Kir Qudha Ayaa Igu Hadhay Oo Dameerkaygaan Ku Dhaqaajinayaa Sheeko Gaaban

0
413

Kir Qudha Ayaa Igu Hadhay Oo Dameerkaygaan Ku Dhaqaajinayaa Sheeko Gaaban

Salaamu Calaykuma Bahwaynta Saxaafadda Iyo Akhristayaashaba
Caawa waxaynu ka nasan doonaa maqaaladii siyaasada qaawan
Ahaa waxaan idiin soo gubinayaa sheeko
Laba nin oo saaxiibo ah islamarkaana ah dadka ku shaqaysta
Gaadhi Dameerka ama Gaadhi Ximaarka hadba sidaad u taqaaniin ayaa maalin
Maalmaha kamida waxay kaxaysteen labadoodii gaadhi dameer waxaanay
Damceen inay dameerahooda kusoo gurtaan xaabo ay magaalada ka iibiyaan
Waxaanay ka baxeen magaaldaii labadii nin iyagoo sahaydoodi sita
Hadaba labadan saaxiib ee dameerayaasha ahi waxay isticmaalaan daroogada
Sida xashiishada Isbiirtaha Xabagta iyo noocyada kala duwan ee daroogada
Sidaadaraadee nimankan odayaashii way sii camirteen waysooyinkooda
Maadaaba ay magaalada kabaxayaan hadaba markii ay geligii gaadheen cidlada ahaa ee ay xaabada kasoo gurijireen
Ayay hawshoodii guda galeen xaabo gurista ahayd
Sidookalena waxay iyana bilaabeen dee qidhim toodii yarayd ee caagadaha
Ugu jirtay nimankii dameerii way rarteen waxaan tal la yihiin bahal sakhradda
Oo waxay labadoodiiba waxay noqdeen Oof heega ayaa lagoostay
Markii gaadhi dameeradii rarkii ku dhameeyen ee ay xagaa iyo magaaladii
Inay u dhaqaajiyaan damceen ayaa labadii nin mid kamida waxa ku adkaatay
Kelmedii ama erayga KIR oo marka dameerka la dhaqqjinaayo loo adeegsado
Sikhradiisii ayaa ku tidhi KIR karimaysid dabeedna saaxiibkiisii kale
Ayuu kacodsadayinuu dameerka KIR ugu yidhaahdo si dameerku ugu dhaqaaqo ama ugu socdo
Dabeeed wuxuu kuyidhi waar saaxiib KIRTII ayaa iga dhamaatay dameerkiina iima soconaayee saaxiib dameerka KIR iigu dheh hay dhaqaaqee?
Saaxiibkiisii uu gargaarka iyo gurmadka ka dalbaday oo isaga qudhiisu sakhrad la liita
Ayaa ugu jawaabay Saaxiib Anigaba Kir Qudhaa Igu Hadhay Oo Dameerkaygaan Ku Dhaqaajinayaa Igadaa Hay Banjarinine
Walaahi Kir Kelyaa Igu Hadhay Kaama Xistiyaayee
Meded Yaa Sheeko
By Sacad Cali Kaahin plucky

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here