Mourinho Oo Diiday Inuu Saxaafada La Hadlo Kadib Guuldaradii West Ham

0
384

Mourinho Oo Diiday Inuu Saxaafada La Hadlo Kadib Guuldaradii West Ham

Hargeysa(WARSUGANNEWS)Tababaraha kooxda Chelsea, Jose Mourinho ayaa diiday inuu la hadlo warfidiyeenada kadib markii kaadhka cas lagaga saaray garoonka intii ay socotay kulankii kooxdiisu guuldarada 2-1 ka ah ay kala kulantay West Ham.

Maalintii Jimcihii, Mourinho wuxuu sii sheegay in xidhiidhka isaga iyo saxaafadu uu noqon doono mid aan wanaagsanayn kadib markii muuqaal moobil qarsoodi ah lagaga duubay isagoo ku sugan galbeedka magaalada London, la baahiyey.

“Iga helli maysaan cinwaano wanaagsan iyo kuwo qosol ah toona aniga imika,” ayuu yidhi Mourinho.

Gary Cahill ayaa ahaa qofka kaliya ee Chelsea ka tirsan ee u waramay warbaahinta kadib ciyaarta, waxaanu yidhi: “Naftayda kuma canaananayno wixii dhacay.”
Mourinho

Taageerayaasha Westham Oo Damaashaadaya iyo Mourinho Oo Daba Taagan

Cahill ayaa barbareeyey kadib goolkii Mauro Zarate uu hogaanka ugu dhiibay West Ham, laakiin Andy Carroll gool uu dhamaadkii ciyaarta shabaqa ku ruxay ayaa u horseeday Hammers inay dhibcaha ku qaadato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here