Yaa Ka Masuul Ah Wixii Ka Dhacay Golaha Wakiilada

0
362

Yaa Ka Masuul Ah Wixii Ka Dhacay Golaha Wakiilada.
Gacan-ka hadalkii 12 September dhexmaray shirgudoonka golaha wakiiladu wuxuu daarnaa sida laga warqabo wareejinta haamaha kaydka shiidaalka ee Berbera.ilaalinta hantida qaranka ee haamuhuna ay kamidka yihiin waa masuuliyada saaran xukuumada,hasa yeeshee habka iyo qaabka loo marayo bixintooda waa inay ahaataa mid loo galo tartan xor iyo xalaal ah oo uu ka qaybqaato muwaadin kasta oo danaynaya.

Hadaba KUMAA KA MASUULA FOOLXUMADII GOLAHA WAKIILADA KADHACDAY ?
Jawaabta waxaa laga yaabaa in qof ba dhinac iska taago lkn xaqiiqda jirta waa mid aan la qarin Karin. Sida ka muuqatay waraaqdii uu madaxweynuhu kusoo celiyay golaha ee uu Ku diidanaa go’aankii wakiiladu Ku laaleen wareejinta haamaha waxay weji kale u yeeshay xildhibaanadii sida
midaysan u taageeray soojeedintii mudanayaasha qaarkood ee aqlabiyadii u badeshay go’aan gole,waxayna dareemeen baahida iyo dedaalka ay xukuumadu ugu jirto wareejinta haamaha.Madaxweynuhu wuxuu u arkayay inuu xaq ulahaa ku soo celinta golaha go’aanka ay gaadheen sidii mashruuc sharci oo kale, balse jawaab celintii gudoomiye Cirro ee sharaxaada badan kabixisay shuruucda iyo xeerarka dalka u yaal waxay qasriga madaxtooyada Ku noqotay dhaabad aan la dhaafi karin waxayna go’aansadeen inay Marin kale uga wareegaan oo u dib usoo celiyaan isla motion-kii fadhigan la keenay ee go’aanka laga gaadhay iyadoo lagu riixaayo hirgalintiisa dhaqaale waana goobta feedhkii shalay uu ka bilaabmay.mudane Baashe waa xildhibaanada xukuumada ugu jira aqalk a wakiilada ee gar iyo gardaraba teegara waana masuulkii labaad ee golaha ee looga baahnaa ixtiraamka golaha iyo xeer hoosaadkiisa, ee looga baahnaa ilaalinta nidaamka iyo hanaanka Kala saraynta, mudanuhu wuxuu bilaabay inuu gudoomiyihii oo fadhiya isagii hagistii golaha la wareego, codna uu galiyo motion kii. Sidaa daraadeed qaska iyo dagaalkuba waxay ahaayeen masuuliyad wadareed ay si siman u wadaagaan:
1.Mundane Baashe 2.Aqalka madaxtooyada 3.iyo xildhibaanadii mooshinka keenay.
Waana hubaal inaan feedhku Baashe kaligii Ku dhicin ee uu wada taabtay dhamaan kooxaha aan soo sheegay.
WAA MAXAY FAA’IDADA XUKUUMADA UGU WAREEJINTA HAAMAHA SHIIDAALKA?
1- iyadoo xukuumadu ka fa’idaysanaysa mudo kordhinta kooban ee loo sameeyay waxay doonaysaa in dhaqaale buuran ay ka urursato shirkadahaas ay ku wareejinayso haamaha shiidaalka, waayo waxaa anfici waayay xadiga lacagta ah ee ay hore uga qaadayeen kireenta haamaha kooto la’aan.
2-Sida ay u wareejisay xukuumada warshadihii laydhka ee Hargaysa iyo Berbera dedaalkana ay ugu jirto wareejinta dekeda wayn ee berbera waxay muujinaysaa in ay doonayaan inaanay wax hanti dawladeeda uga tagin maamulka ka danbeeya oo gacanta loo wada galiyo shakhsiyaad gaara hantidii qarankani lahaa.
Hadii ay rumawdo riyada maalin sawaalka ah ee kooxda madaxweyne siilaanyo oo kooto loogu xidho haamihii Somaliland oo dhan ka dhexeeyay waxaa dhacaysa inay siday doonaan ka yeelaan sixir ka shiidaalka madaama aanay jirin shirkado kale oo kula tarmaya suuqa. Suuragalna maaha in shirkado shiidaal ka jaban kooda ibinaya ay ogolaanshiyo u siiyaan haamihii lacagta badani ka baxday . waxaan maqaalkaygan Ku soo xidhayaa waar dalka ha loo tudho.
Maxamed Cabdilaahi Xasan (Sayid)
Burco,Somaliland.
Sayidmaxamed22@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here