Shirka Telesom Company oo Shaacisay Inay ku Guulaysatay Shahaadada Caalamiha ah ee ISO 27001 ee la xidhiidha nidaamka maareynta amniga macluumaadka

0
1776
Shirka Telesom Company oo Shaacisay Inay ku Guulaysatay Shahaadada Caalamiha ah ee ISO 27001 ee la xidhiidha nidaamka maareynta amniga macluumaadka.
Hargeysa-24-01-2023-(WMG)-Waxa sharaf noo ah in aannu ku guulaysannay qaadashada shahaadada caalamiga ah ee ISO 27001 ee la xidhiidha nidaamka maareynta amniga macluumaadka “Information Security Management System” iyadoo ay Telesom noqonayso shirkaddii ugu horeysay ee guud ahaan Somaliland ka jirta, gaar ahaan dhanka Isgaadhsiinta, maaliyadda iyo tiknoolajiyadda Somaliland ee ku guulaystay in ay hesho shahaadadan.
ISO/IEC 27001 waa mid kamid ah nidaamka ugu fiican adduunka ee loo isticmaalo maaraynta amniga macluumaadka, taasi oo ku siinaysa in aad hirgeliso qaababka ugu fiican ee xogta loo ilaaliyo isla markaana kor loogu qaado heerka ka hortaga khataraha la xidhiidha ammaanka xogta.
Shahaadadani waxa ay ka dhigantahay in hab-maamulka, hab-raacyada iyo tiknoolajiga shirkadda Telesom isticmaashaa uu yahay mid waafaqsan nidaamyada iyo halbeegyadda caalamiga ah ee ilaalinta xogta iyo amniga tiknoolajiga.
Marwalba waxa aannu hormuud u nahay bixinta adeegyo tayo leh oo laysku hallayn karo.
Certi-Trust Facebook: shorturl.at/kDFIX
Certi-Trust Linkedin: shorturl.at/gmOVZ

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here