Baashoow kala daa yaan la caayin iyo waan caytamayaa dowladdu ma kugu raacsantay aflagaaddada Guddoomiyaha W/Q.Daahir Sancaani

0
444

Baashoow kala daa yaan la caayin iyo waan caytamayaa dowladdu ma kugu raacsantay aflagaaddada Guddoomiyaha W/Q.Daahir Sancaani

gudoomiye kuxigeenka golaha wakiilada ee aan hal cod ku fadhiyin Baashe waa shkhsi ku faana in uu golaha ku yimi boqol dollar oo ay ka bixiyeen xubnaha Kulmiye ee golaha ku jira sababta ka dambeysa Baashe in loo diro tigidhka diyaarada boqolna dollarna loogu daro maanta nina kama qarsoona oo waa qaskan uu ka dhex wado golaha ilayn wax lexojeclo kama laha qarankan kumanaanka kun u soo dhinteen Baashe waa nin dabeecad qalafsan oo af xun marka aad u fiirsato hab dhaqankiisa waxaa kuu muuqanaysa inaanuu ahyen masuul ku haboon golahan in uu maamulo iska daayee in uu xataa ka mid noqdo ayaa qalad ah jawaabtana waxaa laga sugayaa Kulmiyeha boqolka dollar ka bixiyay iyagaana leh eeda wixii ka dhacay barlamaanka waayo Dhulbahante lagama dhex waayin muwaadin xalaal ah oo dalkiisa iyo dadkiisa u tudhaya nasiib darro se kii ugu liitay bay kala soo dhex baxeen taas lafteedu waa gaf laga galay reer Sool in ninka noocani uu matalo bulshoweynta Laascaanood ku nool.

Hadaba taa ugu yaabka badan waa Baashe oo ka cabanaya waa la i caayey oo waxaa i caayey Mujaahid Cali Guray iyo Suldaan Sabeyso hadaan dib ugu yara noqono cajaladihii laga duubay jawaabaha Suldaanka iyo Mujaahidka noomay muuqan dhagahayaguna may maqal cay ee waxey u badnaayeen talooyin iyo waano waa haduu Baashe wax ku qaadanayo balse ma qabo anigu oo feedhka Ciro wuxuu ka dhiganyahay “nimaan warankaagu gelin weedhaadu ma gasho” ninkii Baashe ee la ogaa cayda fooshaxun ee uu kula kacay Gudoomiyaha dhan ee barlamaanka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi isagoo hooyadii iyo waalidkii aflagaadeeyey sidii inan yar oo ciyaala suuqa ka dhex caytamay golaha islahaana waxaa kaa celinaysa dowlada ayaa loo dhigay cashar lama ilaawaan ah haatana cidna ma odhan karo yaan la i caayin waayo isagaa bilaabay cayda iyo afxumada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here