso  gebi ahaanba kaalmadii ay siin jirtay  Jabhadihii Dagaalka  kula jiray Itoobiya oo ay ugu tunweynaayeen EPLF iyo TPLF.

Inkastoo labadaa oday u arkayeen heshiiskaasi faa’iido weyn hase ahaatee xaaladu waxay isu bedeshay si aan la filaynin  bishii May 1988kii ciidamada ururka  SNM ayaa weerar si weyn uga argagixiyey Nidaamkii MSBare ka bilaabay Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa,

dhowr bilood ah oo uu dagaalkaasi ka socday gudaha,    waxaa Jug weyn loogu geystay Awoodii ciidan ee xukuumadaasi. Markii ay Ciidamada SNM ka baxeen Magaalooyinka waxa fadhiisimo laga sameeyay  Deegaano badan oo gudaha dalka ah, waxaana sii socday Dagaaladii lagaga soo horjeeday  Askartii MSBare u daacada ahayd,

Markii la gaadhay sanadihii 1989-90 waxaa saaxada Jabhadaha kusoo biiray labadii urur ee USC iyo SPM , xiligaasna waxaa u suurto gashay SNM Istaraatijayad   Dagaal oo ay isla qaateen Labadaas urur,  waxaana laysku afgartay  in Halganka lagaga soo horjeedo Xukuumadaasi la gaadhsiisyo  gobolada Kale ee Dalkii laysku odhan jiray Somaliya.

 

Qorshahaas oo si fiican u hirgalay Badhtamihii 1990 Maamulkii MSBare waxaa gilgilay dagaalo hubaysan oo ka aloosmay Koonfurta gaar ahaan Deegaanka Jubooyinka iyo Gobolada Dhexe, markii awoodii xukunkiisu kusoo koobmay Caasimada,  wuxuu dhegaha ka furaystay talooyinkii   waxgaradka iyo aqoonyahanku ugu baaqeen  inuu dalka  nabad ah uga baxo si umadu uga badbaado khasaare ka dhasha xaalada soo fool-leh

Ragga arimahaa fikirkooda ka dhiibtayna waxaa kamid ahaa AHN Maxamed X.Ibraahin Cigaal oo taladii uu soo bandhigay tusaale usoo qaaday Labadii M/weyne ee Dalalka Bangaladesh  iyo Jaad Xuseen Maxamed Irshaad,  iyo Xuseen Habri.  Aakhirkiiina 28.12.90 ayaa xabadu ka bilaabantay gudaha Muqdisho,  dhowr todobaad kadibna 26.1.1991 kii ayuu ka Baxsaday Qasrigii M/tooyada, taariikhdaana waxaa soo afjarmay  Geedigii dheeraa ee Kacaanka, waxaa burburay  Nidaam da’diisu rubuc qarni ku dhoweyd, Waxaa galbaday Hogaamiye heesaha lagu amaanay si balaadhan ugu duubmeen quluubta   kamid ahaa saamaynta uu ku lahaa Mandiqada Geeska Afrika M/weyneyaashii hore ee Kiiniya Danyel Arab Moy  iyo Xasan Guuleedkii  Jabuuti, xusuusqorkii ay ka tageen waxay ku sifeeyeen  MSBare inuu ahaa nin Burji adag markasta oo ay isu yimaadaana aanay kor u eegi jirin.

Dhinaca kalena ragga taariikhda qoraa  waxay isku raaceen inuu ahaa qof  isugu jira laba nooc, C/qaadir Shire Faarax Tifatirihii Wargeyskii OGAAL ee kasoo bixi jiray  Muqdisho Buugiisii Xeebta Geerida ee soo baxay 1990-kii wuxuu ku sifeeyey MSBare, sawir ka kooban laba weji oo kala jeeda metel ahaana noqonaya Kartuunka DHANXIIR ee JAMHUURIYA kusoo bixi jiray, C/qaadir Shire oo ay xigto  ahaayeen MSBare,

inuu lahaa labadaa dabeecadood, waxaa Fikradaas ku raacay qoraaga C/qaadir Oromo oo buugiisii Sababihii burburka soomaaliya 2004 ku sheegay inuu lahaa laba sifo oo iska soo horjeeda, samaan iyo xumaan, marka la eego dhinaca wanaagsan wuxuu ahaa Madaale karti badan oo awood u leh inuu shaqeeyo dhowr maalmood  nasasho la’aan iyadoon laga dareemin in yar oo daal ah,

wuxuu ahaa aftahan Allaah siiyey xusuus balaadhan  hibona u lahaa inuu aragtidiisa fasiro, bulshay dabeecad wanaagsan oo aan isla weynayn  inuu qof walba dhegeysto oo uu qanciyona ku dadaala, mana ahayn kabaqaad shisheeyaha u sujuuda ee Somalinimada wuu iskula sareeyey. Qoraagu wuxuu farta ku fiiqay hibadii iyo kartidii Alaah siiyey  haduu si haboon u isticmaali lahaa inuu dalka horumar gaadhsiin lahaa.

Marka dhinaca xun laga eego wuxuu qoraagu tilmaamay nin aan diinta ku fiicnayn, Agoonimo iyo ciil-qab kusoo koray, waxaa amarkiisa lagu baa’biyey Magaalooyin dhan,hubkii cadowga lagu difaaci lahaa ayaa lagu gumaaday shacbigii, kumanaan hooyo ayaa Hengel qaatay, kumanaan ubad ah ayuu Agoomeeyey 1991,xukunka waxaa laga tuuray iyadoo dadku u qaybsan yahay wax qabri madow ku jira iyo qayb xeryo qaxooti ku darxumaysan.

Dumistii Nidaamkii MSBare oo dhulka afsoomaaliga lagaga hadlo aad looga soo dhoweeyey dacal ilaa dacal 120 Cisho kadib, dhicistii MSBare  M/dhaqameedka, Siyaasiyiinta, W/garadka goboladii  Waqooyi (Somaliland) shir ay isugu  yimaadeen Magaalada Burco, waxay ku dhawaaqeen maamul ka madaxbanaan Muqdisho,  waxaanu ahaa go’aan lagula soo noqonayo xoriyadii 1960  ay ka qaadeen Ingiriiska, 5 Maalmood kadibna  ay la midoobeen Goboladii koonfurta ee Talyaanigu gumaysan jiray.

Waxaana lagu dhawaaqay Magaca Jamhuuriyadda Cusub oo ah Somaliland, mudadaasna dadkii ku dhaqnaa waxay heleen Nabadgelyo iyo isdhexgal dhinaca bulshada  ah inkastoo ay jireen Dagaalo dhexdooda ka  dhacay balse si dhib ayaa loogu guuleystay in la joojiyo.

Balse koonfurta Soomaaliya waxaa saamayn xun ku yeeshay colaado iyo dagaalo  inta badan  ay gacanta kula jiraan  shisheeye oo dano gaar ah ka leh, Magaalada Muqdisho oo Waayihii kacaanka safka hore kaga jirtay Caasimadaha ugu quruxda badan wadamada Afrika, burburka iyo  qaraxyada joogtada ah ee ka jira awgeed waxaa saxaafada caalamku ku tilmaamtay magacyo ay kamid yihiin caasimadda geerida iyo Magaalada dhiiga.

Dhinaca  kalena waxaa jira sheekooyin daaha ka rogaya arimo MSBare sii sheegay mudadii uu awooda gacanta ku hayey, qoraalada lagu soo bandhigayna waxaa kamid ah Buugga Hadimadii Gumeysiga ee Qoraaga C/qaadir Oromo  2004 soo saaray bogga 239. Wuxuu ku soo qaatay odayaal Mareexaan ah oo MSBare uga waramay  heerka uu taagan yahay nacaybka umaddu u qabto iyo godobta uu u bSaadaal  uu sii sheegay MSBare eeray Beesha Mareexaan taasoo keeni karta in lafahiisa la gubo.

Balse    MSBare wuxuu odoyaashii ugu jawaabay anigu waxaan noqon doonaa halyey qaran oo haybad leh, waxaana iman doona rag iga naxariis daran oo wixii dhib kacaanku geystay mid kun jeer ka badan samayn doona, odayaashii oo aad ula yaabay Hadalka MSBare  wuxuu tilmaamay inay soo socdaan  Maxamed Faarax Caydiid iyo Cabdulaahi Yuusuf gaboodfalka ay geystaan ayaa taariikhdayda qurxin doonta,  sheekadan oo  markii iigu horaysay iila muuqaday xog aan sugnayn,

Balse mar kale ayay  I hortimi iyadoo watada cadayn buuxda buuga CODKARKII CAANKA ahaa ee uu qoray  Gudoomiyaha/Tifatiraha Shabakada wararka ee Afka Shacabka  Suxufi Mustafe  Cismaan-Magaalo oo xambaarsan waayihii iyo wixii laga yidhi Allaah haw naxariistee Weriye Axmed Xasan Cawke  geeridiisa ka dib,

Qormo kamid ah qoraalka buugan khaasatan bogaga 98-99 waraysi qoraagu la yeeshay  Suxufiga weyn ee Daahir Maxamuud Xaddi oo ka warameyey sheeko dhexmartay AHN Axmed Xasan Cawke oo ahaa weriyihii gaarka ahaa ee M/weynaha iyo Jaale Siyaad laftiisa.oo  ku yidhi Cawkoow hadaad iga dambayso iga qor SNM soo dhaafi maayaan Hargeysa…

Ina Cumar Jees (Gudoomiyihii SPM) Afmadow soo dhaafi mayo

-MSBare wuxuu  tilmaamay inay isaga dabadii Iman doonaan Maxamed Faarax Caydiid iyo Cabdilaahi Yuusuf, midna dalkaan uga baqayaa midna dadkaan uga baqayaa inuu dhameeyo, waxaanu sheekadiisa kusoo xidhay Anigu digtatar ma ahiye maalintaan dhaco ama dhinto ayaa lay Alla baryi doonaa alla Maxamed baa khayr qabay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here