Cali Xoor-Xoor Waa Masuul Karti Leh, Waxna Tara.. Agoomaha By Ali Derie

0
388

Cali Xoor-Xoor Waa Masuul Karti Leh, Waxna Tara . Agoomaha By Ali Derie

Aniga oo tix raacaya maqaalkii ku soo baxay hadhwanagnews, jimcihii Oct 16th ee uu ku sexeexna ninka magaciisa la yidhaah Abdi Mustafe, waxaan jeclaan lahaa in aan faalo ka bixiyo maqaalka iyo eedaynta uu u soo jeediyay qoraagu maqaalku Mareyaha Dekeda Berbera, Eng. Ali Xoorxoor.

Runtii, waxaa ka muuqatay qoraalka uu maqaalka ku soo bandhigay in uu si badheedha Cay iyo Aflagaado qaawan uu ugula kufay Mareeyaha, waayo mar qudha laguma xusin maqaalka xaaqiiqoyin iyo tusaalayaal (facts and examples) uu ku kaabo musuqa uu ku eedaynayo maareeyaha Dekeda Berbera. Ninka qoray maqaalka ee sheegtay ‘’Abdi Mustafe’’ waxa kaliye ee uu u cuskaday eedaynta mareeyaha waxay ahayd aflagaado iyo cay qaawan oo aanu gayin maasulkani balse muujinaysa caqliyaraanta iyo aqoon gaabnanta qoraaga maqaalkaa. Waayo waxa jirta maahmaah Ingiriisi ah oo tidhaahda Dadka caqligi gaabani (shallow minded people) waxay marwalba ku hawlan yihiin kana hadlaan aflagaadada iyo cayda dadka kale, halka dadka maskaxdooda dhexdhexaadka tahayna (Average minded people) mar walba ka hadlaan dhacdooyin (Events). Dadka caqliga badanina (Intelligent people) ay ka hadlaan Qorshaha mustaqbal fog iyo sidii looga horu mari lahaa caqabadaha nolasha ku gaddaaman. Hadaba, waxaan leeyahay Abdi waxa uu hadlay caqligiisa oo isgaa is ceebeeyay, hadii uu isleeyahay musulka aad wax ka qortaybaad wax yeeshay. Sidookale, arintani waxay markhaati u tahay in ujeedada maqaalku ahayd mid ceebayn qawana oo uu qoraagu kula kufay Maareyaha Dekeda Berbera, muujinaysana garashada gaaban ee ku salaysan shakhsi weerarka.

Dhanka kale, hadii aan si kooban erayo ugu xuso waxqabadka iyo shakhsiyada Mareeyaha Dekeda Berbera Eng. Ali Omar, waxaa hubaal ah in uu yahay masuul ka fog musuqa iyo boobka hantida umada. Waxa markhaati ma doon ah in uu yahay masuul hogaamin leh oo u jajaban kaalmada iyo wax tarka dadka jilicsan. Waa masuul aan ka shaqaynsan kursiga, balse ugu adeega danyarta iyo dadka maatidda ah. Waa masuul mar walba ku amaanan Shaqada uu u hayo qaranka. Waxaa arintaa markhaati u ah mudada dheer ee uu marreeyaha ka ahaa Dekeda iyo horumarka balaadhan ee uu ka sameeyay Dekeda ee isugu jira dhismaha dekeda cusub (Port Extension) iyo kordhinta /kobcinta joogtadada ah ee qalabka dekedu wax ku rogto (Heavy duty machines) si marsada Berbera ula tartanto Dekada la jaarka ah.

Hadaba, waxaan ka cudur daaranayaa in anan ku soo koobi Karin maqaalkan hufnaanta shaqo iyo guulaha waxqabada ee u ku talabsday Mareeyahu. Waaxan sidookale jeclaan lahaa in aan talo iyo toosin halkan u mariyo saxibka Abdi Mustafe (Qaraaga maqaalka aan tixraacayo). Abdi waxaan u sheegayaa in uu ka waantooba cayda iyo aflagaadada qaawan ee uu masuulkan kula kufay, sidookalena ogaado in qoraalkani muujiyay aqoongaabnanta qoraaga maqaalka maadama oo aanu gabi ahaan ba muujin xaqiiqooyin iyo tusaalayaal (facts and evidences) uu ku qanqiyo akhristaha maqaalkan ceebaynta. Ugu dambayntii, Waxaan ku hambalyaynaya Mareeyaha Dekeda Berbera Ali Xorxoor, hufnanta Shaqada uu u hayo qaranka iyo waxtartka dadka jilicsan ee astaanta u ah masuulkan. Waxaan sidoo kale xaal ka siinayaa Mareeyaha Dekeda Berbera, aflagaadada iyo meel ka dhaca uu kula kufay qoraagu. Guntii iyo gabagabadii, waxaa markhaati ma doon ah, Ali Xoorxoor in aanu ka shaqaysan kursiga, balse uu ugu adeego Danyarta iyo Qaranka Somaliland.

By: Ali Dirie Ahmed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here