Cali Guray oo Tafaasiil ka bixiyey halka khilaafka ka dhex istaadhmay Faysal & Jamaal salka ku hayo,Qadiyada UCID-na ka dhex oogana Kulmiye ku xidhiidhiyey”

0
311

Cali Guray oo Tafaasiil ka bixiyey halka khilaafka ka dhex istaadhmay Faysal & Jamaal salka ku hayo,Qadiyada UCID-na ka dhex oogana Kulmiye ku xidhiidhiyey”

Hargeysa(Warsugannews)Cali Guray oo Tafaasiil ka bixiyey halka khilaafka ka dhex istaadhmay Faysal & Jamaal salka ku hayo,Qadiyada UCID-na ka dhex oogana Kulmiye ku xidhiidhiyey”

IYAGAYSU KOOL LAB EH ANIGA IGA KAXEE MEESHA

(Gudoomiye Faysal iyo Musharax Jamaal)
gry

Berigii Seben jaahiligii mar ay jirtay colaad dhex tiil laba reer oo walaalo ah oo berigaa kala ahaa Reer Berbera iyo Reer Buloxaar ayaa niman ay xigto ahaayeen arkeen nimanka wada dhashay ee warmaha isu afaysanaya iyo iyaga oo ay colaad ba’ani ka dhexaysay reero kale oo shisheeye ahaa.

Dabeed nin ka mid ahaa ayaa gabyay isaga oo la hadlaya ninkii tumaalka ahaa ee warmaha afaynayay xigtadiisan is colaystayna u sheegaya in waxa dhex yaal aanu jirin balse faaq iyo kibir uuni isu geeyay.

Wuxu yidhi:

ABAAN KAALKA WAYN II AFEE KAARIYUU DILAYE

OO KIRIXNA SOOFAHA U MARI AWR KABAAL QABAYE

KUWAA KIMISTA DOONYAHA KU GURI KOODU HA U YIIL EH

IYAGAYSU KOOL LABE EH ANAGA NAGA KAXEE MEESHA

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Madaxwaynaha Jamaal Cali Xuseen kol hadii ay warbaahinta ka wada hadleen waxan leeyahay aniga ragga aanu siyaasadda isku haynaa UCID maaha kana dhex doon dooni maayo. Anigu ma noqon karo mana noqonayo UCID UCID ISKA CELINAYA ee waxan ogolaanayaa in UCID oo dhami iga wada adkaadaan. Waayo labadayda gacmood uma qaybsami karaan in aan iskaga wada celiyo UCID iyo inta kale ee siyaasadda aanu isku hayno shakhsi ahaan iyo xisbi ahaanba.

Kolay anigu waan filayay muddo sanad ka badana way ii muuqatay in UCID u baahan yahay inu talo ka yeesho hadii PLAN A-gu shaqayn waayo waxa uu xisbi ahaan yeelayo aniga mar walba qabay in loo baahan yahay in laga sii fakaro PLAN B iyo PLAN C. Sida aan u arkayayna PLAN A waxa uu shaqayn karayay marka KULMIYE uu musharaxu madaxwaynaha yahay oo keliya. Hadii Madaxwayuhu aan musharax ahayn sideey wax noqon karaan sidee ayayse samayn ugu yeelan kartaa UCID iyada oo cidda kale ee markaa aan madaxa ku hayay ay ahayd gaar ahaan MAXAMED BIIXI YOONIS AMA MUUSE BIIXI CABDI.

Gaar ahaan Jamaal waxan arkayay ama iiga muuqatay in isaga aanay u kala soocnayn mawqif kiisuna yahay “khaliwali kuu doonaba ha noqdo aniga waa isugu kay mid sina waan ula wada tartamayaa” taas oo loo fahmi karay looma baahna “plan B”

Maanta ayay taagan tahay tii aan sanad ka hor ka sii baqayay in badan kaga hadlay UCID dhexdiisa oo Madaxwayne Silanyo musharax maaha “plan A” wuu ka baxay meesha plan Bna ma jiro. Waana run aan la dafiri karin in ay taasi saamayn teeda ku yeelan karto xaaladda UCID. Sida ay ugu yeelan karto hadda halkan kaga warami maayo lakiin waxan sheegayaa uun in marka uu madaxwaynuhu Musharax yahay iyo marka aanu ahayn ay Istraatajiyadda UCID ee doorashaduna noqonayso laba kala duwan.

Sidaa daraadeed in dhamaadka khilaafka Kulmiye uu noqonayo bilawga khilaafka UCID anigu mar walba waxay ahayd wax aan filayay.

Sidaa daraadeed dagaalka afka ee Faysal iyo Jamaal waa hor dhac wax kelena maaha ee halka uu daaran yahay waa halkaa xalkuna mar walba aniga xagayga wuu jiraa hadii si run ah loo wada tashado wakhtiga ku haboon Soomaaliduna waxay tidhaa” TALO WAA MAR AAD GARAN WAYDO IYO MAR AAD GAADHI WAYDO

Walaahu Calaa Maa

Aquulu Wakiil

Wa bilaahi Tawfiiq

Cali Guray

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here