Waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland

0
470

Waxqabadka Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL & Doorka
Wasiir Maxamed Biixi Yoonis

Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo kaashanaya waaya aragnimada dheer iyo khibradiisa diblomaasiyadeed wuxu horumariyay doorka Wasaaradda Arrimaha Dibadda JSL ee gudashada waajibaadka ay qaranka u xilsaarantahay iyo xidhiidhka dibadda guud ahaan taniyo markii uu Madaxweynaha JSL xilkaas u magacaabay 25kii June 2013.

Wasiirku isagoo kaashanaya khibraddiisa iyo waaya aragnimada uu ka dhaxlay shaqooyinkuu hore uga soo qabtay Qaramada Midoobay, wadamada iyo hay’adaha caalamiga ah ee dhinaca xidhiidhka caalamiga ah, wuxu suurtageliyay inuu xoojiyo xidhiidhadii jiray, abuurana/unko xidhiidho cusub oo faaiido u leh dalka dhinaca siyaasadda, nabadgelyada, dhaqaalaha iyo iskaashiga guud iyo inuu gaadhsiiyo meeqaamka Somaliland meel heer caalami ah si loo gaadho aqoonsi iyo ictiraaf buuxa.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis wuxu ugu horayn bilaabay inuu ku sameeyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda dib u habayn dhamaystiran (Functional Review and Complete Reform) oo xagga shaqaalaha, adeeegga maamulka, siyaasadda, isgaadhsiinta iyo nidaamka guud ee shaqada Wasaaradda oo xarunta iyo Wakiilladaba. Wasiirku wuxu horumariyay adeegyada Wasaaraddu qabato ee xagga socdaalka, tasdiiqaynta iwm, waxanu waxka bedel iyo dib u habayn ku sameeyay qaab dhismeedka Wasaaradda si loo tayeeyo heerka hawlaheeda shaqo taasoo ay qayb ka ahayd in Wasaaraddu qaadatay shaqaale aqoon sare iyo waaya aragnimo u leh xirfado kala duwan kuwaasoo La-taliyayaal uga ah Wasaaradda dhinacyada sharciga, siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, iskaashiga iyo isgaadhsiinta. Waxa xusid mudan in Wasiirku dhiirrigeliyay in shaqaale badan oo Xarunta joogaa helaan tababaro aqoon korodhsi iyo waxbarasho, waxana ka mid ah saraakiil ku qaatay tababar la xidhiidha xirfadda diblomaasiyadda dalka Turkey-ga sannadkan. Wasiirku wuxu sannadkii 1aad ee xilkiisa bilaabay inuu xog ururin iyo qiimayn buuxda ku sameeyo dhammaan Xafiisyada Dibadda iyo Hawlqabadka Wakiillada Somaliland, waxanu dardargeliyay hannaanka wada shaqayneed ee Xarunta iyo Wasaaradda iyo qaabka ay u shaqeeyaan Danjirayaashu iyadoo sidoo kale ay Wasaaraddu u samaysay Wakiillada habraac shaqo ka caawiya qeexidda waajibaadkooda shaqo iyo wada shaqayntooda Wasaaradda.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis wuxu sannadkii 1aad iyo illaa sannadkii 2aad ee xilkiisa awoodda saaray in Wasaaraddu samayso qabyo qoraalka Hagaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo Istaraatiijiyadda Ictiraaf Raadinta oo u noqda Somaliland raad la raaco iyo siyaasad dhaxalgal ah. Waxanu sidaa taariikhda ku galayaa Wasiirkii 1aad ee soo mara Wasaaradda ee ka hawlgala dejinta iyo samaynta Siyaasadda Arrimaha Dibadda Qaranka iyo Istaraatiijiyadda Ictiraaf Raadinta JSL (Foreign Policy/Public Diplomacy Strategies & Recognition Seeking Strategies).

Doorka Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ee hoggaaminta Wasaaradda Arrimaha Dibaddu wuxu kor u qaaday xidhiidhka caalamiga ah iyo iskaashiga Somaliland ee wadamada dibadda.

Bishii June 2015, Wasiirku wuxu ka qaybgalay Shirkii 25aad ee Dhaqaalaha Adduunka ee Afrika oo ka dhacay Cape Town, South Africa oo isagoo metelaya Jamhuuriyadda Somaliland uu ku soo bandhigay qadiyadda Somaliland madal ay isugu yimaadeen hoggaamiyayaasha wadamo badani oo uu ku jiray Madaxweynaha Koonfur Afrika Jacob Zuma iyo masuuliyiin kale oo ka socday dalkaas, sidoo kale madaxda sharaaig waaweyn iyo maalgashadayaal caalami ah. Wasiirku wuxu uga faaiidaystay munaasibadaas inuu kaga hadlo caqabadaha badan ee ka jiira Somaliland ay ka midtahay ama ugu horrayso heerka sarreeya ee shaqo la’aanta ee aad u sameeyay dhalinyarada, dabaqadaha nolosha bulshada ee kala fogaanaya iyo siyaabaha kala duwan ee wax looga qaban karo iyadoo loo marayo horumarinta xagga shuruucda iyo dhiirrigelinta maalgashiga dibadda. Wasiirku wuxu si faahfaahsan ugu jeediyay madaxdii shirka isugu timi waxa u qabsoomay Somaliland dhinaca horumarka ay ka midtahay nabadgelyada iyo xasiloonida iyo sidoo kale khayraadka dihin iyo fursadaha maalgashi ee ay ka faaiidaysan karaan maalgashadayaasha cusubi. Ka qaybgalka Wasiirka ee Shirkaasi wuxu ahmiyad weyn u yeeshay xidhiidhka Somaliland iyo dalka South Africa ee xagga saaxiibtinimada iyo iskaashiga xagga dhaqaalaha ee labada wadan wadaagi karaan. Wasiirku wuxu madal noocan ah kaga qaybgalay dalka Nigeria sannadkii 2014 shirkaasoo uu hoggaamiyayaasha Afrika u gudbiyay dhambaal garnaqsi ah oo uu kaga hadlayo xaqiiqada qadiyadda madaxbanaanida JSL iyo sida Ururka Afrika u hagraday inay aqoonsadaan.

Wasiir Maxamed Yoonis wuxu ka shaqeeyay abaabulkii iyo isku dubba-ridkii Shirkii Maalgashiga Caalamiga ah ee Somaliland iyo Dawladda Ingiriisku iska kaashadeen ee lagu qabtay London 14-kii October 2014 oo ahaa shirkii 1aad ee noociisa ah ee dawladda Ingiriisku martigeliso, una qabato Somaliland kaasoo u ahaa Somaliland fursad qaali ah oo looga faaiidaystay in si heer caalami ah loo soo bandhigo khayraadka iyo fursadaha maalgashi iyo xaqiiqada dhabta ah ee ka jirta Somaliland.

Waxa ka mid ah dadaalladii ugu waaweynaa ee xagga ololaha ictiraaf raadinta ee uu horseeday Wasiir Maxamed Biixi Yoonis Shirkii Ictiraaf Raadinta Somaliland ee ka dhacay Xarunta Baarlamaanka Yurub bishii January 2015 oo Wasiirka iyo wefti ay ku weheliyeen Dr. Sacad Cali Shire, Dr. Edna Aden iyo sidoo kale Danjiraha JSL u fadhiya UK, Cali Aden Cawaale oo ay isna weheliyaan qaarka mid ah saaxibadda Somaliland ee Baarlaaanka Yurub iyo Danjiraha Somaliland u jooga Brussels Danjire Dacarl; ku tageen Brussels. Wasiirka iyo weftigiisu waxay la kulmeen xubnaha baarlamaanka Yurub iyo madax ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Belgium iyo warbaahinta waaweyn ee Yurub. Waxanu ahaa fursad muhiim ah oo looga faaiidaystay in lagu soo bandhigo horumarka ka jira Somaliland iyo waxa u qabsoomay 24 sanndood, qadiyadda madaxbannaanida iyo siday ugu qalinto aqoonsi caalami ah.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis wuxu ka qaybgalay Shir Sannadeedkii Baanka Horumarinta Afrika oo ku beegmay sannadguuradii 50aad iyo doorashadii guddoomiyaha cusub ee bangigaas oo bishii May 2015 lagu qabtay magaalada Abidjan ee dalka Ivory Coast. Wasiirku wuxu munaasibadda kula kulmay masuuliyiin sare ay ku jireen hoggaamiyayaal Afrikaan ahi. Waxa kale oo uu Wasiirku ku guulaystay inuu uga soo hooyo Somaliland deeq lacageed malaayiin doolllaar ah oo Baanka Horumarinta Afrika ugu deeqay Somaliland dhinaca mashaariicda biyaha, tamarta iyo kaabayaasha.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis wuxu ka hawlgalay sidii wax looga qaban lahaa saamaynta taban ee qaxoontiga tirada badan ee kaga soo qulqulaya Somaliland dhinaca dalka colaadda sokeeye ku habsatay ee Yemen ku yeelanayaan Somaliland. Arrintan awgeed, wuxu Wasiirku ku tegay safar dalka Switzerland oo uu kula kulmay masuuliyiin sare oo ka tirsan hay’adda Qaxoontiga Adduunka ee UNHCR xarunteeda Geneva, kana wada hadleen dhibaatada iyo culayska Somaliland ka soo fuulaya qaxoontiga badan ee reer Yemen.

Waxa uga suurtagashay Wasiirka inuu halkaa uga soo kasbado Somaliland taageero dhaqaale doora oo ku aadan arrinta qaxoontiga.
Wasiir Maxamed Biixi Biixi Yoonis wuxu aad uga shaqeeyay sii xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee Somaliland iyo wadamada gobolka. Waxa ka mid ah doorka Wasiirka iyo Wasaaraddiisu ka gaysatay xidhiidhka wadamada gobolka imaanshaha weftigii ugu cuslaa ee dawladda aan jaarka nahay ee Ethiopia uga yimaada Somaliland bishii November 2014 oo ay ku jireen Wasiirada Maalliyada & Horumarinta Dhaqaalaha iyo Gaadiidka. Imaanshaha weftigaas iyo safaro kala duwan oo Wasiirku ku tegay dalka aan jaarka iyo saaxiibada nahay ee Ethiopia waxay door weyn ka qaateen xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed iyo iskaashiga guud ee labada dal oo gaar ahaan wakhtigaas lagu beegay heshiiska Iskaashiga Ganacsiga & Kaabayaasha labada wadan kala saxeexdeen.

Hoggaaminta Siyaasadda Kharaajiga ee Wasiirku waxay albaabka u furtay in dalka Somaliland markii u horraysay ka qaybgalo Carwada Ganacsiga Caalamiga ah oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Ethiopia. Wasiirku wuxu kaalin weyn ka ciyaaray wada xaajoodka arrimaha ganacsiga ee Somaliland iyo Ethiopia oo ay qodobada waaweyn ka mid ahaayeen Isticmaalka Ethiopia ee Dekedda Berbera, Dhimista iyo waxka qabashada caqabadaha xagga ganacsiga si loogu fududeeyo in ganacsatada Somaliland u gaadhaan suuqyada Ethiopia iyo qodobka ku saabsan Tamarta laydhka jaban ee Ethiopia oo Somaliland la soo gaadhsiiyo. Waxa kale oo xusid mudan in Wasiir Maxamed Biixi Yoonis ka shaqeeyay in Dawladda Ethiopia u fidiso tiradii ugu badnay ee deeqaha waxbarashada heerka jaamacadeed marka loo eego wakhtiyadii Wasiiradii ka horreeyay joogeen.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis wuxu aad uga shaqeeyay xoojinta xidhiidhka laba geesoodka ah (Bilateral relations) ee Somaliland la leedahay wadamo badan taasoo uu u maray kulamo rasmi ah ama toos ah iyo xidhiidho dadbanba oo Wasiirku la yeeshay masuuliyiint sare oo ka tirsan dawlado ay ka midyihiin Kenya, Ethiopia, Turkey, Egypt, UAE, Norway, Belgium, Ireland, UK, Taiwan.

Waxa ka mid ah doorka waxtarka leh ee Wasiirka Arrimaha Dibaddu ka soo qaatay horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland iyo kor u qaadida wacyiga dunida ee maqalka iyo waxka ogaanshaha meeqaamka, maqaamka, horumarka, nabadgelyada, khayraadka dihin, taariikhda Somaliland, qadiyadda madaxbannaanida iyo xaqiiqada dhabta ah ee Jamhuuriyadda Somaliland si heer caalami ah; inuu siiyay waraysiyo qaarka mid ah laamaha hoggaamiya warbaahinta dunida ee kala duwan sida CNBC Africa, NRK Norway, Sky News, CNN, KTN Kenya, and the Guardian. Waxay ka turjumaysaa tani sida daacadnimada iyo wadaniyaddu ku dheehantahay ee ay uga go’antahay inuu u hagar baxo qaranka JSL ee uu xilka u hayo, aanu nasan ama dareemin daal ee u dadaalo danaha dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland si loo gaadho himilada qaran ee aqoonsi caalami ah iyo ictiraafka Somaliland.

Waxa kale oo ka mid ah waxqabadka in la sheego mudan ee Wasiirku masuulka ka yahay in Wasaaraddu alifto qorshe siyaasadeed oo lagu dhiirrigeliyo kaalinta jaalliyadaha Somaliland ka qaadanayaan dadaalka ictiraaf raadinta dalka iyo sidoo kale in Somaliland kasbato saaxiibbo badan oo ay ku dhex yeelato Xisbiyada iyo Baarlaaanka Yurub kuwaasoo ku biiriya dadka reer Somaliland codkooda si loo helo aqoonsi caalami ah. Wuxu Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo guud ahaan bulshada Somaliland xishmad iyo sharaf weyn u hayaan saaxiibada ay ku leedahay Baarlamaanka Yurub ee xisbiyada Ingiriiska iyo wadamo kaleba.

Waxqabadka hagar la’aanta ah ee Wasiirku muujiyay mudada gaaban ee uu xilkan hayay ayaa ka markhaati kacaya kartida, aqoonta iyo waaya aragnimada uu u leeyahay inuu dalka waxbadan u qabto, ka midha dhaliyo higsiga Somaliland, gaadhsiiyo himilada qaran ee aqoonsi caalami ah.

Waxqabadka iyo horumarka siyaasadda arrimaha dibadda JSL ee ay hoggaaminayso Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL ee doorka uu gadh wadeenka ka yahay Wasiir Maxamed Biixi Yoonis maaha wax la iska indha tiri karo ee waa mid bogaadin ka mudan bulshada Somaliland oo dhan.

Waxay dadka qaar aan xog ogaal u ahayn Wasaaradda iyo Waxqabadka Wasiirku ku dhaleeceeyaan Wasiirka in safaradiisa dibaddu badanyihiin laakiin Wasiir Kharaaji ahaan waajibaadka iyo xilka masuuliyadda loo igmaday ayaa ah inuu ka shaqeeyo sidii loo abuuro/unki lahaa xidhiidho adag oo faaiido u leh danaha dalka iyo dadka Somaliland taasina maaha mid ku imanaysa in la iska fadhiyo xafiiska iyo Hargeysa dhexdeeda (Habar faddhida legdini wax uga fudud).

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis wuxu leeyahay waxbarasho aad u heer sarraysa oo uu ku qaatay jaamacado kala duwan, waxana ka mid ah inuu ku qaatay Cilmiga Maamulka Bulshada (Masters) Jaamacadda Harvard ee dalka Maraykanka iyo Cilmiga Siyaasadda oo uu ku bartay Jaaacadda Miami ee isla dalka Maraykanka (Bacelor’s degree). Sidoo kale, wuxu ka bartay xirfadda Xallinta Khilaafaadka Machadka Xallinta Khilaafaadka ee dalka Canada iyo tababaro macalinimada khuseeya oo uu ku qaatay Kulliyaddii Tababarka Macalimiinta ee Hargeysa iyo Kulliyadda Gohrde ee dalka Germany.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis waa masuul sumcad ku leh dalka, waa shakhsi leh dadnimo wanaagsan oo aan dadka iska waynayn, aqoonyahan diblomaasi ah oo khibraddii uu ka dhaxlay waaya aragnimo dheer iyo wakhti shaqooyin adag oo heer caalami ah maanta ku maalgelinaya dalkiisa oo uga faaiidaynaynaya inta uu noolyahay.

Waa masuul innaga mudan ixtiraam iyo taageeradeenna joogtada ah ee dadaalkiisa ku wajahan waxqabadka dalka maanta iyo ka mustaqbalkaba.
Allaa Mahad Leh

English

PRESS STATEMENT:

Minister of Foreign Affairs, H.E. Mohamed B. Yonis has taken the Foreign Ministry to new heights by promoting Somaliland globally.
Born in 1947, Mohamed Behi Yonis is better known as one of our nation’s great diplomats. His educational background is an inspiring one; he holds a Masters degree in Public Administration from the Kennedy School of Government at Harvard University, a bachelor’s degree in political science from Miami University, a certificate in Conflict Management from the Canadian Institute for Conflict Resolution and a Diploma in Education from Teachers Training College in Hargeisa, and Gohrde College in Germany.

President Silanyo handpicked Mohamed B. Yonis to become Somaliland’s Minister of Foreign Affairs on 25 June 2013, and since then the Ministry’s profile and mandate has expanded domestically and internationally.

There is no denying that Minister Yonis’ former positions have given him a head start in foreign relations; however that should not take away his efforts in forming new and fresh relationships as a Minister to enhance Somaliland’s profile at an international level and strive closer to achieving recognition for the nation.

Since his appointment, Minister Yonis has redeveloped the Ministry’s human resources, infrastructure, policies and procedures, communication, and has established many services to citizens including visas, entry permits and business certificates. He has also sent much time and effort to restructure the Ministry to better equip it to fulfill its mandate, including recruiting experienced Somalilanders who are experts in number of fields, to work as Advisors in Legal, Communication, Political Affairs and International Cooperation fields.

Nevertheless, the Minister’s quest for improvement did not stop there; Somaliland also saw a vast improvement on international relations with other countries. In June 2015, Minister Yonis took part in the 25th World Economic Forum on Africa in Cape Town, South Africa, where he represented Somaliland and presented it’s case to a high-profile crowd of public and private sector leaders, including President Jacob Zuma and other senior officials within the South African Government.
He used this international platform to discuss the many obstacles facing Somaliland today, including low employment rates amongst the youth, inequality and potential avenues to tackle these issues through fairer policies and encouragement of foreign investment. Minister Yonis showcased Somaliland to world leaders, and presented our nation’s achievements including the peace and stability enjoyed here and its economic development potential to new investors.

This marked a momentous moment for Somaliland’s relationship with South Africa both on personal and economical levels.
Other achievements under Minister Yonis’ leadership at the Ministry of Foreign Affairs and International Cooperation include drafting Somaliland’s first Foreign Policy and Recognition Seeking Strategy presented to the Presidency.
Spearheading Somaliland’s first Investment Conference co-hosted by the UK Government held in London 2014, which showcased Somaliland’s investment potential to a large number of European investors.

Leading a high-level delegation comprising Minister of National Planning and Development, Dr. Sa’ad A. Shire, and former Foreign Minister, Dr. Edna Adan, to Brussels for the first Somaliland Recognition Conference at the European Parliament in January 2015. Minister Yonis and the delegation met senior Members of the European Parliament, officials from the Belgian Ministry of Foreign Affairs, and European media outlets to present Somaliland’s achievements and case for international recognition.

The Minister attended the African Development Bank’s Annual Meeting in May 2015, which was celebrating the Bank’s 50th anniversary and hosting the election for the new President of the Bank. This was the first time Somaliland was represented at the African Development Bank. Minister Yonis met a number of high-level officials including Heads of State during his trip to Abidjan, Ivory Coast. He also secured several million dollars worth of funding from the Bank for water projects for Somaliland, with potential support for energy and infrastructure.

In an attempt to address the impact of the large number of refugees traveling to Somaliland to escape the civil war in Yemen, Minister Yonis met senior officials at UNHCR in Geneva, Switzerland to discuss the Yemen refugee crisis and its impact on Somaliland. The first Minister to engage the leadership of UNHCR in Geneva to highlight the difficulties caused by the large influx of refugees, Minister Yonis was able to obtain greater support for Somaliland.

Minister Yonis has been instrumental in strengthening relations between Somaliland and Ethiopia. He orchestrated the first visit by a large Ministerial delegation from Ethiopia, including the Minister of Finance and Economic Development and the Minister of Transport, to Somaliland in November 2014 and the Ministry of Foreign Affairs under his leadership facilitated Somaliland’s participation in the first International Trade Fair held in Addis Ababa. Minister Yonis has been at the forefront of trade negotiations with Ethiopia, including development and use of Berbera Port; reduce trade barriers for Somaliland’s private sector to enter the Ethiopia market; and securing cheaper electricity into Somaliland. On the social sector, the Ministry secured a large number of scholarships to Somaliland students provided by Ethiopia in significantly larger numbers than under previous administrations.

Minister Yonis has strengthened relations with many countries through formal and informal meetings with senior Government officials including Kenya, Ethiopia, Turkey, Egypt, U.A.E, Norway, Belgium, Ireland, U.K. and many more. He has continued to raise Somaliland’s profile and achievements through interviews with leading media outlets including CNBC Africa, NRK Norway, Sky News, CNN, KTN Kenya, and the Guardian. One cannot buy this type of exposure; it’s through hard work and determination and above all belief in his great nation’s potential that drives Minister Yonis to work tirelessly for his people and aim high in presenting Somaliland’s case to the international community.

The Minister’s immense efforts for international recognition should not be overlooked. He is often criticized of travelling frequently but as Foreign Minister his obligations consist of forming strong, noteworthy and sustainable alliances with foreign countries, and this cannot be obtained sitting behind a desk in Hargeisa. However, Minister Yonis’ overall reputation within Somaliland is a respectable one, he is seen as a humble, educated and dedicated man, who’s years of hard work have now been invested in his country. He is worthy of our gratitude and our continuous support in his future endeavors. The number of firsts achieved during his short period as Minister indicate the great potential that Minister Yonis still yields and with his continued efforts, Somaliland’s aspirations for international recognition is much closer to becoming a reality.

Source: Ministry of Foreign Affairs & International Cooperation

warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here