Cagta miyaa la saaraa libaax ,sow ku cuni maayo? W/Q.Baxnaan X. Aadan

0
429

Cagta miyaa la saaraa libaax ,sow ku cuni maayo? W/Q.Baxnaan X. Aadan

Dhaqane iyo dhaashane

dhalin weeye magaallo.

dhaqankoodu mid maaha .

Dhaliil la iskama qaato .

DHafoor taabasho weeye .

Dhibtana la iskuma eego.

daily way kaftamaan .

Hadana la isma dhegaysto.

Dhoohanaad tahay waalan

iyo adaa dhoocil ka liita

warkoodaa ku dhamaadee .

Kaalayoo bal dhegayso.

Dhaqane:Waar heedhe horta kuwan beeluhu maxay ka shiraan hadaanay wax macno leh soo saarayn ?Beel kastoo shirtaa afar qodob oo la yaqaan uunbay soo saartaa.

Dhaashane:Oo maxay yihiin afarta qodob ee la yaqaan?

Dhaqane:dee sowdiga yaqaan maaha waa:

1.Inay shareecada islaamka ku dhaqmayso

in beeshu nabad gelyada ilaalinayso

3..Jiritaanka somaliland inuu muqdas yahay

4.Inay deris wadaag fiican kula noolaanayso deriskeeda.

Waxaasi ma wax waxaasoo kharash iyo wakhti ah lagu bixiyaa?

Dhaashane:Waar adeerow anagu wax waxaa ka wanaagsan garan maynee ,waxan ku waydiiyey imika miyaa dagaalamaysaan hadii haamaha shidaalkaba la soo qaado?

Dhaqane.(Sometimes one box save`s the nation).

Dhaashane:Waar anaga af ingiriisi ha nugula hadline dagaalka joojiya adeer .Haddi kale runtaa la isu sheegayaa baan ku idhi . Cirrona meeshaba waa ka tuuraynaa.

Dhaqane:sowtaan ku idhi:

Goomaalihii aar

Inuu go`o ha joogtee

Garanuug ma noqon karo

Indhuhuu is geliyaad

Garanuugta moodee

Allow muu is kala guro

Go`a aad ka carartide.

Waa qallinkii:Baxnaan xaaji aden diiriye

Sweden

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here