Cali Seenyo Ma Muwaadin Somalilander Ahbaa Mise Waa Cadow Kalkaal Ah ?

0
689

Salaam qiimo badan dadka reer somaliland ugu horayn waxaynu ka midaysanahay qaranimadeena waana shayga keliya ee aynu si dhaba uga midaysanahay waayo aragtiyo kale waynu ku kala duwanaan karnaa balse mida aynaan ku kala baydhayn ayaa ah qadiyada qarankeena Somaliand .

Ninba wax waad ka filataa ninka lagu magacaabo Cali Axmed Raabi (Seenyo) loogama fadhiyin cadow ku noqoshada dalkiisa hooyo, shacabka somaliland kamay sugayn inuu soo raaco oo lasoo safto Cadowga Somaliland oo ah Jabuuti iyadu marnaba aan raali ka ahayn horumarka usoo kordha Somaliland kana shaqaysa xumaha Iyo dabinada dhaqaalo curyaaminta somaliland, Cali Seenyo oo sheegta inuu yahay Abwaan marna Wariye ayaa ka tirsan Shaqaalaha Madaxtooyada Jabuuti gaar ahaan Laamaha Sirdoonka dalkaasi ee basaasiinta u ah Keligii Taliye Ismaaciil Cumar Geele oo Shacabkiisa Xaaraanku haysta , shacabka somaliland waa u nasiib xumo in maanta kii lahaa wadani baan ahay oo suugaan baan qaranka ugu hiiliyaa in cadowgu soo dirsado oo jabuuti qoriga usoo dhiibto si uu dalkiisa iyo dadkiisa u carqaladeeyo iftiinka horumarkooda.

24/05/2016 ayey ahayd markii uu cali seenyo soo fadhiistay Tv-ga Hctv islamarkaana uu sheegay inuu hayo nuqul kamida heshiiska Dawladda Somaliland iyo Shirkada Dubai Port World Cali Seenyo wuxuu akhriyey qodobo badan oo dadka reer somaliland saluugeen ka dib markii Jabuuti lacago badan ku siisay cali seenyo inuu khalkhal ku abuuro heshiiskaasi si dadka reer somaliland u kacaan oo ay carqaladi ku timaado heshiiskaasi, balse shacabka ayaa ka gil gishay gefka seenyo kula kacay dadkiisa iyo dalkiisa un sheegay inuu yahay Awr Kiroole lasoo adeegsaday, waxaa cadaatay inuu yahay basaas u shaqeeya jabuuti gaar ahaan laamaha nabad sugida Madaxtooyada jabuuti oo ay makhraati u tahay inuu habeen iyo maalinba taagan yahay jabuuti somaliland uu ka jecelyahay halkaasi, Seenyow shacabku ku ogaa inuu tahay khaain wadan dalkiisa khiyaamaya lacagta jabuuti aad ka qaadatay beriba way dhamaan ina geelana maalintuu dantiisa kaa waayo mooyi siduu kuu gelin shacabkaaga iyo dalkaaga hagar daamo haga shaqaysan dhitada dhaxalkaagu yuu noqon nabsi meel kuu yaal.

W/Q:
Cali Gabiley
Gabiley-SL