BARNAAMIJKA GUULAYSTAYAAL GEEDDIGA WADAAY QEYBTIISA 4-AAD

0
679

BARNAAMIJKA GUULAYSTAYAAL GEEDDIGA WADAAY QEYBTIISA 4-AAD

DURUUSTA MAAMUL-WANAAGGA KU-TOOSNAANTEEDA W/Q Rashiid Sulub Caalin

Inagoo isbuucii hore bilownay 100-ka qodob ee maamul-wanaagga u baahnaa. Kuwaasoo aan Waxba inagu kacayn, maadaama aynu haysano tansiilaadkii inoo fududayn lahaa laakiin la dayacay. Waxaana aynu qormaddii koowaad ku soo qaadanay xoolaha nool ee magaalooyinka lagu dhaqo oo dowladdaha hoose ee Somaliland ay gabeen inay wax ka qabtaan, iyagoo haystay dhammaan tansiilaadkeeda loo baahnaa imikana ay haystaan, inagoo iska wada garanayna sababaha keenay taag-darrada intaa le’eg ee maamul-xumadda ka timi, iyagoo mar walba been ku maaweelinaya shacabka. Haddaba Waxaynu maanta soo qaadanaynaa qormadeenan qodobkii 2-aad oo ah gaadiidka dadweynaha ee basaska magaalooyinka.

Waxaynu wada ognahay dhibaatada ugu badan ee keenta shilal badan iyo dhaawac badan iyo anshax-xumidda ay ku kacaan basaska dadweyanaha ee magaalooyinka Somaliland gaar ahaan caasimadda oo ay ka mid yihiin:

1. Inay meesha ay doonaan istaagaan, oo loogu taag waayey goobo cayiman oo ay dadka ku dajiyaan amma ay ka qaadaan.

2. Inaanay istaagin meel waddada ka baxsan marka ay qof dhigayaan amma ay qof qaadayaan, oo ay iska istaagaan waddada badhtankeeda, oo ay xanibaan gaadiidka la isticmaalaya waddada.

3. In aanay gaadhiga dayac tirin, oo badankooda qiiq badan ka soo baxayo oo ay ku tusayso inaan laga shaqayn baabuurka, taasina ay halis ku tahay shacbiga fuulaya iyo dadka waddada maraya oo uu waxyeelo caafimaad u soo jiidayaan qiiqa gaadiidka basasku ay tuurayaan.

4. In aanay isticmaalin amma ku dhaqmin dhammaan xeerarka iyo anshaxa wadda-marisata baabuurta.

5. Inay u badan yihiin darawaliinta wadda basasku da’yar aqkhlaaqdoodu aanay wanaagsanayn, oo ay aflagaado kuugu darayaan khaladka ay ku jiraan marka ay waddada marayaan, waxaanay kuwa ka mid ahi ka dhaga adaygeen inay bartaan amma ku dhaqmaan anshaxa waddo-marista gaadiidka.

6. Inay sababaan shilalka ugu badan baslayaashu, oo aad arkayso basas arday sidda oo ku baratamaya waddada oo badanaa waddada xidha, iyagoo aan wax masuuliyad iska saarin shacbiga amma ardayda ay sidaan.

7. Goobaha istaanka istaannada ay istaagaan oo aanay u istaagin si nidaamsan, iyagoo iska soo buuxiya goobahaasi, halkii ay ahayd in kolba baska fursadda u lihi uu yimaaddo istaanka.

8. Gaadiidka basaska iyo kuwa badan oo kuwa gaarka loo leeyahayba inay si fudud oo baal-marsan sharciga liisan-bixinta ay ku helaan liisamadda.

9. In aanay isku dhibin sharciyadda ay baas gareeyaan golayaashu qaranku oo ay iska baal baraan baslayaashu, isla markaana aan lagu xakamayn.

10. Dhammaan daneeyayaasha gaadiidka (stakeholders) oo ay ka mid yihiin Dowladda Hoose, taraafikadda iyo iskaashatada, oo ku guuldaraystay inay ku hagaan nidaamkii jiri jiray ee lagu maamuli jiray A, B iyo C oo marba ay qeybi bixi lahayd. Waxaanad arkaysaa inay dhammaan habkii lagu hagaajin lahaa ay indhaha ka qabsadeen.

11. Inay albaabka ka xidheen meherado badan oo ay hor istaagaan si bilaa nidaama, taas oo sababta inay meheradahaasi kacaan.

12. Inay jiraan basas todobaatan sanno soconayey oo khatar ku ah dadweynaha raacaya iyo kuwa waddada maraya, oo aanay waxba ka qaban daneeyeyaasha gaadiisku (stakeholders).

13. Inay iska dhigaan basaska meesha ay doonaan amma ay gaadiid parking taagan ay daba dhigaan oo ay iskaga qayilaad tagaan.

14. Inay muddo badan iska taagnaadaan kolba meel oo rakaabku ku caajiso dantiisana ku seego.

15. In badanka darawaliinta basaska lagu salliday deg-deg, oo ay badanaa isku dayaan inay dhaafaan gaadiidka waddada la isticmaalaya goor aanay haboonayn.

16. Iyagoo darawaliinta basaska qaar badan oo ka mid ahi ay had iyo iyo goor qaad iyo sigaar uun afka ku hayaan.

17. In aanay darawaliinta basasku badanaa aanay dheg jalaq u siinin ciidanka ilaalinta nabadgalyada waddooyinka, oo ay waliba sumeeyaan askariga oo ay siiyaan qaddar yar oo lacag ah. Taasina ay keenayso in habkii waddo marista oo dhami isla wadda dumo.

18. Waxa kale oo intaa raacda dadweynaha oo qaar badan oo ka mid ahi aanay ilaalin anshaxa inta ay fuushan yihiin gaadiidka dadweynaha, iyadoo sida runta ah ay baslayaashu la saayiraan bulshada raacaysa oo ay qiimo jaban ku raacaan, iyagoo aan ku deg-degin inay ku kiciyaan dadweynaha qiimaha.

Dhammaan qodobada aynu kor ku xusnay ee ku saabsan anshaxa waddo-marista basaska dadweynaha iyo sida aanay u helin gacan ku hagta maamul-wanaag sax ah waxay hoos imanayaan hagrasho weyn oo ka jirta Dowladaha Hoose, ciidanka nabadgalyada waddooyinka, iskaashatada basaska iyo dadweynaha raaca gaadiidka basaska ee magaalooyinka Somaliland ha ku kala darnaadeena siiba caasimadda oo u baahnayd wax ka qabad weyn. Waxaanay ku soo ururaysaa oo ay u fulin waayeen maamul-wanaag aan waxba ku kacayn qabyaaladdii iyo danaysigii shaqsiga ahaa oo saldhig u noqday, waddaniyad aan jirin iyo hab ku dhisan maxaad cuntaa maanta oo aan barri iyo mustaqbalka la eegayn.

Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa hagrashada, cudur-daarrada iyo isku qancinta waxqabad la’aanta ee qayrkeen inaga reebay in laga baaqsan waayey waa nasiib darro weyn oo inagu dhacday. Waxaana aynu ka fekeri waynay jiilasha jooga iyo kuwa soo socda ee aan waxba looga tagayn.

Qalinkii: Rashiid Sulub Caalin Email:sulub2007@yahoo.com Tel:0634426781Inline image 1