Maxay Dawlada Imaaradku Ku Doorteen Somaliland

0
454

Maxay Dawlada Imaaradku Ku Doorteen Somaliland

Wariyayaasha idaacada BBC-da u qaabilsan waxdeeda la socodka amniga ee qaarada afrika ayaa warbixin ka diyaariyay heshiiskii dawladaha jamhuuriyada Somaliland iyo dalka isutaga imaradka carabta ku dhex maray fadhiisnika saldhiga milateri ee magaalo xeebeeda berbera ay somaliland ka siisay imaaradka,kaas oo kadib markii Madaxwayanaha Jamhuuriyada somaliland uu 12 bishan labada gole ee guurtida iyo wakiillada somaliland fadhi wada jira uu isugu yeedhay ay ku ansixiyeen kuna ogolaadeen cod aqlabiyad ah in Saldhigaasi dalka imaaradka berebera ay ka siiyaan.

Warbixinta ay diyaariyeeen suxufiyiintani la socodka arrimaha amaanka ee Afrika waxa uu ciwaan uga dhigeen faaladooda (Maxay Dawlada Imaaradku Ku doorateen Somaliland)?. waxa uu ku lafa guray dhawr qodob oo ay kaid tahay sababaha iyo waxa ku kalifay waxaana ay faaladu u dhignayd.

“Geeska Afrika waa meel muhiim u ah qaramada mandiqada Gacanka Cadmeed sababtoo ah waxa jira xaalad ka aloosan iyo hawlgalada ka socda dalka yemen iyo inay mustaqbalka difaacaan Imaaradka maraakiibtoodu iyi danaha kale ee ay ka leeyihiin bada cas iyo gacanka Cadmeed.

Dalka Jabuuti waxa uu ahaa dalka xudunta ganacsi ay u ahayd fadhiisimada dalalka Shisheeye laakiin hada waxa ay waajihi doontaa dalka ay jaarka yihiin ee Somaliland waxaana tan dhinac socda in imaaradku si fudud saldhig uga helay somaliland ,tusaale ahaan hadii imaaradku saldhig ka samaysan lahaa Eriteria waxa ay qaramada midoobe dalkaasi saaratay cunaqabatayn dhanka hubka ah taas oo carqald ku keeni lahayd imaaradka.

Faa’idooyinka ay Somaliland u leedahay Saldhigaasi waxa ka mida in dalka imaaradku Somaliland u keeni doono tababarada ,qalabaynata iyo kor u qaadida tayada iyo cududa ciidamada somaliland taas oo ah baahi ay aad u qabatay somaliland ,dhanka kale somaliland waxa ay ka faa’idi doontaa dhanaka amaanka oo ay heli doonto dal saaxiib la ah oo dunida laga aqoonsan yahay oo isaga dhiga qatar kasta oo amni.

Kaliya Somaliland kama faa’idi doonto imaaradka lacagta ay ku kiraynayaan balse waxa ay ka faa’idi doontaa in mashaarciidaasi ay usoo jiido maaligashi caalami ah oo somaliland lagu sameeyo iyo fursado dhaqaale horumar dhaqaale oo fara badan ,si gaarana waxa ay Somaliland uga faa’idaysan doontaa dalalka bilaa bada ah ee Geeska afrika sida Itoobiya.
Dhanka kale ayaa ah in dalka imaaradku muhiimada koowaad ee uu ka leeyahay saldhiga Berbera ay tahay inuu hor istaago oo kaliya saanada malteri ee Xuutiyiinta usoo mara dhinaca badda, maadaama aanay Somaliland ahayn dal la aqoonsan yahay waa in Madaxda somaliland iyo ta immardku iska ilaaliyaan wax kasta oo khilaaf ku keeni kara .

Ugu danbayn Somaliland waxa ay tartan adag oo baaxaa dagaya kula jirtaa jamhuuriyada jabuuti iydoo indhaha caalamkuna hada ay hayaan Jamhuuriyada Somaliland “ayuu warbixintiisii kusoo afmeeray weriye Tomi Oladipo oo madaxka ah Weriyayaasha BBC-da u qaalbilasan arrimaha amniga ee Afrika.