“Caalamku Ha Kala Doortaan Somaliland oo Shidaal leh Iyo Soomaaliya-da u Dhaqanta Sida Ilmo Qalqaali ah.” Dr. Sacad Cali Shire.

0
405

“Caalamku Ha Kala Doortaan Somaliland oo Shidaal leh Iyo Soomaaliya-da u Dhaqanta Sida Ilmo Qalqaali ah.” Dr. Sacad Cali Shire.

“Qofwalba lacag wuu ka shaqeysan karaa halkan (Somaliland), inkastoo boqolaal dhalinyaro nafahooda ku biimeeyaan halista tahriibka Yurub.” Mr. Cabdirshiid Ducaale, Maareeyaha Dahabshiil.

Warbixin wargeys dalka Jarmalku ka diyaariyey Somaliland.

Hargeysa-(Warsugannews):-“Somaliland ayaa u dabaaldegtay 25-guuradii ka soo wareegtay la-soo-noqoshada madaxbanaanidooda, balse xafladaha dhalaalayey waxay ku dhaafeen murugo, maxaa yeelay, waxay muwaadiniintoodu ku dabaaldegeen keli, “Waa cadaalad-darro,” ayuu ku dooday Dr. Sacad Cali Shire, Wasiirka keliya Arrimaha dibedda caalamka aan adeegsanin khadka degdega ee dublamaasiyiinta maraan madaarada caalamka.” Sidaa waxa lagu sheegay warbixin wargeys ka soo baxa dalka Jarmalku baahiyey shalay.
Warbixintan Wargeyska Frankfurter Rundschau, ka qoray Somaliland, isla markaana weriye Maxamuud Walaaleye oo hawl-wadeenada Wargeyska Dawan turjumay ayaa lagu bilaabay:

Wasiirka Arrimaha Dibeda Somaliland Dr. Sacad ayaa aaminsan diidmada beesha caalamka ee aqoonsiga Somaliland inay ku salaysan tahay faham khaldan. “Baddi waxay u haystaan in Somaliland iyo Soomaaliya ahaan jireen wadan keliya,” ayuu sheegay Shire. “Laakiin, khalad ka weyni ma jiro.

“Waxaan leenahay calan gooni ah, lacag iyo xukuumad, inkastoo aanan ahayn dal aqoonsi haysta, Somaliland waa xaqiiq aan la dafiri karin.” Ayuu sheegay Wasiirka arrimaha Dibedda Dr. Shire, oo dhaqaale-yahan aan rooga cas loo dhigin markuu u socdaalo Washingtn, London ama Berlin.

Somaliland oo u muuqda dal dhaqaalahiisu kobcayo ayaa xaruntiisa Hargeysa Mr. Cabdirashiid Ducaale, maareeyaha guud ee shirkada Dahabshiil, oo xawaalad daafaha caalamka ka hawlgasha, adeegyo isgaadhiisneed iyo nidaam lacagaha lagu bixiyo telefoonada ka shaqeysa ayaa sheegay, “Qofwalba lacag wuu ka shaqeysan karaa halkan (Somaliland), inkastoo boqolaal dhalinyaro nafahooda ku biimeeyaan halista tahriibka Yurub.”

Si ka duwan wadamada Afrikaanka, shacabka Somaliland kuma dhiirigeliyaan caruurtooda tahriibka, balse, waxay sameeyaan talaabo kastoo ay kaga maanici karaan. Waalidiin badan ayaa bilaabay inay caruurtooda u iibiyaan gawaadhi yaryar, si ay nolol-maalmeedkooda uga helaan, gawaadhidaa oo lagu naanayso “Hooyo ha Tahriibin.”

Hadii Somaliland aqoonsi hesho, taasi waxay sahli doonta in maalgashi caalami helitaankiisu fududaato, ayuu aaminsan yahay Wasiir Dr. Shire. Magaalada Berbera ayaan sugayn helitaanka aqoonsi caalami ah, dhowaana shirkada Dubai World shaacisay inay balaadhinta dekeda Berbera ku maalgeliso $ 400 million.

Dublamaasiyiin caalamka ayaa ku cadaadinayey sannado in Somaliland iyo Soomaaliya xal wada gaadhaan, laakiin arrintaas wuu ku gacansaydhay Wasiir Dr. Sacad, waxaanu yidhi, “Ma jirto kalsooni dambe oon ku qabayno Soomaaliya,” Fursada u banaan beesha caalamku waa inay aqbasho aqoonsiga Somaliland, “Caalamku Ha Kala Doortaan Somaliland oo Shidaal leh Iyo Soomaaliya-da u Dhaqanta Sida Ilmo Qalqaali ah.” Dr. Sacad Cali Shire.

Source Wargeyska Dawan