Cabdi Good Iyo Maxamed Baashe Waxan Leeyahay Soo Baydha Waad Ambateene, Mana Aha Horumarku Bidaartiina Ee Waa Midho Dhal Iyo Hirgeline Dalku Higsadaye

0
455

Cabdi Good Iyo Maxamed Baashe Waxan Leeyahay Soo Baydha Waad Ambateene, Mana Aha Horumarku Bidaartiina Ee Waa Midho Dhal Iyo Hirgeline Dalku Higsadaye

Waxan baraha bulshada ku arkaayey labada suxufi ee Cabdi good Abees iyo Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ka tirsan warbaahinta madaxa banaan ee Televisions ka loo yaqaano ama muuq baahiyeyaasha Star Tv iyo Waabari Tv, balse labadan suxufi waxay hilmaameen oo ay ka gudbeen mihnada saxafinimo ee ay ugu adeegayeen bulshada Somaliland. Waxaanay lumiyeen kalsoonida shacabka ay adeegayaasha u yihiin iyagoo noqday siyaasiyiin si badheedha u aflagaadeeyey qaar ka mid ah mudantii ay u adeegayeen una soo gudbinayeen rayiga shacbiga ay u metelaan suxufiyiin madax banaan balse taasi waxay noqotay mid aanay aqoonteeda lahayn oo waxay u baydheen dhinaca.

Hadaba waxan odhan lahaa labadaa suxufi shacbiga ka raaligeliya qaladkaad ka gasheen, ama siyaasiyiin noqda oo shaqada suxufinimo u baneeya dadkuu ku haboonaa ee siday tahay u gudan jiray. Idinkuna malaa waad qasbayseene ku noqda heeshihii iyo buugti aad qori jireen. Waayo waxa muuqatay in aad tihiin kuwo aan fahmin mihnada saxafinimo, markii horena waxad ka soo boodeen 1. Maxamed Baashe oo ahaa qoraa lagu yiqiinay buugaagta sheekooyinka ah iyo 2. Cabdi Good oo warbaahinta ku soo galay daba galka Muuqaalada heesaha ay dhalinyaradu qaato.

Sidaas oo ay tahay markii hore ayaad ka baydheen wixii aad aqoonta u lahaydeene dib ugu noqda ayaan idin odhan lahaa tan aad hada gacanta kula jirtaana waa mid u baahan daacadnimo iyo waayeelnimo ay maskaxi ku dheehan tahaye, shalay ayey ahayd wixii ugu danbeeyey eed qaladka ku gashen idinka oo xidhan shaadhka suxufi nimo maxaayeelay waxad baraha bulshada soo dhigteen madaxyadiina oo xiiran markaasad ku aflagaadayseen masuul qaranka ka mid ah oo shacbigiisa ugu adeegay dedaal iyo karti taasi oo beesha caalamka iyo Somalilandba meel uga soo wada jeesatay hirgelintiisa iyo dhiirigelintiisa.

Midna waan idin kula talin lahaa ee dalka aad joogtaan waxa la yidhaahdaa Somaliland idinkuna waxad ka soo hayaanteen dalak Ingiriiska oo aad ka ahaydeen ma shaqaystayaal isku ilaaway qurbaha hadii aad maanta timaadeen dalkii aad ka yaacdeen oo horumar gaadhay dee adeerayaal shacbiga hadaanu nahay ha naga ciidaynina inta yare e horumar ah ee ay dawladaa silaanyo ku hoggaamisay shacbigeeda, hadii kale iskaga noqda qurbihiini hadaad dheef ka dayeysaan shacbigan 25ka Sano dusha ku sitay cadeeda iyo waayahooda dhaqaale.

Waan ka baxay waanad mahadsan yihiin waxanan rajaynayaa inaad wax ku qaadan doontaan aragtidayda kooban een idin ku hogo tusaaleeyey.

W/Q: Ugaas Muuse
ugaasyare2000@gmail.com