Waar Ragga Maanta Oo Aanay Xataa Musharaxiin Noqon Taa Samaynayaa Bal Hadii Alleh Kama Dhigo Eh Ay Madaxwayne Iyo Ku Xigeen Isu Ahaan Lahaayeena Maxay Samayn Lahaayeen?” Cali-guray

0
397

“Waar Ragga Maanta Oo Aanay Xataa Musharaxiin Noqon Taa Samaynayaa Bal Hadii Alleh Kama Dhigo Eh Ay Madaxwayne Iyo Ku Xigeen Isu Ahaan Lahaayeena Maxay Samayn Lahaayeen?” Cali-guray

Xin loo xoog waynaa! Waxan soo maray Hotel Gulaid oo aan kolkii hore is lahaa malaha inan baa lagu bixinayaa oo laba reer oo waawayn ayaa xididnimo cusubi ku dhex maraysaa markaan ka yaabay suudhka iyo waxa tay caynba cayn ah is waydaaranaya. Ilayn nin war la’ baan ahaye Shirkii Xildhibaan Waabeeye lahaa waxanu ku qabanaynaa MAANSOOR ayaa loo diiday xalay oo yaa u diiday Madaxwayne ku xigaanka oo ah ku simaha Madaxwaynaha oo awoodihi madaxwaynaha si qaldan ugu takri falaya iyo Gudoomoyaha Kulmiye oo labadoodu doonaya inay isu noqdaan Madaxwayne iyo ku xigeen Axmed dabadii.

Raga laga xidhay Hotel Maansoor nin maqan wasiiradii xukuumadda kuwii ugu tunka waynaa ma jiro. Waxa ka daran xildhibaanadii Kulmiye kuwo hore iyo kuwo dambeba iyo weliba gudidii fulinta oy hor kacayaan laba xubnood oo hogaanka sare ee Kulmiye ah oo ku xigeenada gudoomiyaha ka mid ah hadana laba xildhibaan ah( Waabeeye iyo Ina Talyanle). Intii aanay isu soo dhamaan hadana meel cagta la dhigaa banaanayn huteelkii ayaan dib uga noqday aniga oo lug ah ilayn markii horeba meel baabuurka aan dhigto waan ka waayaye.

Dhawr nin oon in yar isla taagay waxa iiga baxay sua’aal ah ” WAAR RAGGA MAANTA OO AANAY XATAA MUSHARAXIIN NOQON TAA SAMAYNAYAA BAL HADII ALLEH KAMA DHIGO EH AY MADAXWAYNE IYO KU XIGEEN ISU AHAAN LAHAAYEENA MAXAY SAMAYN LAHAAYEEN?”
Qaraxa Kulmiye waxaynu ka filaynay xisbiga uun eh ha kala reebin xisbi xukuumad iyo xildhibaano hadii shan farood iyo calaacal ku qaado musharaxnimada jagada Madaxwaynaha isaga oo xambaarsan Aw Zaylicina.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh hadii tirada saxa ah uu Gudoomiyuhu isku hubo cidna inu u joojiyo maaha lakiin hadii aanu hayn oo uu isku dayo inu inta ka dhiman si musuq ah ku buuxsado waa marka uu qaraxa ugu wayni imanayo khilaaf Kulmiyena aanu ka fursan doonin in Maxkamad la isla galo oo go’aanka maxkamadu noqdo kama dambays sidii horeba uga dhacday khilaafkii UCID. Lakiin markan kuwa laga xukumaa ma hayataan fursad ay ku xisbi cusub ku heli karaan balse waxa u furan xisbiyada mucaaridka ah.

Si kastaba xaalku ha ahaado eh haduu Muj, Muuse, Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye uu dib u soo dhiciyo geelii dayr hore laga qaaday mujaahidiinta SNM oo maxaan ku diidi waaba dahab eh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here