WASAARAD NABADGALYADA U GAAR AH  IN QARANKU YEESHO WAA LAGAMA MAARMAAN

0
403
WASAARAD NABADGALYADA U GAAR AH  IN QARANKU YEESHO WAA LAGAMA MAARMAAN.
Laba iyo soddon sanadood ( 32 ) waxa aynu dhisaynay qaran tacab badan la galiyey sidii nabadgalyo sugan loo heli lahaa si nolosha kale fursad loogu hello .
Muhiimada nabadgalyadu leedahay waxa inoo sheegay Nebi Muxamed (Scw ) oo ducooyinkii uu ku ducaystay waxa ka mid ahaa in uu xataa iimaanka ka horeysiiyey amniga ( nabadgalyada) oo ah aasaaska nolosha.
Waxa ugu weyn ee maanta yaalaa jamhuuriyada Somaliland waa nabadgalyo oo tacab iyo tamariba gashay waxa ku baxa 35% dhaqaalaha dalka in ka badan sugida amniga.
Haddaba waxa isweydiin leh maadaama oo aynu ku naalo gobol aan deganayn ( Fragile zone) sidoo kale bulsho ahaan aynaan u dhalan dad xasiloon ( stable society) oo aynu nahay umad xasarad u joog ah miyi iyo magaaloba lagama maarmayo in nabadgalyada wasaarad gaar ah loo sameeyo.
Wasaaradani waxa kaalin mug leh ku yeelanaya odayada dhaqanka, bulshada rayidka ah , aqoonyahanka horumarinta bulshada iyo dadka mudanka ee ummadu leedahay.
Shaqada wasaaradu waxa ay noqoneysaa dhisida , adkeynta iyo horumarinta nabadgalyada si loo helo nabadgalyo cago adag ku taagan oo bulshadu u dareento waxa ay ku qabaan nabadgalyada.
Wasaaradani waxa si toos ah u hoos tagi doona ciidamada police oo u baahan dib u habeyn iyo in la helo ciidamo police oo dadka la saaxiib ah oo aan xabad ugu dhufan sifo sharciga baalmarsan .
Wasaaradani waxa ay ka dheegmaysaa ama ka farcamaysaa wasaarada loo yaqaano arimaha gudaha oo noqon doonta wasaarada maamulka gobolada iyo dawladaha hoose .
Marka aynu ka hadlayno amni ( national security) Waxa la rabaa in sida aduunka amnigu u koro oo derejooyinka u leeyahay , in keena kor loogu qaado sida aad ka dheehan kartaan machadka daraasaadka ee IEP ( institute of economic & Peace ) si aynu fursad ugu helno dhaqaalaha horumarka iyo nolosha kale ee wax soosaarka iyo teknoolijiyadaha casriga ah ee caalamku gaadhay.
Mohamed Abdi Jama
Mohamed Dhimbiil

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here