Cadaaladii iyo Nidaamkii garsoorkii Somaliland Ma Aabahay ayuu Raacay !!!!

0
382

Aniga oo ah Marwo Khadra Ibraahim Faarax, ugu horreyn waxaan dhammaan ummadda muslimiinta ah ee Somaliland ku salaamayaa salaanta Islaamka (SCWM), salaan kadib waxa aan jacleystay in ummadda Somaliland u soo bandhigo arrin yaab igu noqotay, taas oo ku saabsan dhul aan dhaxal u helay oo ku yaala magaalada Hargeysa, gaar ahaan xaafadda Dalloodho, ayaa waxa dhacday in taariikhdu markay ahayd 01/12/2013 ay Guddiga Dacwadaha Dhulka ee Gobolka Maroodi-jeex soo saareen go’aan sharci-darro ah, kaasoo ay sheegeen in Farxaan Sheekh Xasan Cabdalle loo xukumey hal balloodh oo dhul ah oo aan anigu lahaa, halka hal balloodh oo kalena loo xukumey Maryan Xasan Bookh.

Haddaba, waxa aan la yaabay arrimahan sida ay sharciga dalka u waafaqsan yihiin ee masuuliyiintii waddanku go’aano sharciga xad-gudub ku ah ka soo saaraan dhulkayga aan anigu dhaxalka u lahaa sababahan hoos ku qoran awgeed:

Anigu waxa aan ku nool ahay dalka dibeddiisa, kolkaa marna fursad uma helin in aan si fiican u ogaado horta dadkan igu haysta dhulkayga iyo qaabka ay ugu doodayaan, sidoo kalena marna Guddiga Dhulku wax war ah kama helin, ila mana soo xidhiidhin, waxna la igama ogeysiin xukunka ay gaadheen Guddiga Garsoorka Dhulku.

Waxa wax lala yaabo ah in waraaqo sharci oo aanan fahansaneyn saxnimadooda loo sameysto dhulkayga, kadib markii ay ogaadeen inan qurbo-joog ahay oo aan aad uga fogahay dhulkayga iyo waddankii, ayaa dadkan iyo Dawladda Hoose ku heshiiyaan qaadashada dhulkayga iyo sharci u sameysasho aan sharci ahayn.

Haddaba, sida aan qabo waxa la igu sameeyey dulmi weyn oo aan Diinta Islaamka iyo sharciga aadamiga midna aan loo cuskan, waayo sidee loogu xukumi karaa dad dhul aan dhaxley oo aan ka dhaxley beertii Aabbahay Marxuum Ibraahim Faarax oo loo yaqaaney Allaah ha u naxariistee (Ina Caday Mawaayaan).

Waa la yaabe, ma Aabbahay baa dhalay oo dhaxal ahaan bay u heleen, waxa wax laga xishoodo ah in maanta oo aannu ku jiro qarnigii 21aad oo caalamku horumarey in lagu baayaco dhulkaygii oo la i yidhaahdo lacag ka bixi miyey i qabataa? Halkan waxaan idinku soo gudbinayaa waraaqihii Maxkamadda ka soo baxday iyo documitiyadii kale ee la xidhiidhey.

Haddaba, bahda garsoorka,caddaaladda iyo guddiga dacwadaha ee Gobolka Maroodi-jeex waxaan ugu baaqayaa inay qaadaan tallaabadii caddaaladda ee Aabbahay ku-caan baxay oo ahaa Garsoor xaqa oo ka madhan dulmi, maanta ma wax la aqbili karaa reer Somaliland-now in ubadkiisii si caddaaladda, islaamnimada iyo dadnimada ka baxsan loo dulmiyo oo dhulkii yaraa ee ka hadhay beertiisii dad aan meel ay u soo mareen la gareneyn sharciyo loogu sameeyo dadkan oo iyaguba qiraya in aanay lahayn, balse Dawladda Hoose ee Hargeysa yaa na siisay bay ku doodda yaan?

Markaa waxaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ka codsanayaa inay soo faro galiyaan arrintan lagu dhacay dhulkii uu Aabbahay ka dhintay marxuun Gumiye Ina Caday Mawaayaan. Taariikhdii Aabbahay iyo difaacii uu caddaaladda u hiilin jiray oo aad ka heli kartaan baraha bulshada sida:  iyo  haddaba, waxaan leeyahay Caddaaladdii iyo Garsoorkii Somaliland ma Aabbahay ayey Raaceen

Sawirkani waa gabadha cabanaysaa  abaheedi iska lahaa beerta haxalka ah Garsoore Cadaym,awaayaan