Maalgurasho Maaha Barkhad Batuunow Waa Maal-Raadin

0
338

Maalgurasho Maaha Barkhad Batuunow Waa Maal-Raadin

Degaandka Dekadu ku Taallo waxba soo Dhaweyn iyo Kicin ha ka raadinin,Dekedda Deegaankiis ayuun bey ku taallaaye waa la wada Leeyahay.In aad Soo Dhaweyso Maal-gelin haddi dekedda loo Helay ayaa adiga horta kula Gudboon inta aanad Dhaliisha iyo Eeda ka hadal.Haddaad soo Dhaweysey Maal-gelinta oo aad Bulshadda arrintaasi U Caddeyso,Maalgurasho inaad Tidhaahdo kuuma Cuntanteen,Laakiin waanad Soo Dhaweynin.

Barkhadow Arrimaha Dekedda berbera Mucaaridku Wuu ka hadley,Shacab badan ayaa ka hadley,Xukumadduna wey ka hadashey,Adigu haddii aad Rabto in aad Keliya Dhageysato Maqalka Mucaarikda iyo Fikradaha qaarkod,Kuwa kalena aad Diiddo maxaan ku Qaban karaa.Barkhadow Mucaaridka heshiiska u coddeeyey ee haddana Diiddanaa Nimankaasi Maqaal ka soo qor.

Dekedda Waxeeduba hadda ayey bilaabmayaa oo soo Jeedimo iyo Hordhacyo ayaa lagu Jirey,wax lacag ah oo Weli malaa Dekedda laga helay ma Jirto,Maal dekedda ka soo baxey oo la gurteyn ma Jirto,Sacad Cali shire xitaa wuxuu Sharaxay 15-kii Million ee xaqul Qallinka ahaa sida laga yeelaayo oo aan weli dalkaba soo gaadhin.Hadalka xukumadda iyo Wasiiraddu miyaaney barkhadow ku gelin oo macno ku sameynin ama aanad rumeynin,Maxaad rumeysaa markaa.

Barkhadow Wax badan heshiiska waxa loo qarinayaa Siyaasadd adiga iyo kuwo la mid ahna laga talo gelin Maayo,Waxaadse is weydiisaa Waar Haddii Heshiiskii Arrimihiisii Barlamaanka lagala hadley oo loo bandhigey oo ay ka dooddeen,oo weliba Kuwo badani ay si cadd u sheegeen waxyabaha Khaldan,Maxaa Barlamaankii Dalka ku dhacey iyaguna Ma maalgurasho Qabaxa ayey Heleen.

Barkhadow haddii Ururrka mucaaridka ah ee aad ka Tirsan tahay uu Dersey amma Khaladaadka Heshiiskani ku Jira ay badda soo dhigeeen maxey haddana kuwii Qeylinaayey u ansxiyeyeen,Maxaa nin mucaarid ah gacanta u taagey oo oggolaadey heshiskaasi,sowkuwii soo Akhriyey,sowkuwii Qeylinaayey.Barkhadow walaal Mucaarad aan Ilko laheyn oo aan waxba qaniini karin ma aragtey,Barkhad Jamac Batuunow haddii ayba dhacdo in Xildhibaanada Lacag iyo Laaluush la siiyey oo ay dheemaal iyo Qabaxdii qaateen miyaaney kuwaasi maalgurasho ku Kicin.Mucaaridka u coddeeyey heshiiskani HAA/YES ee barlammaanka idin Fadhiya Maqaal ka soo Qor.

ugu Danbeyntii Wax kastaba arrinti dekedda berberi wey dhammaatey Mucaarid iyoMuxaafidna waa loo Coddeeyey illahey ha inagu garab galo oo wanaaga arrintaasi ha ina siiyo,Wax dambe loogu noqon Maayo wixii Dhici doonana raba og,Wax kasta oo kalena Dhulka sow inagu ma lihin.Ninkii Dhoof ku yimid baa isaga noqon doona.Xukumaddu Maal-raadin ayey bulshaddeeda u wada ee Maalgurasho Dekedda kuma ah,Xukumaddani haddey ka baxdo meeshana wixi wanaagsan ee ay qabtaan waa Dhaxal Da,yarta u hadhaaya.

Abdifataah M.Ahmed

Gambiile10@gmail.com