Cali Khaliif Yaanu innagu Noqon Xaabsade oo kale

0
340

Cali Khaliif Yaanu innagu Noqon Xaabsade oo kale

Somaliland sidda dadka iyo Dawladduba Isku Waafaqsan yihiin Madax-bannaanideeda iyo Qaranimadeedu waxa ay ku Jirtaa in la helo Dal leh xuduudo Sugan oo baaxadiisa laga garto oo aan soo Uruureynin.Marnaba Heshiis iyo Wada hadal kooxdani kulama galeyno Saameyn ku yeelanaaya Bedka iyo Dhulka somaliland ay sheegato ee Illaahey dadkeeda ku beeray.Khaatumo iyada oo ah Koox la baacsanaayey oo Arbushaad wadey Dhibtaasina faraha kala baxeysa Somaliland waa in ay La hadlaan,haddiise ay Somaliland isku soo Hor-fadhiisanayaan Meeqaamka Dawladd Goboleed Rasmi ah sida kuwa kale hadda Jira waa inagu Foolxumo.

Odeygani Cali Khaliif Galeydh Wuxuu ku Jirey in Muddo ahba Kharbudaad,Khaatumo Seeg,Kheyr la,aan,Khal-Khal,Kharibaad iyo Khiyaano.Odeygani Magaciisii,Waayo-aragnimadiisii iyo Siyaasinimadiisi Ayuu Dawladdi somalia ee uu hadda ka yimi kaga dhex Muuqan Waayey,Wuxuuna u soo Baxsadey Gudaha somaliland si uu Halkani u kharibo.Wax Alle wax ku Duugani ma Jirto,Haddiiba uu wax hayo oo uu Soomaali mideynteeda iyo arrimaheeda ka fekiraayo Xamar ayuu u fadhiyi lahaa.Odeygani Wareysi uu baxsad ku bixiyo,Eryad iyo guuro gal Habeenimo Ayaa naftii ka saarey,Cabsi,Wareer iyo in lagu Dabo Jiro Ayuu wakhtigiisii ku Dhameystey,Dagaal kicin iyo Abaabul ku Xumeyn ah Ayuu u istaagey,Odeygaasi Wuu Daalan yahay oo wey ka soo Dhacdaye bal aynu eegno.

inta aan Qoraalkani yar Wadeyna Maskaxdeydu waxa ay igu Laheyd Arrimaha bariga Somaliland Waxa ka taagan iyo Taariikhda ku duugan aad baa loog Dheregsan yahaye waxba dadka ha u sii faah-faahin,

waxaan ku soo Af-meerayaa waar Naxariistii somaliland lagu yiqiiney yaaney dhaawicin qadiyada somaliland oo waxa ay ku gor-gortamayaan yaanu noqon wax tanaasul badan oo aan caadi aheyn looga galo.hana lagu wajaho Dawladdnimo iyo Budhcad isa soo dhiibtey oo kale.Waxaanad ogaataan in ayna nimankaasi waxba inoola hadhin ee ay hadda awoodd dareeyeen oo ay ka dhan tahay.

Cali Khaliif Galeydhna Mustaqbalka haddii wada haddalkaasi la leeyahay wuu Furmey wax waara ay ka soo baxaan Illaahey waxa aynnu ka baryeynaa haddii uu magaallooyinka somaliland ku yimaaddo in uu inagu dhex Noolaado Odeygu wuu Daalan yahaye in aanu Sidii Xaabsade oo kale innagu Noqonin.

Abdifataah M.Ahmed

Gambiile10@gmail.com