Reer Somaliland Waa Isku Dad Weyna Kala Dhaqanyahansanyihiin by-ali biime

0
816

Reer Somaliland Waa Isku Dad Weyna Kala Dhaqanyahansanyihiin by-ali biime

Ceebtii weerarkii af iyo gacan ee lagula kacay Gudoomiyaha kowaad ee baarlamaanka Somaliland Xildhibaan Baashe Maxamed oo runti anigu aanan taageersanayn sidii Baashe goobtaas golahaas doonayeey inuu wax marsiiyo hab deg-deg iyo maroorsi awoodeed u eeg halkaasna gartiisi ku waayeey.
Fal-falkaasi waxay daaha ka rogeen hab dhaqan fool xun guri tir ah taariikhda Somalilandna ugub ku ah siyaasiin iyo salaadiin isku deegaaan iyo beel oo Baashe is cadownimo xagjirnimo colaad gun oo fog cadifaad xambaarsan ugu wada jawaabay.
Hab dhaqankaas oo aan laga aqoon reer bariga Somaliland wada dega oo nidaamka xididnimada aad ugu xeeldheer niinka inanta ka qaba afxumo gef iyo xag-xagaasho midna loo geysan halkaas xaal gole joog geel iyo fardo ah iyaa lagu leeyahay beesha Cali Guray iyo Suldaan Mawliid Sabayse oo magaciisu yahay ”Sabays.”
Haddii dhaqankii Somalilandnimo ka dhexeyeey xeerbeegtiinimo xididnimo sookeeyeninmo lahaa inun sii jiri doono waxaa hubaal ah niinka reer Burco Ama Buuhoodle ama Ceerigaabo ee la xididka ah reer Garowe ama Boosaaso inaanu kala kulmeen, aay ka xishoon lahayeen waxaas oo kale cid kalena isga baa daa.
Waxaan Gud” Baashe Max’ed Faraax kula talin lahaa nimankaas xaal geel iyo fardo ah ila aay keenan gar’ taasina noqoto mid dhaqan iyo hirgaasha inaanu Baashe gole siyaasadeed oo dambee kasoo xadiirin.
Waxaan qoraalkayga kusoo afmeraya Murtidii iyo Maah-maahii Axmed Koorjaan,,” wuxuu ka’ odhan jiray ficiladan oo kale.”
1. Alle ma yaqaan,

2. Aniga ima yaqaan iyo
3. Aw Maxamud yaqaan,

1. Naas-jiid,
2. Lug-jiid, (
3. Nacfi-jiid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here