“Chelsea unaan ku maqlay Kante ee waligeey horey uma maqal.”. Antonio Conte

0
447

(London) 30 Oktoobar 2016. Tababare Antonio Conte ayaa qiray inuusan horey u maqlin ama u garaneyn N’Golo Kante ka hor inta uusan xagaagan ku soo biirin Chelsea.

Kante ayaa ka mid ahaa xiddigihii sida lama filaanka ah horyaalka Premier League ugu gacan galiyay kooxda Leicester CIty xagaagii la soo dhaafay laakiin macallinka reer Talyaani ayaa sheegay inuusan horey u maqal Kante ka hor inta uusan soo cago dhigan Stamford Bridge.

hasayeeshee, Conte ayaa qaba in Kante yahay xiddig qad dhexe oo dhammeystiran kaa oo howsha u fududeeya kubbad qaabeeyayaasha ka ciyaara hareerihiisa.
“Miyaan garanayay isaga ka hor inta aan imaan halkan? Jawaabtu waa maya ma garanayn,” Conte ayaa sidaa yiri.

“Waxaan aaminsanahay inuu yahay xiddig qad dhexe oo dhammeystiran, ma ahan oo kaliya inuu yahay xiddig qad dhexe oo daafac.

“Waan ka helaa marka uu Kante uu ku riixayo ciyaarta nidaamka aan iminka u ciyaareyno, aad ayaan uga helaa, N’Golo aad ayuu u fiican yahay.

“Waan xusuustaa ka hor kulankii Leicester City, dad badan ayaa yiri waa ciyaaryahan duwan marka lala bar-bar dhigo sanadii hore markii uu iyaga u ciyaarayay.

“Laakiin waxaan leeyahay Kante si fiican ayuu u ciyaarayaa iminka aad ayaana ugu faraxsanahay inaan halkan ku heysano isaga.