Cali-Gobanimo oo tahli kari waayay madal dhalinayarada aqoonyahanka ah ee beesha uu ka soo jeeda ku casuuntay+ceebaha dul hoganaya

0
588

Cali-Gobanimo oo tahli kari waayay madal dhalinayarada aqoonyahanka ah ee beesha uu ka soo jeeda ku casuuntay+ceebaha dul hoganaya

Cali aw Xassan oo ku magac dheer cali-gobanimo ayaan ka soo xaadirin kulan ay dhalinyarada aqoonyahanka ay isku beesha yihiin ugu yeedhay xubnaha golaha dhaxe ee xisbul xaakimka kulmiye .

Kulankan oo ka dhacay 16-10-205 Hotel SABA ee magaalada Haragaysa habeenimadii.

Cali-Gobanimo waxa uu dhalinyarada u balan qaday inuu kulankaa imanayo wixii su’aalo ay qabaana ugu jawaabi doono lakiin may dhicin oo cali wuu ka gaws adaygay in uu kulankaa ka soo qab galo, taasi waxay ay ku tusaysa samaayanata aanu ku lahay deegaanka uu ka soo jeedo iyo kalsooni daro uu ku qabo naftiisa .

Intaas waxa dheerayad xanshaashaqa dhalinta ay dhagta iyo afka isa sarsaarayeen kii Cali ma imanaya tallow?
Humaanta iyo ciilka ay u qabaan bay ku tusaysay taasi waayo cali-gobanimo lama mahadin in la hiifo iyo in la haaramo mooyaane
Xubnihii kulankaa ka soo qayb galay ee ugu jiray golaha dhexe iyo dhaliyaraad aqoonyahankuba waxay halka ku soo hadal qaadeen sababha uu u iman waayay
Waxaan kamid ahaa
1. Kala jabinta iyo qaybinta dadka walaalo ah eek u dhaqan gobalka Gabilay gaar ahaa deegaanada hoos yimaada dagmada Allaybaday.
2. In cali gobanimo yahay shakhsi aan isugu go’aan uu leeyahy ku socon ee uu yahay Awr kiraaale Maxamed Aw Siciid Ku Adeegto
3. In uu wadada Allayabaday iyo Arabsiyo isku xidhayso toos uga soo horjeedsaday diidayna in uu wax qaadhan ah ku bixiyo.
4. Inuu cadaystay si badheedh ahna u sheegay in uuna ka qayb qaadanayan hawlaha horumarinta ee ka socda Dagmada Allaybaday iyo deegaanada hoos yimaada sida waxbarshada oo dugsigii sare ee Allayabaday Xidhanyahay .

5. Sided sano(8sano) oo uu haa xibigii UDUB sidoo kalana ahaa gacanta midi gee Madaxwaynihii hore ee Daahir Rayaale in uuna waxba u qaban deegaanka uu ka soo jeedo haba yaraatee.

Waxa xusid mudan in uu ku guntaday siyaasi Muxumed Aw Cabdi Ismaaciil bayaan ay dhalinyaradu la wadaagaysay saxaafada kana aqbaleen in bayaanka dib loo dhigo lagana dhur sugo kulan danbe oo laagu yeedhi doono insha Allah isaga iyo wasiir ka wasaarada Beeraha oo isaguna cudur daar aan sabab lahayn uga cudur daartay imaanshaha madal taa bilnayd.
Wasiir Maxamed Aw Daahir isagu hore ayuu uga dhintay beeshiisa oo waxa uu noqday dubaha wiil(Maxamed Aw Siciid) lacaga xaaranta ah ee sigaarka ka soo gashaa kaga iibsady sharaftiisa iyo nasabadiisa.

Waa wasiirka khaliya ee intii uu xilka hayay aan wali tagin Dagmada Allaybaday uu ka soo jeedo oo hadda ka taagan yihiin duruufo abaareed iskuulkii sare oo xidhan
Muxumed Aw Cabdi ayaa isagu miciin biday madashaa calaancal iyo catow uu ka cabanayo wasiirkii hore ee maaliyada C.casis Samaale taas oo dhalinyaradii su’aalaha la boodtay markii uu calaancalka ka bixi waayay iyagu dib is kula khajileen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here