Ciidamada AMISOM Iyo Ururka Al-shabaab OO Dagaal Xoog Leh Ku Dhexmaray Degmada Diinsoor

0
387

Ciidamada AMISOM Iyo Ururka Al-shabaab OO Dagaal Xoog Leh Ku Dhexmaray Degmada Diinsoor.
Diinsoor(Warsugannews)-Koox ka tirsan Ururka Al-shabaab ayaa weerar ku soo qaaday xalay fadhiisin ay ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa AMISOM kaga sugnaayeen magaalada Diinsoor ee gobolka Baay, Markii dambana ka dhashay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac.

Goobta oo ah duleedka magaalada ciidamada isgarabsanaya ee Dowladda iyo AMISOM ayaa iska caabiyey weerarka AL-shabaab Iyadoo sida saraakiisha Dowladda iyo AMISOM sheegeen in ay ciidamadooda dib u celiyeen kooxdii Al-shabaab ee weerarka soo qaaday.

Khasaaraha dhabta ayaan la ogeyn walow dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ay arkeen tiro maydad ah balse aan la isku waafaqsanayn cadadkooda kana dhashay dagaalka loona malaynayo in labada dhinac ay kawada tirsan yihiin.
Magaalada Diinsoor ayaa ciidamada dowladda federaalka iyo AMISOM Al-shabaab ka qabsadeen dhamaadkii bishii Juulay, Al-shabaab ayaa Diinsoor ka talinaysay muddo ku dhow 8-sano.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here